Anigaa Hor taabsadey Siyaad Barre iyo Idaajaa

Anigaa Hor taabsadey
Siyaad Barre iyo Idaajaa

Bahda Mareegaha Farshaxan
Juun 2018

Jaantuska 1d ee Buugga Samater Baxnaan ee uu qoray Axmed Faarax Idaajaa
“ Taariikhda aduunka waxaa had iyo jeer qora cidda guuleysata, sidaa darteed ayaan u qorayaa taariikhda ku saleysan suugaanta si aan u muujiyo cidda guushu raacdey ee mar walba hogaanka haysay” ayuu yidhi Axmed Faarax Idaajaa mar uu ka waramayey barnaamijyadiisa suugaanta.

“Calooshii la ciyaar” ayaa ah maahmaah ay bulshada Soomaaliyeed ku tilmaamaan kooxda ugu liidata ragga. Waxay muuqaal hufan kaa siineysaa qof maankiisu ka maamul qaato wixii calooshiisa gala. Dhibta ay tani leedahayna ma qarsoonto, qofka tilmaantaa yeeshaana bulshada wuu ka dhex muuqdaa. Falalka ka soo fula maanka calooshu hagto ayaa had iyo jeer aad loo dareemi ogyahay, bulshada Soomaaliyeedna ma mahadiso falalkaa.

Magaalada Galbahaarey ayuu firxad ku yimid Axmed Faarax Idaajaa. Waxaa degaan ahaan magaalada u badan jilibka hoose ee u Idaajaa ka soo jeedo. Idaajaa waa Mareexaan,oo uu ka yahay Reer Diini,kana sii yahay reer Siyaad. Waxaa xilligan la soo jabiyey ciidan uu hogaaminayey Ina Siyaad Barre oo u badnaa Mareexaan, deganaana magaalada Afgooye oo uu dhinaca hab dagaalkana uu hagayey garmaqaate Gaanni.
Waxaa ciidankaasi ay soo gaadheen magaalada Galbahaarey. Waxaa xilligan ka socday dalkii la odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya weedha ah “Anigaa hor taabsadey” marka la dhacayo guriyhii dawladu lahaan jirtay. Sidaa darteed ayaa loo gartey in la dajiyo Ina Siyaad gurigii martida eek u yaalay magaalada Garbahaarey.
Waxaa sidoo kale ka mid ahaa ciidankan Cumar Xaaji Masale oo dareen hoose ahaan qabey in Ina Siyaad uu xilka dalka wareejiyo,aanse la rabin in Caydiid lagu wareejiyo.Saraakiisha muuqdey ee ciidankan ku jiray waxaa sidoo kale ka mid ahaa Canjeex.
Markii go’aankii in ina Siyaad la dajiyo guriga martida la isla gartey ayaa loo dhaqaaqey dhinicii guriga. Ina Siyaad wuxuu ahaa Mareexaan/Diini/Kooshin. Jilibkan hoose ee reer Kooshin uuna ka soo jeedo ina Siyaad ma degaan gobolkan Geddo ee ay magaalada Galbahaarey u tahay caasimad, ayna ka mid yihiin degmooynka Baar-dheere, Buur-dhuubo,Beled-xaawo, Luuq, Dooloow, Ceel-waaq, hase yeeshee waxay degaan gobolka Galgaduud ayna ka mid yihiin degmooyinka kala ah Dhuuso-Mareeb,Cadaado, Caabud-Waaq, Ceel-buur, Balan-bale,Guri-Ceel iwm.
Markii la soo gaadhey gurigii Martida ayaa waxaa dhacdey arin lama filaan aheyd oon meeshaba loo fadhiyin. Idaajaa oo ka mid ahaa ciidankaa maqlayeyna go’aankaa ayaa hoos ka dusay tageyna gurigii martida. Wuxuu Idaajaa taagnaa kadinka guriga markii la soo gaadhey guriga. Odayaashii ayaa u tilmaamey ina Siyaad inu guriga galo, hase yeeshee Idaajaaa ayaa la soo boodey in uu isagu hir taabsadey gurigan degayana. Ina Siyaad oo libaax ahaa hase yeeshee markaan jiir ka yar ayaa ku yidhi “ Idaajaa ma adigii baa guriga igu haysta”.
Waxaa kala jabey dadkii meesha joogay,lana kala saftey Idaajaa iyo Ina Siyaad. Dadka dhinaca Idaajaa raacey waxaa ka mid ahaa Cumar Xaaji Masale oo ka mid ahaa dadka aadka uga soo horjeeday ina Siyaad, hase yeeshee reernimadu ku kaliftay inuu ka mid noqdo ciidamadan reeraysan.
Waxaa la isla gartey in labadaba (Ina Siyaad iyo Idaajaa ) ay wada degaan guriga. Hase yeeshee doodaa oo socotay labad toddobaad ayaa markii koox ka soo jeeda jiliba Mareexaan/Diini/Siyaad ee uu Idaajaa ka soo jeeday ay raaceen Ina Siyaad Barre. Waxaa dadkaa ka mid ahaa Cali Xaashi oo ahaa gudoomiyihii gobolka Gedo iyo Sarkaal sare Ibraahin Cali (Canjeex). Labadani waxay ka mid ahaaayeen ragga uu Ina Siyaad soo gacan qabtey, hase yeeshee diiday inay ku wacad furan.
Markii arintii sidaa lagu dhameeyey ayuu Ina Siyaad ka sheekeeyey sida uu u soo gacan qabtey Idaajaa, dad aanu la fil iyo aqoon aheyna uu ka sareysiiyey muddadii uu xilka madaxtinimada hayey.
La soco qaybta danbe oo ka warameysa sidii loo soo naas nuujiyey Axmed Faarax Idaajaa

Advertisement

Ku Xayeysiiso