Ordugan Oo Raaligeliyey Taageerayaashiisa ka dib markii uu ku habsaamay Dhaawac soo gaadhay Wiil yar

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordugan ayaa cudur daar ka hor bixiyey Isu soo bax taageerayaashiisa isugu soo baxeen Xarunta Xisbiga ee Istanbul ka dib markii uu dib uga dhacay isu soo baxa, taas oo ay sababtay inuu la socda xaalada wiil ku dhaawacmay xarunta xisbiga hortiisa.

Ordugan ayaa khudbad uu ka horjeediyey Taageerayaashiisa ayaa sheegay inuu ka cudur daaranayo Dib u dhiciisa raaligelinayano waxaan idiin sheegaya in wiil yar oo isu soo baxayaasha ahi uu ku hor dhaawacmay xarunteena horteeda waxaana loo qaaday Cusbitaalka waxaan ugu tagay in aan dejiyo waa Todoba Jir waxa uu hadda galayaa Qaliin Alle waxaan uga Baryayaa Cafimaad iyo Bogsi degdeg ah.

Goor Sii horeysay Wakaaladaha Wararka Turkiga ayaa sheegay in mid ka mid ah taageerayaasha Ordugan oo Caruur ah loo qaaday Cusbitaalka ka dib markii uu lugta la galay Qalab Baabuurta ka celiya Wadada.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso