Addis Ababa, July 22, 2018 (ToggaHerer) Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa u magacaabay Mr. Semere Russom Danjiraha u fadhiyi doona magaalada Addis ababa dalkiisa.
Mr. Semere ayaa ah hadda wasiirka Waxbarashada Eritrea sida uu xaaqiijiyey Yemane G. Meskel oo ah wasiirka Warfaafinta.
Mr. Semere, ayaa sii haysan doona darajadiisa wasiir ,waxaanu hore u soo noqday danjiraha dalkiisa ee Maraykanka iyo gudoomiyayaal Gobol.
Ethiopia ayaa sidoo kale iyana u magacawday Redwan Hussien danjiraha u fadhiyi doona Eritrea.
Eritrea ayaa dib u furtay safaaradii ay ku lahayd Addis Ababa isniintii la soo dhaafay.
Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki ayaa si wadajjr ah u sudhay calanka wadanka Eritrea gudaha safaarada.
Warqabadka ToggaHerer