Oday dhaqameed la yidhaa Deerow Dhaqane Maxamed kana tirsanaa madax dhaqameedkii ka qeybqaatay soo xulista xubnaha Baarlamaanka Maamulka Taagta Daran ee Muqdisho ayaa kooxo ku hubaysan baaskoolado ku dileen magaalada Xamar.
Odaygan ayaa lagu dilay Xaafada Dayniile ee Magaalada Muqdisho waxaanu ahaa odayaashi xulay Maamulka Jubaland.
Dad goobjoog ayaa sheegay in Rag hubeysan ay toogteen odeygan, waxayna isla markii ay falka geysteenba ka baxsadeen goobta ay dilka ku geysteen.
Kooxda Shabaab ee Dagaalada ka wada Dalkaasi Somalia ayaa sheegatay Dilka Odaygan, kooxdan ayaa waayadan dambe ugaadhsi ku hayay Oday dhaqameedyadii soo xulay Maamulada faraha badan ee ka Jira Dalkaasi Somalia ee dagaaladu ragaadiyeen.
Warqabadka ToggaHerer