Warar hoose oo hada ka soo baxaaya Illo u dhawdhaw Xukuumada ayaa sheegaaya in madaxweynihii hore ee dowlad deeganka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar oo saaka looqaadey Adis Ababa isaga oo ay wahelinaayaan xubno ka tirsanaa xukuumadiisii Sida Wasiirka Tacliinta Ibrahin Sacad, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Abdi Mahad, Wasiirka Cadaalada Abdi Jamaal iyo Afhayeenka Barlamaanka Maxamed Rashiid iyo xubno kale oo kawada tirsanaayeen xukuumada ayaa la sheegayaa in ay kulan wadayeesheen madaxda fadaraalka taasoo warar is khilaafsan kasoobaxayaan kulan koodaasi.
Kulankan ayaa Madaxda Federalku iyo Kuwan deegaanku ay ku lafo gurayaan Xaalada Amaan ee ka sii daraysa taas oo u muuqata mid faraha ka sii baxaysa. ilaa imika lamahayo inuu Abdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii Xilka Dhiibay Shalay in uu Saamayn ku yeelan doono dajinta iyo daminta xiisadaha kacsan.
Mar aanu isku daynay in aan Khadka Telefoneka kula xidhiidhno Wasiirada la socda ayaa Ay telefonadoodu Dansanaayeen.
Waxii warar kasoo kordhana kalasoco Toggaherer