XIDHIIDHKII SOMALILAND IYO IMAARAATKA XAGAL-DAACII SIYAASADEED EE UGU WEYNAA
Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham
Guushii ugu weynayd ee siyaasadda arrimaha debedda ee Somaliland gaadhaa tan iyo xilligii gooni-isku-taagga (1991) waxa ay ahayd is xulifaysigii Somaliland iyo UAE ee maal-gelinta Dekedda Berbera ee DP World oo shacab iyo xukuumad ba aad luugu diirsaday.
Is-xulufaysigaasi siyaasad dhaqaale ee Somaliland iyo Imaaraat geesta kale marka laga eego cadaawad siyaasadeed ayay ku kasbatay Somaliland.
Waxa aanay taasi bilaabantay markii Madaxweyne Biixi si toos ah ugu dhawaaqay taageerada Isku tagga Dawladaha Carbeed Gadar na ogaysiiyay Cadaawad siyaasadeed. Taageeradaa diblomasiyadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland warbaahinta carro-eddeg horteeda kaga dhawaaqay qaranka wax muuqda uma soo kordhin, wax qarsoonna Alle ayaa iga og.
Saldhiggii Ciidan ee Berbera laga siiyay UAE-da iyo heshiiska maal-geshi ee Dekedda Berbera ee shirkadda DP World oo ammintan sixirkoodu mid aad iyo aad u sarreeya yahay marka loo eego Juqaarifi Siyaasadeedka barta ay Berbera dhacdo iyo sida dunidu xilligan u danaynayso waxii ay goonaysay lama siin. Taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo wax ku ool ah midna Imaaraatku kuma deeqin Somaliland.
Imaaraatka oo 110 safaaradood,
73 Khunsaliyadood iyo 15 xafiis ururo goboleed iyo caalami ba iskugu jiraa ay deggan yihiin haddii ay u hagar bixi lahayd Somaliland kana shaqaynta sidii Somaliland u heli lahayd xidhiidho Caalami ah wax badan ayay ka qaban lahayd. Sida oo kale xaggan Somaliland waxa laga waayay madax aragti fog oo fahan dheeri ah ka haysta guud ahaan danaha dhaqaale, siyaasadeed iyo ciidan ee dunidu kala leedahay, kuwaas oo ku gorgortami kara dhulkooda ahmiyadda dheeriga ah leh.
Si kasta ba ahaatee, heshiiskaa Somaliland iyo Imaaraatku waa xagal-daacii siyaasadeed ee ugu weyn ee Somaliland taariikhdeeda heshiisyada.