Kadanaa kadeedku Umadda Baday  Kulmiye W.Q Kaptanka.

Kadanaa kadeedku Umadda Baday 

Kulmiye W.Q Kaptanka.

Sida aynu ka warhayno dalkeenu waa dal yar oo aan lacitiraafsanayn kana mida wadadamada Africa ee a sub-saharan oo lasheego in 4tii qofba uu halqof ka hooseeyo (Poverty line) si kale hadan U dhigo sida ay sheegaan afartii qofba qof ku noolyahay wax ka yar $2 laba dollar maalintii.

Iyadoo taasna ay inoo dheertahay aqonsi la,aan Iyo dowlad xumo maamul xumo oo musuqmaasuq aafeeyay waxii yaraa ee aan haysanay (Corruption)  tusaale cad Sideed Sano oo kulmiye caynaanka talada hayay waxaa Biyo balaadhinta lagu bixiyey inka badan (200 Millions of US dollar) haba yaraatee lacagtaas waxba laguma qaban ee waa lacunay. Hadaba qoraalo ayaan si kooban ugaga hadli doona arimo badan hadii ilahay ii ogolaado swt. Maanta waxaan dul istaagi doonaa dhibaatada dalkeena ka haysataa Sarif bararka maamulka biyaha oo aynu ognahay muhiimada ay nolosheena ugu fadhiyaan.

Aduunyada waxaa loo samaystay dowladnimada waxyaabaha ugu muhiimsan waa in dadka ay u adeegto maadaama oo ay tahay  (Non-profit Sectoral) dowladnimadu maaha meel faa,Ido ku shaqaysa oo wax dilaasha sida shirkadaha ganacsiga. Sidaa darteed waxkasta waxa laga hormarnayaa danta muwadiniinta loo adeegayo iyagana cid kasta ka mudan. Dowladu waxay ku shaqaysa cashuurta laydinka qaado muwaadin/aqriste.

Madaxweynaha qaranku waa adeegaha shacabka wasiiradu waa adeegayaan cida loo adeegaya wa shacabka. Waa in dadka laysku hayaa oo ka lacagta haystana cashuurta ku waajibtay laga qaadaa ka danyaraha ahna kor loogusoo qaada cashuurtii laga qaaday ka wax haysta si uu isna bari u noqdo cashuur bixiye. Lakin Somaliland wa sida cakiskeeda arinku oo kii tajirka ahaana lagama qado cashuurtii ku waajibtay ka danyaraha ahna shilin laguma dhaafo miskiin aya leh misko lafuulo.

Waddanka waxa ka dhacay Sarif barar kadib nin waliba wuxu hayay ayuu dollor u badalay xukuumadii kulmiye ee Siilaanyo ayuu bilaabmay sixir bararku. Waxaa looga baahnaa inay xukuumadu latacaasho oo dadkeeda danyarta ah ugurmato. Gurmad iska daaye waxay soo daabaceen noodh cusub lacaga 5000 isku taala oo marqudha lagu fuuqsaday dollarkii dalka yaalay iyadoo aan baahi loo qabin.

Xukuumadu waxay kor u qaaday sixirkii biyaha ay iibinaysay wax ku kalifayna lagaran maayo tolow biyuhuna ma dibada laga soo dhoofiya oo dollarka kacay ayay la jaan qaadeen? Waqtigii xukuumadii Rayaale waxay ahaayeen ascaarta biyuhu sidan:-

Burco qiimaha wakaalada biyaha 1 MQ 7000slsh. Maantana waa 1 MQ 12000 Sheekh qiimaha wakaalada biyaha 1 MQ 6500sl sh maanta 12000sl sh. Berbera hore 1 MQ 7000sl sh. Maanta 12000sl sh. Hargeisa hore qiimaha wakaalada biyaha 1 MQ 9000sl. Sh. Maanta 14500sl. Sh. Borama hore 5000sl.sh. Maanta 1 MQ 10000sl.sh.

Dadkii danyartii waa la ciqaabay biyuhuna wa noloshii markay biyihii ku kordheen halkii MQ kudhawaad 40% waxaa yaguna sii kordhiyay kuwii bulshada biyaha gadhsiin jiray sida biyoole iyo booyadaha tusaale Hargeisa dadka booyadaha biyaha ka dhaansada waa 70% 1 MQ ama shantii foosto barigii Daahir Rayaale ee aan biyaha kor looqaadin waxay ahaayeen 30000sl. Sh. Maanta 1 MQ ama Shanta foosto waa 60000sl. Sh. (50% increased) boqolkiiba kontonba kordhay.

Markii biyihii qaali garoobeen qoyskii danyarta ahaa ee maalintii Soo iibsan jiray Shan shirikaan oo biyo ah waxa hoos u dhacay (Consumption) kii biyaha ama isticmaalkii danta ayaana kaliftay oo qoyskii maalintii wuxu awooda laba shirikaan oo biyo ah ama (40 liter a day) waxaa hoos u dhacday nadaafadii wayo afarta liter reerkii uguma fila nadaafad Iyo cabis dadkii markii ay biyo badan isticmaali waayeen waxa ku dhacay cuduro nadaafad daro kalyo xanuun wayo markasta oo qofku biyo badan cabi wayo wuxu halis ugu jiraa kelyo xanuunka oo dadkii waa kuwan dakhaatiirta kuyuuga ugu jira……….. lasoco taxane.

Allaah Mahad Leh.

Abdiqani Salaf Kaptanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso