Wasaarada Shaqogalinta Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Ayaa Soo Qabanqaabisay Kulan Dib Loogu Naaqishaayo In Xeer Loo Saeeyo Shaqaalaha Howlgabka Ah.

(Toggaherernews)-Wasaarada Shaqogalinta Iyo Arrimaha Bulshada Ayaa Soo Qabanqaabisay Kulan Dib Loogu Naaqishaayo In Xeer Loo Saeeyo Shaqaalaha Howlgabka Ah.

Agaasimaha waaxda laamanaha ee wasaarada shaqogalinta somaliland Marwo luul ayaa faahfaahin ka bixisay marxaladihii uu xeerkaasi uu soo maray waxaanay tidhi:

(Wasaaradihii koowaad ee lagu tijaabiyey ayeynu nahay dhammaan wasaaradaha dowlada way wado marayaan waanay ka wado faaiidaysanayaan waana nidaam fiican oo aynu dowladeenu uga tagayso ilaa ka ugu dambeeya aynu uga siitagayno waana dhaxal aynu uga tagayno oo aynu inaguna sii diyaarsanayno kuwii shaqada ka baxaayey aynu udiyaar garaynayno.

Gudoomiyaha hay-adda shaqaalaha dowlada sharmaake Axmed Geel ayaa goobtaasi lagu falanqaynaayey xeerkaasi howlgabka shaqaalaha dowlada si qotodheer uga waraaywaxaanu tilmaamay:

(Dib u habaeyntii u damabaysay ama tirokoobkii u dambeeyey ee aynu soo samaynay waxaa uuqanaysay arkii aan dib u eego xogtii shaqaalaha dowlada waxa lixdan jir ka weynaa imika kun iyo kow iyo labaatan qof oo ah boqolkiiba toddoba shaqaalaha dowladu in ay ka weyn yihiin lixdan jir laakiin waa maxay waa liis dabo furan oo sanad walba lagu soo kordhaayo inta imika joogtaana ay ku socoto ina ay imika sii joogto in shaqaalaha dowlada isagoo da-ah uu wali sii dhex joogaa waxay runtii gaabis u baahnaa in loodiyaariyo shuruucdii hagaysay ee dhaqaysay mana aha shaqo jacaylka mana aha inamada jaamacadaha ka soo baxay in aan loo ogoleyn in ay kaalmihiisa fadhiistaan waxaa loodiyaarinyaa amnigii wanaagsanaa ee uu ku bixi lahaa hay-addii maauli lahayd gacmihii lagu ogaan lahaa halka uu dhaqaaluhu ka iman lahaa aan ahayn runtii laab lakac inta maalin la diyaariyo la ansixiyo sidaasi ku dhaqan gasha waxay u baahnayd dhaqaalahani halkuu ka soo xaroonayaa yaa maamulaaya qofkii toban sanno soo shaqeeyey ee da noqday iyo kii soddon sanno shaqaynaayey da noqday xuquuqda ay kala helayaan intay leeg tahay hay-adda howlgabka qaranka ayeynu sameyn doonaa mustaqbalka dhow).

Advertisement

Ku Xayeysiiso