Maafiyada daroogada: oo 70,000 oo doolar dul dhigtay madax Ey

Koox dambiilayaal caan ah oo ka soo jeeda Colombia kuna takhasusay Ganacsiga cocaine-da ayaa abaalmarin ku siiyay 200 milyan oo pesood (qiyaastii 69,5 kun oo doolar) nolosha Ey boolis caan ah.

Bogga Tvnotas ayaa soo warisay in Eyga ni uu ka soo jeeda Jarmalka laguna naanayso Shabax uu ka shaqeynayay waaxda la dagaalanka Mukhaadaraadka, isaga oo intaa raaciyay in Ey-gu ku guuleystey inuu helo 9 ton oo ah kookayn saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Waxa uu tilmaamay in guulaha Ey-gu ay waxyeello weyn u geysteen danaha Kooxdan Loona Yaqaan “Qabiilka Gacanka,” amarkana uu bixiyey hoggaamiyahooda, Dario Osuga, si loogu bixiyo abaalmarin weyn oo loogu talogalay ka takhaluska Ey-ga.

Ka dib wararka abaalmarinta Ey-ga, bilayska Colombia ayaa go’aansaday in ay Ey-ga Shabax u wareejiyaan kana hawlgaliyaan Garoonka Caalamiga ah ee El Dorado ee magaalada caasimadda, Bogota, halkaasoo nolosha Ey-gu ay uga khatar yar tahay ka yar tahay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso