Safarkii Hal-abuurka: Xog-warranka Jidka Sanaag iyo Degmada Ceel-af-weyn! Qormada 2aad. Siciid Maxamuud Gahayr

Haddii uu Cabdiraxmaan Abees ku laabtay Hargeysa, intayadii kale waxa aanu ku degnay Hudheelka Cigaal ee magaalada Burco. Halkaas waxa isla habeennimadii noogu yimi Cabdiqaaddir Cabdiraxmaan Maxamed (Abwaan Cabdiqaaddir Qalinle) oo qayb ka ahaa safarka nabadaynta. Waxa aanu sugaynnay in uu isla ayaantaas soo laabto Abwaan Cabdiraxmaan Abees, dhanka kalena waxa ay ahayd maalin nasasho. Sidaas ayaannu dharaartii Hakis-bila (Jimce) ugu hakannay xarunta Togdheer.

 

Goorta aanu soconnay oo xilli dambe ahayd awgeed, waxa aanu is arki kari weynay mudan u heellanaa soo-dhaweyntayada. In badan waxa aanu iska maqalnay adeegga taleefanka. Goorsheegtu waxa ay caga-cagaynaysay amintii suxuurta, sidaas awgeed ayaanu caano, sarreen iyo shaah uga doonannay faras-magaalaha. Iyada oo meheradaha albaabbada loo xidhayo ayaanu dirqi ku helnay soor aanu jal ka dhiganno.

 

Caweysnimadii Hakis-bila (Jimce) ee Soo-rogadu (Sabti) ay soo gelaysay ayuu Abwaan Cabdiraxmaan Abees noogu yimi waageerka Balaasa Hotel, halkaas oo aanu ka sii ambaqaadnay geeddigii nabadaynta ahaa ee aanu weysada u biyaysannay. Habeennimadaas waxa aanu kulan la sii qaadannay Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Dubbad (Maxamed Dhigane) iyo dhallinyaro badan oo reer Burco ah. Si waafi ayay u sii tabantaabiyeen baqoolkayagii ku jihaysnaa Gobolka Sanaag.

 

Waxa aanu ku suxuurannay waageerka Fadhigaab oo u dhexaysa Garadag iyo Ceel-afweyn. Ban uu dooggu mudhay, barwaaqo ah oo dhaayuhu ku doogsadaan jalleecadiisa ayaanu shaah, caano iyo sarreen ku quudannay. Kobtaas Bancadde waxa baabuurka kaga soo degay Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax). Isaga oo curinta gabayga ku guda jira ayuu moodharku joogsaday. Runtii dareenka hal-abuurka wejigiisa ka muuqda ayaa laga gartaa marka uu midho samaynayo.

 

Waxa aan maqlay isaga oo leh:

“Mashaqada hadday kaa dhab tahay, dhayma-bixinteedu

Dhex ka noqo sokeeyaha is-dilay, ha isku sii dhidhine”

Mar ayaan moodayba in uu ila hadlayo, gadaal ayaan se ka kasay in uu allifayo gabaygii ergada u ahaa colaadda. Bancadde ayaan maqalkiisa la kowsaday.

 

Waxa halkaas naga sii raacay askari reer Ceerigaabo ah oo ka soo noqday furinta Tukaraq, gaadhi weyn oo uu saarnaa ayaa galay dhiidhi ka dhashay mahiigaan arliga maansheeyay. Waxa uu si waafi ah noogu sharxay deegaankii aanu sii dhex maraynnay oo buuro, magaalooyin iyo bannaanba lahaa.

 

Haddii aan si kooban u faalleeyo waxyaabihii aanu ku sii aragnay inta u dhexaysa Gobollada Sanaag iyo Togdheer, waxa aan si gaar ah u dul istaagi doonaa dhismaha Jidka Burco-Ceerigaabo iyo Xaaladddii Degaanka Ceel-af-weyn.

 

Dhismaha Waddada Sanaag iyo Togdheer

Jidka Burco-Ceerigaabo si fiican ayaa loogu dedaalay. Guud ahaan waxa guul buuxda laga joogaa abaabulkii qaranku u galay dhismaheeda. Qaadhaankii ardayda, mushaharkii shaqaalaha dawladda, kaalmadii qurbe-joogga iyo dhaqaale kasta oo loo huray unkikaankeedu ma dhumin, mana dhacmin. Aashii la lahaa waa ay hirgashay. Sidaas oo ay tahay wax aadame qabtay oo dhinnaansho laga waayaa ma jiro.

 

Qabyooyinka aanu ku aragnay waxa ka mid ahaa:

1.      Carra-tuulkii la dhigay meelaha qaarkood waxa qaadaya daadka iyo socodka baabuurta. Cammuuddina waa ay rifmaysaa, waxa ay u baahan tahay in dib loo buuxiyo, lana saaro daammurkii iyo jaygii ka dhigi lahaa jid buuxa.

2.      Biyo-mareennada lama dhisin. Iliilad kasta iyo inta badan dooxyadu waa ay kala dhantaalan yihin.

3.      Meelaha qaarkood oo ay biyo fadhiyeen ayaa la degay baabuurtii rarka iyo xamuulka sidday. Waxa aanu ku sigannay in aanu galno biyo-fadhiisi ka shisheeya Fadhi-gaab. Gaadhigii aanu saarnayn waxa ay biyuhu gaadheen illaa indhaha, laakiin tayadiisa oo fiicnayd waa aanu ka gudubnay.

4.      Gawaadhidu waxa ay ku siliteeyaan carrada lagu silbanayo, xilliyada uu roobku da’ayo ama waddadu qoyan tahay.

 

Iyada oo lagu jiray bil Ramadaan awgeed, wax shaqo ahi kama soconnin dhismaha jidka. Waxa la-yaab ahayd in aanu shaashadaha ka aragno Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan oo 27ka Mey 2018kaoo sheegaya in dhismihii jidku u joogsaday nabad-gelyo darrada ka oogan Ceel-af-weyn. Haddii aanay farsamo kale, dhaqaale-xumo ama xaalad kale jirin, uma hakan karto xasillooni-darro.

 

Xaaladdii Magaalada Ceel-afweyn

Waxa ay u muuqatay magaalo furin ah. Sidaas awgeed waxa la geeyay askar tiro badan oo hubinaysa sugidda nabadgelyada. Waxa aanu magaalada ku dhaafnay ciidan badan oo ka tirsan ciidanka qaranka. Raggii soohdinta difaaca ka geli lahaa ayaynu ku mashquulinnay gudaheenna. Xilli arooryo ah ayaanu galnay Ceel-af-weyn, maadaama oo la soommanaa, ma aanu arkin dadweynihii deegaanka. Keliya dhawr qof oo si teelteel ah jidka u maraya ayaanu dhaayaha saarnay.

 

Waxa xidhnaa dugsiyadii hoose/dhexe ee deegaanka. Beelihii walaaalaha ahaa ee Ceelafweyn waxa ay ardayda iyo ubadka u sameeyeen iskuullo lagu dhigto hayb. Guud ahaan waxa albaabbada loo laabay xarumihii waxbarashada. Waxa da’yartii deegaanka ee ardayda ahaa loo daabulay dhinaca magaalada Ceerigaabo, halkii uu waalid kastaa bidayay in ubadkiisu ay aqoon ka helayaan ayuu u raray.

 

Sidee Ayuu Ahaa Jidka iyo Jawiga Deegaanku?

Jidku waxa uu ahaa mid roobban. Deeqdiisii ayuu Eebbe ku maansheeyay deegaanka. Doogga, cagaarka iyo midabka qurxoon ayaa indhaha soo jiidanaya. Meelaha qaarkood oo uu is-qabsaday daaqa tima-haweenluhu waxa aad moodaysaa gal ay biyo jiifaan, waana marka aad dhaayaha saarto xilliga habeennimada ah.

 

Laakiin waxa reer-guuraaga saamayn weyn ku yeelatay abaartii baahsanayd ee carriga ku habsatay. Waxa guud ahaan yaraaday oo abaarta ku idlaaday xoolihii noolaa ee uu geyigu hodanka ku ahaa. Meelaha qaarkood waxa aanu ku aragnay xeryo ay degeen dad bara-kacayaal ah oo ay duunyadi ka baxday. Waxa ay laamida hareeraheeda ka dhisteen guryo cawshado ah. Halkaas ayay ku maareeyaan nolosha cusub ee la deristay.

 

La soco qaybta saddexaad idanka Alle

Siciid Maxamuud Gahayr 

siciidgahayr@gmail.com, saedmgahair@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso