Taxaabistaydii iyo Tacaddigii Aan Arkay: Dhegaysigii Maamulaha Madaarka iyo Dembi-baadhaha!

Wuu iska hor iyo daba yimi “Siciid dad ayuu wax ka duubay. Ma hubo in uu isagu duubay. Dadka dhulka laga qaaday lacagtoodii waanu siinnay, badh ayaa wax nagu leh. Dhul-beddel in loo sameeyo ayaanu Dawladda Hoose u gudbinnay. Ardayda uu xayndaabka madaarku xidhay hal bas ayaanu u kiraynnay, weliba taasna xaq nooguma laha. Ma garanayo inta uu Siciid Maxamuud Gahayr xidhnaa. Wallaahi aniga ayaa xidhay, meeshii aan masuulka ahaa ayuu wax ka sheegay. Cid kalena arrinka iguma weheliso. Markii uu Siciid qoraalka sameeyay ayaa siligga la jarjaray, taasna waxa aanu u aragnay in hadalkiisu dhiirri-gelinayo fawdada.

Khubaro nala shaqaysa ayaa noo sheegtay in Email loogu hanjabay Ethopian Arilines laga diray email lagu sameeyay taleefan uu Siciid leeyahay. Madaarku deegaanka uu ku yaallo waxba uma taro ayuu yidhi. Mar kale oo 2015kii ahaydna dhaliil ayuu noo jeediyay.” ayaa ka mid ahaa weedhihii Maamulaha Madaarka Hargeysa uu maxkmadda ka yidhi

Waxaas oo cantarabaqash iyo dhataqle aan la koobi karin ayuu ku tiraabay. Walaw uu iska dhigayo nin amarkiisa aan ku xidhanay, waxa aan ogaa in uu yahay awr-kiraale la ii soo dhex maray. Qof ahaanna waa aan hubay cidda daaha dabadiisa ka hagaysa xadhigga. Ma far ayaa lagu dhuuman karaa! Sawtii la yidhi “macal-cune soo bixi doonee”.

Inkasta oo uu dhaarsanaa, haddana waxa uu sheegay been caddaan ah. Isaga oo baalla-daymoonaya oo aad mooddo in uu qabar ku habsaday ayuu albaabka ka booday kolkii uu fadhigu xidhmay. Murti hore ayaa ahayd “tolkaa dhiig waa loo soo hooyaa. Laakiin dhaar looma soo hooyo”, cidda dhaarta dambarsata waa loo joogaa. Isaga oo afka kala qaaday ayuu tegay Wasaaraddii Duulista Hawada “Anigana qareenno ha la ii qabto, meesha waxa joogay tol badan. Waxa maal-gelinaya Jamaal Cali Xuseen oo qareennada lacag ku bixiyay. Hayaay… Hayaay… Uu” waxaas iyo ereyo kale oo uu farta dhexda kaga qaniinayay ayaa la ii soo sheegay. Waxa yaab ahayd in ay madasha joogeen dad uu hore ugaga dhaartay in uu xadhiggayga lug ku leeyahay.

Waxa la arkay ninkii shalay i dafirayay oo duudsigayga dusha u ritay. Ceeryoonka uu galay awgeedna waxa uu barbaarta Hargeysa ku laaluushay in ay af-legaaddo qaawan ka sheegaan Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Caydaas laf-jabka ah oo aan xaal iyo xurmo ka bixinayo waxa uu ku wadaagay (share gareeyay) baraha bulshada sida Facebook. Taasna waxa uu ka sii dhaxlay magac-xumo aan weligeed la maydhi karin.

Wadaadku inuu jabay waxa aan ku gartay markii uu qareennada ku yidhi “inaadeer, inaga xumaani inagamay dhexayn. Maxaad weydiimaha dabka ah iigu gantay? Aniga iyo Siciid isku reer hebel baanu nahaye, muxuu inankan reer hebel i lahaa?”. Allaylehe garyaqaannadii garabka xaqu waxa ay mudan yihiin billad-geesi. Intaas kuma ekaane, waxa uu dabagal ku sameeyay dadkii deegaanka Masallaha ee aan codkooda baahiyay “Waar hebelow, horta Macallin Cabdiraxmaan ma dadkii aanu dhulka ka qaadnay ayuu ku jiray? Muxuu ka cabanayaa? Ma hadimo ku gooni ah ayaa haysata?”

Inta aan xidhnaaba waa uu ila xidhnaa. Mar waxa uu foogganaa in laga maslaxo dhallinyarada runsheegga ah ee ii hiilisay. Wuxuu miciin ka dhigtay in uu yidhaahdo “Caaqil wiilkiinna igala hadal. Laba nin oo isku beel ah baanu nahaye, maxaa isaga Siciid ka galay? Garaad wiilkaa iga aammusii. Walaal askar kaxayso oo hebel soo xidh. Miyaad walaalkaa igala hadashid? Ma buugga Xaaji Cabdi ayaan qoray baa faan la moodaa? Ma haleelayo Xaaji Cabdi iyo cid kale toona oo shaqo ayaan ku jiraa”.

Maalintaas Arbacada ahna waxa dhexdhexaadinta hawsha isu xilqaamay ergo aanu ehel nahay oo ay ka mid ahaayeen Xuseen Cilmi Aadan, Deeq Dhabarweyne, Axmed-Salaan Cayngal Cali iyo Axmed Yuusuf Coomay, laakiin gaashaanka ayaanu u daruurnay. Waxa aanu ku garnaqsannay in muddo aanu daw-bixin rabnay iyo in aannaan garawshiiyo helin. Inkasta oo loo tegay aabbihii, adeerkii, walaalladii iyo kuwo ilmaadeerradii ka mid ahba, ma aannu arag cid wax odhan karta wiilka loo seetada dheereeyay. Dabka ay doonto ha kulaasho’e, waxa aanu ku adkaysannay qoys ahaan in arrinku maxkamadda ka socdo, xitaa haddii aan xabsi iyo ganaax mudanayo.

Waxa aabbihii laga sheegay “Ina Kabadheere ayaa af-dheer. Halkii uu wiilkaygu ka shaqaynayay ayuu wax ka sheegay. Maxaa Siciid baddan geliyay? Wiilkayga ma af-garanayo”. Xurmo-darrooyinka dhacay waxa ka mid ahaa in bannaanka la soo dhigay buugaag aan qoray oo yaallay mid ka mid ah dukaannada madaarka, markii aan xabsiga galay. Bal maleeya? Haddaanu sheegno ma rumaysan kartaan ka uu yahaye! Ka warrama walaalkiisa odhan jiray “Wallaahi Maxamed Yuusuf wuu ka dhaartay xadhiggaaga. Aniga ayaa u sheegay in lagu qabtay. Wax lug ah kuma laha”

Fadhigii saddexaad ee maxkamaddu waxa uu qabsoomay maalin Sabti ah, 01dii Oktoobar, 2016ka, waxaana ka soo qayb-galay Axsaabta mucaaridka ah (UCID/WADDANI), Madax-dhaqameed uu ka mid yahay Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi, qoreyaal, abwaanno iyo bulsho badan. Xamaasadda iyo xiisaha dacwaddu maalinba maalinta ka dambaysa waa ay sii kordhaysay, subaxnimadaas laga bilaabana marka maxkamadda la i keenayo waxa jidka lagu soo daadin jiray askar badan. Telefishanka Caalamiga ah ee Horncable TV oo loo idmay in uu sawir guud ka qaado dhegaysiga dacwadda ayaa laga muraara-dillaacay, taasina waxa ay sii labanlaabtay culays toban jibbaar ah.

Dadkii hoolka aan ku arkay ama aanan muuqooda aqoonnin ee weysada ii soo biyaystay waxa ka mid ahaa Hoggaanka Hawl-gelinta Ciidanka Booliska, Taliyaha CID, Taliyaha Saldhigga Dhexe, Taliyaha Qaybta Galbeedka Hargeysa iyo Gaashaanle magaciisu Qushi ahaa oo aanan kasaynninwaxa garaadaddada loogu xidhay. Isaga si gaar ah ayaa dhabarka loo soo taabtay “ha u dhawaannina. Yaanay cidi u tegin. Albaabka dambe ka saara. Dadka joojiya. Waa maxay saxaafaddu? Hayaay” ayaa weedhihiisa ka mid ahaa. Waxa aan arkayay iyada oo la doonayo in la xidho dad dacwadda dhegaysanayay, taasna waxa horjoogsaday Garsoore Khaalid Cabdi Shiil oo mar kasta si miyir leh majaraha noogu hayay.

Waxa la dhegaystay baadhihii dacwadda oo sheegay wixii uu ogaa, garyaqaannaduna inta ay afka gacanta ka geliyeen ayay waajibkoodii ka guteen. Taasi waxa ay sababtay in dembi-baadhihii lala colloobo isla markaana la canaanto, xilliyada qaarna waxa la ii sheegay in lagu xidhay xarunta ciidanka birmadka. Waxa lagu eedeeyay in uu noo eexday iyo in aanu xaqiiqada kiiska si xeel-dheer u lafa-gurin. Haddaa miyuu i hafri lahaa?

Weedhihii Jamaal Cali Xuseen waxa ka mid ahaa Saddex fadhi oo dacwaddaas ah ayaan ka qayb-galay. Siciid Maxamuud Gahayr waa nin macallin ah oo qoraa ah, sida maxkamadda ka caddaatay iyada oo aan sifo sharci ah loo marin qabashadiisa, waxa uu u xidhan yahay Maamulaha Madaarka Hargeysa. Horta waan bogaadinayaa Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ee kiiska gacanta ku haya, Xeer-ilaaliye Farxaan iyo qareenna oo dacwadda si wanaagsan u waday.

Qaabka qudha ee aan dhaliilayo ee meesha iiga soo baxdayna waxa weeye, ninka soo dacweeyay Siciid Maxamuud Gahayr ee baadhista dalbadayna waa Maamulaha Madaarka Hargeysa, ninka ku marag-furayayna waa isla isaga uun. Waa mid subxaanalleh in ninkii dacwadda abaabulay uu haddana markhaati noqdo. Waxa kale oo aan la yaabay in Siciid Maxamuud Gahayr lagu haysto in uu faafiyay warar, wararkaasina isaga kama ay imannine waa muuqaallo aanu soo duubin oo uu bartiisa Facebook soo geliyay.

Dadkii muuqaalkan soo duubay lama soo qabannin. Warbaahintii kale ee fidisayna lama qabannin. Warka qudhiisuna ma aha mid macno leh oo cid loo qabsado. Markaa waxa aan ogahay in uu mar horena xidhay maamulaha madaarku, imakana Siciid isaga oo macaan leh ayuu Siciid Maxamuud Gahayr muddo laba bilood ah xidhan yahay. Garsoorku wuu wanaagsan yahay, laakiin nidaamkan ay madaxda dawladdu u marayso xadhigga, ee ay dadka jactadinayaan ee ay odhanayaan inta aanu doonno: bil, laba iyo saddexba xabsiga iigu haya waa mid xaqdarro ah oo aan bani-aadannimada ku wanaagsanayn. Waxa wanaagsan in haddii ay Siciid waxba ku caddaan waayaan in la xidho ninkii dacwadda furtay, oo masuuliyiinta la tuso in aanay ku takri-falin awoodda ay leeyihiin”.

Hadalkii Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex Md Siciid Bustaale, waxa ka mid ahaa “saaka waxa aanu ka qayb-galnay dhegaysiga dacwadda male-awaalka ah ee loo haysto Siciid Maxamuud Gahayr oo qoraa ah, oo macallin ah oo runtii nin dhawrsan ah. Waxa noo muuqatay in runtii caddaalad-darro uu ku xidhan yahay muddo laba bilood ah iyo in aan marka horeba sifo sharci ah loo marin xadhiggiisa. Waxaanu leennahay sharaftii ayaa lagu tumanayaa, waar ha la ilaaliyo xuquuqda muwaaddiniinta. Waxa aanu ku baaqaynnaa in la dhawro sharciga dalka u yaalla”.

La soco qaybta xigta insha Allah

Siciid Maxamuud Gahayr

Advertisement

Ku Xayeysiiso