Berbera(ToggaHerer)- Guddoomiyaha shirkadda DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa shaaciyey inay nidaam sharci ah u mareen heshiiska maalgashi ee ay ku ballaadhinayaan dekedda magaalada Berbera.
Guddoomiyaha Shirkadda DP World, wuxuu sidaas ku sheegay mar uu shalay la hadlayey telefishanka Maraykanka ee CNBC oo wakaallada wararka ee SOLNA soo xigatay, waxaanu shaaciyey in aanay jirin sabab heshiiska ay la galeen Somaliland ula doontaan Soomaaliya, maadaama oo dekedda Berbera ay ku taalo Somaliland.
Sultan Ahmed Bin Sulayem, wuxuu caddeeyey in Somaliland iyo Soomaaliya ay hore isku raaceen inaan la siyaasadaynin arrimaha dhaqaalaha, Guddoomiyaha Shirkadda DP World wuxuu intaas ku daray inay heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland ahaa mid sharci ah.
Dawladda jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda DP World ayaa heshiis lagu casriyeynayo dekedda Berbera kala saxeexday Bishii May sannadkii 2016kii.