Wasiir Maxamed Kaahin Axmed waxa uu nooga warramay tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee lagu joojinayo colaadda sida in gudaha la dhigay dad ka soo kala jeeda beelihii xajiintu ka dhexaysay, kuwaas oo saldhigyada Boorama iyo Ceel-af-weyn lagu kala hayo, tirada dhimashada iyo dhaawaca oo ka badan intii ku waxyeellawday dirirta Tukaraq ku dhex maraysa Somaliland iyo Soomaaliya, sida ay u yihiin dad aan is-hurin oo dab ka huray iyo sida ay ciidanka qaranku heegan yihiin xaqiijinta nabadgelyada deegaanka.
“Suugaanta waxa fiican ta kooban ee nuxurka gudbisa. Abwaan Hadraawi ayaa sheegay in maansadii Cali Sugulle ee Deelleydu ay gudbisay farriin kooban oo la fahmi karo. Wax isaga ku qaatay beydad badan ayuu Cali Sugulle koobay. Waxay ahaayeen hal-abuurro uu midkoodba ka kale u qiro weedha iyo maansadafiican. Dawladdii waxa uu ku shababay laba-deryaale si xun loo dhisay. Shay kasta meel aanu lahayn ayaa la geliyay. Kaddibna waxa loogu yeedhay haweenay ku xeel-dheer dhismaha guryaha.
Waxa ay tidhi:
Dib in loo furfuro iyo
Kala-daadin mooyee
Daawo looma heli karo
Salaan Carrabay waxa uu afkiisa ku kala kaxeeyay beelo walaalo ah oo 28 gu’ dagaallamayay. Wiilkii dhashay iyada oo colaaddu socoto ayaa dirirta ka qayb galay. Si fiican ayuu u hogatusay labadii beelood. Idinkuna doorkaas waad qaadan kartaan, waxa loo baahan yahay in wax loo sheego labada dhinac ee colaaddu ka dhexayso.
Marka laga tago haybtooda guud (Habarjeclo iyo Habaryoonis), labada jilib ee is-dilaya ama dagaalku ka bilaabmay (Idarays iyo Baho) waa reeraha Soomaali oo dhan la baxay magac kale ee “Habar-lammaan” la isku yidhaahdo. Dhimashadu waa 56, dhaawacuna waxa uu kor u dhaafayaa 150. Inta ay iska dileen ama iska dhaawaceen kuma waxyeelloobin dagaalka Tukaraq ka socda. Waa wiil iyo abti, sida ay isu dhaleenna cid Soomaali ah oo isu dhashay ma jirto. Waa aad la hadli doontaan bulshada” ayaa ka mid ahaa weedhihii Wasiir Maxamed Kaahin Axmed.
Markii aanu af-garad buuxa ka gaadhnay ujeeddadii socdaalkayaga, kaalinta aanu qaadan karno iyo tallaabooyinka ay tahay in lagu dhaqaaqo ayaanu gadiidnimadii (duhurkii) ku soo laabannay Ceerigaabo.
Caweyskii uu sooyaalku ku beegnaa 27kaMey 2018ka, waxa aanu xog-wareysi qoto-dheer la yeelannay odayaal ka soo kala jeeda xigaalka iyo labadii beelood ee shaqaaqadu u dhexaysay. Waxa ay si waafi ah noogu faahfaahiyeen salka dhibaatada ka jirta Ceelafweyn. Si furan ayaannu uga sheekaysannay arrimo u baahan in la dareensiiyo cidda gacanta ku haysa xalka kama-dambaysta ah ee loo unkayo dadka wada dhashay.
Waxa ay fadhiyeen laba bar-kulan oo isku xiga, qolo waliba si sooc ah ayay guri u joogeen. Markii aanu beel la kulannay, waxa mahuraan noqotay in aanu qolada kalena aragno, waxa aanu ka feejignayn in na loo tiriyo dad dhinac u janjeedha. Kala-fadhiga guurtidu waxa uu summad u ahaa in habdhaqankii beeluhu ku sii xooggan yahay Gobolka Sanaag. Meel walba waxa fadhiyay malaha soddomeeyo nin oo aan la tarraxin. Qolo weliba wixii aanu warsanno waa ay ka warcelinayeen. Labada dhinacba waxa ay ka xumaayeen colaadda jiitantay.
Subaxnimadii sooyaalku ahaa 28ka Mey 2018ka waxa aanu Xarunta Gobolka Sanaag kula kulannay Madax-dhaqameedka, waayeelka, haweenka iyo masuuliyiinta dawladda ee Gobolka Sanaag. Badhasaabka Gobolka Sanaag Md Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa ugu horreyn faahfaahiyay ujeeddada kulanka loo qabtay iyo sababta aanu Sanaag u nimi. Intaas kaddibna waxa uu Badhasaabku u baxay in uu ka qaybgalo munaasibad dhagax-dhig u ah Garoonka Labaad ee Ceerigaabo oo uu Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md Boos Mire Maxamed ka hirgelinayay magaalada Ceerigaabo.
Waxa ku xigay Abwaan Cabdillaahi Xasan-Ganey oo caddeeyay sida aanu u nahay dad is-xilqaan ku yimi oo ka damqaday waxyeellada kala gaadhay dadka walaalaha ah. Hal-abuurku waxa uu xusay in aanu nahay ergo iskeed u soo safartay oo aanay cidina soo dirin. Ugu dambayntiina qaar ka mid ah odayaasha gobolka sida Chief Caaqil Maxamed Jaamac iyo Suldaan Baddacas ayaa ka sheekeeyay geeddigii nabadaynta Sanaag iyo sida xasiloonni buuxda loogu dabbaali karo xaaladda Ceel-af-weyn.
Isla maalintaas ayaanu shir jaraaid ku qabannay Hudheelka Cadami, annaga oo ah lix hal-abuur. Waxaana labadaas fagaare-hadal faafiyay warbaahinta reer Sanaag oo gaadhsiiyay dacallada dunida. Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul ayaa fiidnimadii wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBCda. Kulannada iyo war-saxaafadeedyadaasi waxa ay kor u qaadeen wacyigii ummadda, waxa ay baraarujiyeen darkii moogganaa halka xaalka deegaanku marayo.
Waxa ay karaar-geliyeen falalkii lagu agaasimi lahaa dib-u-heshiisiin waarta, sida aynu Eebbe ka filaynno iyo unkista af-garad buuxa oo lagu af-jaro colaadda. Saamayntooda waxa aanu ka dareennay tilifoonnadii badnaa ee na soo wacay, dhambaalladii Emailka naloogu soo diray iyo guubaabadii bulshada ku kala nool dalka iyo dibadda oo duco iyo maamuus na huwiyay.
Maalin kaddib oo sooyaalku ku suntanaa 29kii Mey 2018ka waxa uu Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Md Tiimbaro faray dhammaan cuqaasha Sanaag inay isugu yimaaddaan Ceel-af-weyn. Waxa uu Badhasaabku ku gooddiyay in ay tallaabo ka qaadi doonaan beel-daaje kasta oo u hoggaansami waaya amarkaas ay dawladdu soo saartay.
Walaw uu qorshuhu ahaa in aanu Ceel-afweyn ku laabanno 29kii Mey 2018ka, waxa ay madaxdii gobolka iyo saraakiishii ciidankuba mashquul ku noqdeen Xil-wareejin loo samaynayay Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka Sanaag iyo Taliye cusub oo loo magacaabay, jagadana isku wareejinaya. Sidaas awgeed waxa aanu doorbidnay in aanu dhammaystirno kulanno nooga socday magaalada Ceerigaabo oo aanu la yeelan rabnay qaybaha bulshada oo qabyo naga ahaa.
La soco qaybta shanaad haddii Eebbe oggolaado
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com,siciidgahayr@gmail.com
Hargeysa