Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire Ayaa Daboolka Ka Qaaday In Dowlada Somaliland Ay Xafiis Dublamaasiyeed Ka furatay Dalka Isku Taga Imaaraadka Carabta.

(Toggaherernews)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire Ayaa Daboolka Ka Qaaday In Dowlada Somaliland Ay Xafiis Dublamaasiyeed Ka furatay Dalka Isku Taga Imaaraadka Carabta..

wasiirka wasaarada arrimaha dibada Dr-Sacad Cali shire oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi:

(Marka dadka lagu iyidhaahdo waa xafiis ganacsi marna lagu yidhaahdo waa xafiis xidhiidhin oo xidhiidhinaya labada dowladood  waxaa dhici karta in ay fahi kari waayaan dadku mida ay tahay in ay fahmi kari waayaan xaqiiqaduna waxay tahay waa labadaba xafiiskan waa xafiis dowli ah waxaana leh  dowlada somaliland boqolkiiba boqol waxaanu u samaysan yahay somaliland iyo dalkaasi imaaraadka gaar ahaanna dhinaca ganacsiga laakiinse magaca uu ku soo baxay waa xafiiska ganacsiga somaliland laakiin xagga sharciyada waa xafiis dowladeed weeyaan oo boqolkiiba boqol ay dowlada somaliland leedahay una adeegi doona bulshadeena kana shaqayn doona sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga imikaba jira ee ka dhaxeeya somaliland iyo imaaraadkaba iyo sidii aynu u soo jiidan lahayn maalgashiga ka socda dalkaasi imaaraadka markaasi shaqadiisu taasi ayey u badan tahay .

Waxaanu noqonyaa xafiis cidkastoo danaynaysa in wadankeena somaliland ay maalgashato ay war iyo xog u doonato iyo tasiilaad loogu fududeeyo sidii dadkaasi ay wadanka u iman lahaayeen.

Haddii aynu nahay somaliland waxanu nahay dal nabdeed dal nabada jecel ayaanu nahay  oo qiimaheeda garanaaya ayeynu nahay heshiis kasta oo nabadeed oo ka dhaca geeska africa waanu soo dhawaynaynaa waana wax inoo soo kordhay weeyaan geeskan haddii uu holcaayana wuu inna soo gaadhayaa haddii uu barwaaqo yahayna anfaciisu waa ina soo gaadhayaa markasba waanu soo dhawaynaynaa cidii heshiisa markay nabadi dhacdo ayuu horumar yimaadaa haddii aanay nabadi jirin horumar ma jiro markaasi nabada soo korodhay horumar ayey soo kordhinaysaa inaguna waynu ka faaiidaysanaynaa).

Advertisement

Ku Xayeysiiso