Xuddunta Isbedellada Siyaasaddeed ee Geeska Afrika iyo waxa Somaliland hor yaalla!.

Xuddunta Isbedellada Siyaasaddeed ee Geeska Afrika iyo waxa Somaliland hor yaalla!.

Dharaarahan waxa aad u muuqda is bedello siyaasaddeed oo ka socda geeska afrika. Maanka waayaha la kobocsani waxa uu isweydiin karaa; Waa maxay sababtu?! Waa maxay dheefta iyo dheef darrada ku jirtaa?!
Waxa aynu si kooban oo haddana muc leh uga hadli doonnaa xidhiidhka ay la leedahay heer adduun, gobol iyo dal ba, haddii eebbe idmo.
Ugu horreyn aynu is yara weydiinno; Maxay yihiin dhacdooyinkii u danbeeyey, is la markaa na saamaynta lahaa?
Raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed markii uu xafiiska la wareegay, isla bil gudaheed, waxa uu wax ka beddelay; siyaasaddaha arrimaha gudaha iyo dalalka jaarka la ah dalkiisa.
Waxa uu dejiyey xaaladihii gudaha kolkaa ka taagnaa, waxa uu sii daayey dadkii siyaasadda u xidhnaa, sida oo kale waxa uu wada hadal iyo nabad u furay jabhadihii dibad wareegga ahaa.
Dhanka kale waxa uu bookhday badi dalalka jaarka la ah dalkiisa oo ay ka mid yihiin; Jabuuti, Soodaan, Koonfurta soodaan, Kiiniya, Soomaaliya iyo Carateriya. dal walba qodobbada ay ka wada hadleen waxa u weynaa laba arrimmood; Ammaan iyo Xasillooni (Security & Stability) iyo Ganacsi iyo Dhaqaale (Trade & Economy).
Waxa xusid gaar ah mudan heshiiska Itoobiya iyo Carateriya. Bookhashooyinkii siyaasaddeed iyo bulsho ee ay is weydaarsadeen. Kulankoodii wadajirka ahaa ee dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta Maxamed binu Zayid ay la yeesheen Iyo dabcan, Imaaraadka, Sucuudiga iyo Maraykanka oo kaalin ku lahaa heshiiskooda, sida qaarkood iyo jariiradaha dunidu ba sheeggeen.
Raysal wasaare Abiy Axmed waxa uu la kulmay qurbejoogta Itoobiya ee ku dhaqan dalka Maraykanka, sida oo kale waxa uu halkaa ka xusay in Maxamed binu Zayidka Imaaraadka isweydaarsadeen tiraab xagga diinta Islaamka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Carateriya Isaias Afwerki waxay ku kulmeen Casmara kaddib martiqaad uu Afwerki bixiyey. Waxyaalaha ay ka wada hadleen waxa u cuddoonaa; xidhiidh siyaasaddeed (Diplomatic relation) xidhiidh ammaan (Security relation) iyo qodob hoos loo dhigay oo ah; cunaqabataynta hubka ee labada waddan wadajirka u saran. Is la markaa na, raysal wasaaraha Itoobiya ka sokow, in uu madaxweynaha Soomaaliya is na u dalbay Carateriya in cunaqabataynta laga qaado.
Heshiiskii Itoobiya iyo Carateriya kaddib, waxa ay Jabuuti Qaramada Midoobay u dirtay warqad ay ku dalbanayso in muranka “Ras doumera” ama muran xuduuddeedka kala dhexeeya Carateriya la soo dhex galo si xal loo helo.
Kulankii Farmaajo iyo Afwerki kaddib, waxa ay Jabuuti qoonsatay cunaqabatayn ka qaadista uu u dalbay Farmaajo dalka Carateriya.
Dhanka kale waxa jira khilaaf dhaqaale iyo siyaasadeed oo u dhexeeya Jabuuti iyo Imaaraadka, Soomaaliya iyo Imaaraadka. Waxa kale, markab Sucuudigu leeyahay oo shidaal siday is la markaa na marayey meel u dhaw marinka Bab-Al-Mandab in ay Xuutiyiinta Yaman madfac ku dhufteen, siyaasad ahaan na uu ka danbeeyey dalka Iiraan.
Waxa kale oo aan la hilmaami Karin qaddiyada dhextaalla Soomaaliya iyo Somaliland oo xilligan xaasaasi ah. Collaadda dhextaalla Somaliland iyo maamul gobolleedka Puntland. Iyo xaalladda ismaamulka soomaalida Itoobiya oo jiho-wareer siyaasaddeed ka taaggan tahay.
Dhacdooyinkaa siyaasiga ah ee u danbeeyey marka aad ka dhimbiil qaadato waxa aad dareemaysaa in ay jiraan dabaylo siyaasadeed oo qaar na meel fog ka imanayaan kuwo na meel dhaw ka soo kacayaan.
Is weydiin kale ayaa ah; Geeska Afrika yaa la joogga?!
Waxa jira fadhiisimo ciidan oo ay dawladaha fog iyo kuwa dhaw ba ku leeyihiin sida; Maraykanka, Faransiiska, Shiinaha, Jabaan, Talyaaniga, Turkiga, iyo kuwo kale oo si dadban u jooga.
Kuwo cusub ayaa socda oo Imaaraadku ka mid yahay, halka weli ba dalal kale na guclo ugu jirraan in ay rugo ciidan ka helaan aagga.
Jabuuti Maraykanku waxa uu ku leeyahay saldhiga kaliya ee uu afrika rasmi ahaan u deggen yahay (Camp Lemonnier). Faransiisku waxa uu ku leeyahay rug ciidan (Military Station) oo qadiimi ah, Midawga Yurub na u fududaysa hawlaha aagga. Talyaanigu na fadhiisin ayuu ku leeyahay ay u jooggaan 300 oo ciidan ah. Jabbaan kuna fadhiisin (DAPE) iyo Shiinaha oo dhawaan ku yeeshay saldhiggiisii u horreeyey ee dibadda (Naval Base near Obock).
Soomaaliya, Turkigu waxa uu ku leeyahay saldhig ciidan kii sii u horreeyey ee afrika, is la markaa na waxa uu siiyaa tababarro ciidan. Sida oo kale, waxa jira mid Imaaraadku uu Somaliland kala heshiiyey (Military Base in Berbera).
Waxa kale oo jira dalal si aan rasmi ahayn Carateriya u joogga oo ay ka mid yihiin; Iiraan, Israa’iil, Sucuudiga iyo Imaaraadka.
Intaa waxa dheer xafiisyo ka hawlgala dhammaan geeska, hadday Jabuuti tahay, Soomaaliya tahay, Itoobiya tahay iyo dalalka soo xig xigga.
inta aynaan falanqayn ama lafo-gurin bal aynu ku horreyno; Waa maxay ahmiyadda halkani (Geeska Afrika)?! Waa sidee xaaladdeedu?
Geeska afrika waxa si gaar ah u koobsada dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Carateriya iyo Itoobiya. haddii si weyn loo fiiriyo na waxa soo galaya Kiiniya, Soodaan, Koonfurta soodaan iyo Yugaandha. Waxa uu leeyahay jiid dheer oo Badda Cas (Red sea) iyo Badweynta Hindiya ba ah (Indian Ocean).
Waxa uu leedahay dekedo muhiim ah iyo marin biyoodyo ay la gaar tahay marka loo eego halka ay kaga taallo Badda Cas (Red sea), Badweynta Hindiya (Indian Ocean) iyo Gacanka Badweynta (Gulf Ocean) taas oo muhiim u ah isku socodka Yurub, Aasiya iyo Afrika.
Waxa xiise mudan in uu dunida u yahay deggel-siyaasadeed (Geopolitic) iyo deggel-ahmiyaddeed (Geostrategic). Xaddi weyn oo ganacsiga dunida ah ayaa ku kala goosha biyihiisa. Dal kaste oo ka dhex tirsani waxa uu muhiim u yahay inta kale ee la deggelka ah.
Afarta dal ee koobsada geesku waxa ay leeyihiin dekedo iyo marin biyoodyo muhiim ah oo qaarkood ku yaalliin Badda Cas sida; Casab iyo Musawac oo Carateriya ah, Jabuuti oo Jabuuti ah, Berbera iyo Boosaaso oo Somaliland iyo Soomaaliya ah. Iyo kuwo ku dhaca Badweynta Hindiya sida; Muqdisho iyo Kismaayo oo Soomaaliya ah iyo wixii la hal maala. Dekeddahaasi bugcad ahaan way kala mudan yihiin, laakiin se, duruufaha ka jira gudaha dalalkooda ayaa haatan kala taag yareeyey.
Wadar ahaan, waxa ay leeyihiin khayraad biyo ah (water resources), xoolo ah (Animal resources), beero ah (Agriculture resources), kalluun ah (Fish resources), Tamar ah (Energy resources) iyo dad ka badan 126 milyan. Intaa waxa u dheer macaadin dihin oo ay ka mid tahay; yuuraaniyada (Uranium) oo ah maaddo lagu farsameeyo hubka wax gumaadda (Nuclear weapons), dahabka (Gold), birta (Iron), shidaalka iyo gaasta dabiiciga ah (Oil and natural gas).
Waxa ka dhisan dawlado maamul ahaan taag daran ama qallafsan, dhaqaale ahaan iyo awood ahaan na liita. Waxa saamayn ku leh Muran-xuduuddeedka (Border disputes), Argagixisada (Terrorism), Tahriibta (Migration) iyo Dirqinta Aadamaha (Human Trafficking).
Mashaakilka gudaha, xuduudaha iyo hannaanka maamul xumo ee muddo soo taxnaa ayaa si xun u saameeyey dhinacyada siyaasadda (Political), dhaqaalaha (Economic) iyo degennaanta bulshada (Social stability).
Xaaladda ugu weyn ee ay la deriska yihiin ayaa ah deggennaansho la’aan gudaha ah (Internal instability) iyo taag darri dawladnimo oo aanay iska caabbin Karin saamaynta dibadda mid siyaasaddeed (Politically), mid dhaqaale (economically) iyo mid ciidan (military) toona.
Hodoba, xaggay ka imanayaan isbedelladan siyaasaddeed?!
Dalalka aduunku waxa ay ka shaqaynayaan in ay abuurtaan xulafaysi siyaasaddeed (Political Alliance) iyo mid dhaqaale (Economic Alliance), taas oo imika uun soo kaahday in ay danahooda ka dhex raadiyaan Geeska Afrika.
Waxa jira hirdan quwaddeed oo ka dhexeeya Maraykanka iyo Ruushka. Ruushku waxa uu xulafo dhaw la yahay dawladaha soo koraya ee uu Maraykanku cadaadis xagga awoodda ah ku hayo oo ay ka mid yihiin dawladaha Iiraan, Turkiga, Waqooyiga Kuuriya iyo dabcan kuwo kale, halka Maraykanku na saaxiib dhaw la yahay dawladaha Carabta, gaar ahaan kuwa khaliijka (Gulf States) oo collaad xagga mad’habta ah iyo mid dal wadaagta ahi ka dhaxayso shiicada.
Dhanka kale waxa jira hirdan dhaqaale oo ka dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha. Qorshaha ugu weyn ee Shiinuhu leeyahay waa awood dhaqaale (Economic power agenda) in kaste oo weli laga sarreeyo, halka Maraykanka ay tahay awood ciidan (Military power agenda).
Marka la fiiriyo koriinka dhaqaalaha dalalka dunida, waxay khubarada ku xeel-dheeri xuseen in muddo dhaw Shiinuhu noqon karo quwadda dhaqaalaha ee dunida (First Economic Power) haddii aanay wax is beddelin.
Shiinaha waxa ka go’an in uu dhaqaalaha dunida gacanta ku dhigo, sidaa awgeed, waxa uu wadaa mashruuc la yidhaa (China’s Belt and Road Initiative (BRI)) oo ujeeddadiisu tahay; in uu ballaadhiyo marinnada biyaha (Maritime routes) iyo dhulka (Land Infrastructure) ee Aasiya, Afrika iyo Yurub ba ku soo xidhaya shiinaha, ganacsi ahaan iyo dhaqaale ahaan.
Mashruucan waxa uu ugu talo galay in uu gaadho illaa 70 dal oo dadkooga lagu qiyaasay 4.8 bilyan, ahna in ka badan kala badh dadka dunida ku nool hadda. Dhaqaale ahaan waxa uu ku baxayaa $21 tirilyan oo ah 62% GDPga dunida iyo 65% dhaqaalaha dhulka ka soo baxa dunida iyo 30% ka badda.
Mashruucan oo muddo dheer qaadanaya waxa uu doonayaa in uu u adeegsado farsamooyin dhaqan (Culture), dhaqaale (Economic), siyaasaddeed (Political) iyo horumarin ganacsi (Trade development) oo uu la wadaago dunida.
Hodoba, isaga oo ka duulaya rabitaankiisa, waxa uu muddo ba saamayn ku yeeshay dhaqaalaha afrika, aad na ugu fooggan xagga jidadka socdaalka (Road & Rail Infrastructure), macaadinta (Natural resources) iyo warshadaha (Industries).
Intii danbe, Maraykanku si taxadir leh buu ugu baraarugsanaa qoryashahaa Shiinaha, gaar ahaan dhaqdhaqaaqa culus ee uu afrika ka wado, waxaanu qorsheeyaa in uu ka saameeyo dhanka siyaasadda.
Waxa xusid mudan kala taggii Soodaan iyo Koonfurta Soodaan oo ammin dheer loogu garaabi la’aa go’itaan in ay fududaysay qadiyadda danaha ku dhisan ee dhextaalla Maraykanka iyo Shiinaha.
Xilliyadan, Shiinuhu waxa uu si weyn ugu mashquulsan yahay geeska afrika, gaar ahaan Itoobiya iyo Jabuuti. Itoobiya waxa uu ku maal geliyey lacag aad u badan oo bilyannaad ah, gaar ahaan meelaha jidadka (Road Infrastructure), shidaalka qaydhin (Crude Oil), gaasta dabiiciga (Natural Gas), tamarta (Energy) iyo dhuun gaasta dabiiciga (Natural gas pipeline) ah qaaddaysa kuna xidhaysa Jabuuti oo qorshaheedu yahay in bishan sagaallaad ee sannadkan la bilaabo sida uu Raysal wasaare Abiy Axmed sheegay.
Jabuuti na waxa dhawaan la daah furay mashruuc uu Shiinuhu maal geliyey oo la yidhaa (Djabouti International Free Trade Zone) ay na ku baxday lacag dhan 3.5 bilyan.
Qorshaha uu Shiinuhu doonayo in uu dhaqaalaha afrika ku xidho dalkiisa waxa hal bowle u ah Itoobiya, sababta oo ah waxa ay muhiim u tahay isku xidhka jidka dhaqaale ee isku xidhaya Jabuuti, Itoobiya iyo dalalka xigga ee bariga, badhtama iyo galbeedka afrika.
Dhanka kale, waxa taariikh hore toosh ku raadinaya, isla markaa na dib u qaabayn cusub oo siyaasaddeed, dhaqaale, bulsho, iyo diinneed ba wada dalka Turkiga oo ku hamiyaya in dunida mar kale ay ku soo noqoto quwad islaam ah oo saamaynteeda leh. Waxaanu u arkaa in aan isaga looga dhawayn, marka uu fiiriyey xaddaarad ahaan,siyaasad ahaan, awood ahaan iyo saamayn ahaan, halka dalka Sucuudiga oo dawladaha Khaliijka u weyni is na isu arko hormuudka dalalka islaamka, mar haddii isaga ay ku yaallaan ruggaha barakaysan ee islaamku, isla markaa na waxa uu addeegsadaa taakulayn uu ku beerlaxawsanayo dalalka taagta daran ee islaamka ah.
Turkigu waxa uu beryahan aad u wadaa is ballaadhin siyaasaddeed, dhaqaale iyo xadaaraddeed, isaga oo ku hawlan dalalka uu dhulkoodu hore ugu xidhnaan jiray boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Othman Empire). Lacag ka badan$6 bilyan ayuu afrika ku maal geliyey, gaar ahaan waqooyiga iyo dalalka saxaraha ka hooseeya. Isaga ayaa xuurto ku haysta wixii mashaariic ganacsi ah ee kaga xidhma afrika dalalka G20ga.
Waxa uu aad uga hawlgalaa geeska afrika siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan iyo arrimo bulsho ba, gaar ahaan Soomaaliya waxa uu ku leeyahay saamayn siyaasaddeed iyo dabcan maal gashi uu ku sameeyey. shirkad Turki ah (Al-Bayrak Company) ayaa maamusha keddeda Muqdisho (Mogadishu Seaport), halka shirkad kale na (Favorri LLC) ay maamusho garoonka diyaaradaha ee Muqdisho (Aden-Adde International Airport). Horraantii sanadkan waxa uu Soomaaliya la galay heshiis maal gashi oo uu ku bixinayo in ka badan $100 milyan.
Maalmahan waxa aad loo og yahay in maraykanku ku mashquulsan yahay carqaladaynta dhaqaalaha Turkiga, isaga oo u sibir saaraya baaderi lagu xidhay dalka Turkiga, bal se waa mid uu muddo ba la damacsanaa laakiin uu Turkigu taxadir badan ka qabay, taas oo dhalisay in Turkigu saaxiibtinimo u raadsado dalalka ay Maraykanka is hayaan oo ay ka mid yihiin; Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan.
Waxa la og yahay in khilaafka soo taxnaa ee ka dhexeeya dalalka Khaliijka iyo Shiicada ay Iiraan aabaha u tahay uu ku soo baahay dalka Yaman oo kaabiga ku haya geeska afrika, kaas oo saamayn weyn ku leh gobolka siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo isku socod ahaan ba, taasi na ay keentay in ay abuurranto xulafo ciidan oo Sucuudiga iyo Imaaraadku hogaaminayaan, kuwaas oo duullaan ku ah Xuutiyiinta shiicada ah ee qabsatay badi dalka Yaman.
Dalka Qadar waxa ay ganafka ku dhufatay in ay dalalka kale ee khaliijka kula saf noqoto dagaalka, taas oo keentay in khilaaf ba’an soo kala dhex galo iyada iyo dawladahaa kale.
Sucuudiga iyo Imaaraadku waxa ay go’a u luleen sidii ay taageero uga heli lahaayeen dalalka Jaamacadda Carabta, isla markaa na xidhiidhka loogu jari lahaa dalka Qadar.
Kuwa ay ka raadiyeen waxa ka mid ahaa Jabuuti iyo Soomaaliya oo ku yaalla geeska afrika oo ah meel ay ka caabin karaan hawlaha, iyaga oo ka hor tagaya awood ay Yaman ku dhex yeeshaan shiicadu, Iiraan na isku soo ballaadhiso, hadii ay dhacdo na saamayn xun ku yeelanaysa dhammaan dalalka khaliijka, mar hadii Yaman ay meel hal bowle ah kaga taallo Jasiiradda Carabta.
Waxa taaggeeray dalka Jabuuti iyo Somaliland, halka Soomaaliya ay dhex ka noqotay khilaafka ba’an ee dhex mirtay dalka Qadar iyo dawladaha kale ee khaliijka. Arrintaasi waxa ay dhalisay in Qadar iskaga baxdo xuduuddii “Ras doumera” ee Jabuuti iyo Carateriya isku hayeen, halkaas oo markii ba ay yimaaddeen ciidamada Carateriya ee ay ka hor joogtay.
Imaaraadka ayaa Jabuuti markii ba soo hor dhigay qorshe cusub oo ka duwan sidii uu hore ugu joogay, laakiin diidmadii Jabuuti waxa ay dhalisay in uu galaangal kale sameeyo, waxa na ka dhashay in iyadu na ka baxdo heshiiskii uu ku maamulayey dekeddeeda.
U fiirso, waxa jira dano is biirsaday, is na huwan; Imaaraadka waxa ka go’an in shirkada “Dubai World” qabsato dhammaan dekedaha geeska afrika si ay u noqdaan laamo hoostaga suuqa dekedda “Dubai”, sida oo kale waxa uu ka hor tagayaa in ay cid kale maal geliso.
Qorshahaa awgii waxa uu hadda ku fooggan yahay xeebaha badda cas ee afrika, waxa uu hawl ballaadhinneed ka wadaa marin biyoodka Suweys (Suez Canal), waxaanu u xusul duuban yahay dekeddaha Soodaan, Carateriya iyo kuwa Soomaalida.
Sucuudiga oo ah dalka shidaalka ugu badan dhoofiya ayaa is na raba in si fudud shidaalkiisu u socdaalo. guud ahaan na waxa ay wada jir cabsi uga qabaan dalka Iiraan.
Maraykanka oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan ba gacanta ku haya dalalka khaliijka ayaa is na ka fikiraya dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin hirdannada awooddeed, siyaasaddeed iyo dhaqaale ee kala dhexeeya dalalka; Ruushka, Shiinaha, Turkiga iyo Iiraan. Dawladahan iyo Maraykanka ayey imika fiintu dhex miranaysaa iyada oo siyaasadda dibadda ee maamulka Trump ay hadda gebi dhaclaynayso.
Hodoba, dalalkani iyaga oo ka duulaya danahooda is barkan, waxa ay ka fikirreen dalka dhammaan geeska afrika saamaynta weyn ku leh!, oo ah dalka Itoobiya, kaas oo rabitaan kooda oboc u ah.
Waxa fursad siisay, jiho-wareerkii siyaasaddeed ee ka taagnaa Itoobiya. Waxa culays saaray Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaalmo badan siiya, sida oo kale, waxa aad loo abaabulay jaaliyaddaha Oromada iyo Amxaarada ee dalka Maraykanka, si ay lug ugu yeeshaan is beddel dalka ka dhaca, taas oo lagu guulaystay, dalka na uu raysal wasaare ka noqday Abiy Axmed oo ka soo jeeda qoomiyadda u tirada badan ee Oromada.
Abiy Axmed oo ah nin da’ yar (41 jir), misana ah xog ogaal ku soo dhex kacaamay maamulkii dalka tobonnaankii sanno ee u danbeeyey ka soo talinayey ayaa la yimid siyaasad furfuran oo saamayn ku yeelatay dalkiisa, gobolka iyo guud ahaan ba.
Markii uu kursiga la wareegay kaddib, waxa uu u socdaalay dalka Imaaraadka, halka uu hadana markii ba bilaabay bookhashada dhammaan dalalka jaarka la ah dalkiisa isaga oo mid mid uga la hadlay xidhiidhada ammaanka iyo xasilloonida (Security & Stability relation) iyo ganacsiga iyo dhaqaalaha (Trade & Economy relation), sababta oo ah, Itoobiya waxa muddo dheer ku furnaa jabhado hubaysan iyo kuwo dhaqdhaqaaq oo badi garabyadooda siyaasaddeed jooggeen wadamada u xiga iyo dabcan kuwa fog ba.
Waxa xusid mudan, bookhashadiisii Muqdisho oo bixitaankiisii saacado yar ka hor uu Maxamed binu Zayidka Imaaraadku kulan kula sii qaatay Addis Ababa!, isla markaa na sii fadhiyey halkaas inta uu Muqdisho ka soo laabanayo. Waxa ka sii wacdaro badnaa in Abiy Axmed iyo Farmaajo ku heshiiyeen in ay Itoobiya ka faa’iidaysato isla markaa na maal gashato illaa afar dekeddood oo Soomaaliya ku yaalla, bal se aan la magac dhabin kuwa ay yihiin.
Imaaraadka iyo Soomaaliya waxa dhex maray khilaaf kaddib markii uu Imaaraadku bilaabay heshiiskii dekedda Berbera ee uu la galay Somaliland, xukuumaddii hore ee Soomaaliya na ay wax ka ogayd sida uu sheegay wasiiru-dawlaha arrimahada dibadda ee Imaaraadka Anwar Qarqaash.
Soomaaliya ayaa Imaaraadka ka dacweysay Jumciyadaha Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta, halka Imaaraadku uu ku adkaystay in uu sifo sax ah ku galay heshiiska, taas oo keentay in hawlo badan oo uu ka waday Soomaaliya ay meesha ka baxaan, xidhiidhkoodu na sii xumaado.
heshiiska dekedda Berbera waxa ay Itoobiya ku lahayd saami dhan 19%, kaddib markii uu Imaaraadku dib u soo geliyey.
Waxa kale oo uu khilaafkaasi saameeyey heshiis Imaaraadku kula jiray maamul gobolleedka Puntland oo ahaa dekedda kooban ee Boosaaso, hadafka uu u abbaarray na uu ahaa dareen uu ka qabay Turkiga maamula dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.
Khilaafkaa waxa ka faa’iidaystay dalka Qadar oo marka hore ba loo tirinayey isku dhacaa in iyada iyo Turkigu ay ka danbeeyeen, dalka Qadar oo ah dal yar, misana siyaasadda xariif ku ah ayaa muddo ba saamayn ku lahaa madaxda Soomaaliya, xitaa sida ay ku yimaaddaan kursiga, halka Turkigu na uu la socdo in Imaaraadka iyo Sucuudigu ka soo horjeeddaan is ballaadhintiisa.
Dhanka kale heshiiska Itoobiya iyo Carateriya ayaa ah mid laga shaqeeyey, Maraykanka oo aan la dhacsanayn saldhigga culus ee ay dawladda Jabuuti siisay Shiinaha iyo hawlaha maal gelinta ah ee uu ka wado gobolka, Imaaraadka oo khilaaf kala dhexeeyo Jabuuti, isla markaa na qorshihiisii “Dubai World” leh, iyo dabcan Sucuudiga oo kuwiisa leh, oo weli ba labadooddu ba hore ay u jooggeen dalka Carateriya, ayaa ka shaqeeyey sidii colaadda labada waddan ee Itoobiya iyo Carateriya loo so af jari lahaa.
Intaa waxa dheer, raysal waraasaraha cusub ee Abiy Axmed oo qorshe ahaan uga go’an tahay in uu tir tiro dhammaan colaadihii hore, mid gudaha ah iyo tu jiiraanka ah ba, Isaga oo ku han weyn in uu Itoobiya ka dhaliyo nidaam dimuqraadi ah, oo haddii ay Itoobiya ka hirgasho nidaam doorasho oo hal qof hal cod ah, ay u fiicnaan doonto qowmiyaddiisa Oromada iyo dabcan madaxweynaha Carateriya Isais Afwerki oo arrinta dhextaallay dalkiisa iyo Itoobiya ay go’doomin ku haystay ayey is na ka yeedhay “meel aan rabay roob igu eri”.
Dhammaan intaas iyo in kale ayaa fududeeyey in uu labada waddan dhexdooda ka dumo derbi colaaddeed oo ku dhisnaa dhiigga 100 kun oo qof.
Hodoba, heshiiskan labada dal waxa uu saamayn ku leeyahay dhammaan dalalka geeska iyo kuwa danaha ka leh ba!.
Jabuuti oo hore fursad uga heshay colaadda dhextaallay labada dal ee Itoobiya iyo Carateriya, burburkii Soomaaliya iyo arrimaha dhexyaalla Soomaaliya iyo Somaliland, haatan na arragta in ay heshiiskan kaalin weyn uu ku leeyahay Imaaraadka oo khilaaf kala dhexeeyo ayaa werwer dhaqaale iyo mid ammaan oo weyn ka qabta, taas oo keentay in ay qaaddo tallaabooyin siyaasaddeed oo aan qorshaysnayn marka aad u fiirsatid; warqadda ay qaramada midoobay u dirtay si loo dhex galo iyada iyo Carateriya, sida ay uga hadashay odhaahdii Farmaajo uu Carateriya u yidhi iyo sida sibiqda ah ee ay iskaga taaggeertay Sucuudiga uu khilaafku soo kala dhex galay dalka Kanada.
Shiinaha oo u arka in qorshihiisii dhaqaale tartan culus lagu soo qaaday ayaa si tadir leh ula jaanqaadaya maamulka cusub ee Itoobiya, isla markaa na qorshaynaya in uu sii ballaadhiyo fadhiisinkiisa Jabuuti, hadda na waxa uu magaalada Bijiin ku qabanayaa shirkii dhaqaalaha ee wadamada afrika oo uu Soomaaliya na ku marti qaaday.
Soomaaliya oo haykal ahaan iyo aqoonsi ahaan u jirta laakiin ay aad u liidato awooddeeda maamul, ciidan iyo dhaqaale, ayaa hadana is ku dayeysa in ay danaha gobolka soo galay uga faa’iidaysato laba amuurrood oo kala ah; koboceeda, maamul, ciidan iyo dhaqaale iyo go’doominta Somaliland si ay u wiiqdo awoodaha siin kara in ay gaar isu taagto, taas oo keentay in madaxda sare ee Soomaaliya ay noqoto mid arrimaha geeska ka socda u isteerin fudud.
Imaaraadka ayaa si deg deg ah heshiis dhaqaale u la saxiixday Itoobiya, isaga oo raba in uu hirgeliyo dhuun shidaal (Oil pipeline) oo isku xidhaysa Addis Ababa iyo dekedda Casab ee Carateriya oo dariiqa ugu dhaw ee ay isku jiraan yahay 385 mayl ama 620 kiiloomitir oo buuralay ah. Casab Imaaraadka waxa ay u tahay xarun ciidamaddiisu kaga duulaan Yaman, inkasta oo uu hadda ku talo jiro in uu rug ballaadhan ka dhigto.
Dhanka kale Imaaraadka oo warwar ka qaba dalalka Turkiga iyo Qadar oo saameyn weyn ku leh dawlada Soomaaliya, ayaa qorshaynaya in danaha kaga xidhan iyo xitaa kuwa Somaliland kala dhexeeya ba uu ka soo saameeyo dhanka wadanka Itoobiya.
Xaaladda aan fadhiyin ee is maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa saamayn ku leh hawlaha maal gelinneed ee Shiinuhu ka wado Itoobiya iyo dabcan qorshayaal dihin oo Imaaraadku ka leeyahay Somaliland. Sida oo kale na khatar xagga ammaanka ah ku leh dalka Itoobiya iyo guud ahaan maamullada soomaalida, iyada oo laga cabsi qabo isku dhac qawmi ah iyo fursado ay ka helaan kooxaha dagaallama.
Gun dhicii, marka dhammaan arrimahaa aynu ka soo hadalnay la isku xooriyo ee si maskax furan diiradda loo saaro waxa aad ka dheehan kartaa in gobolka gaar ahaan Geeska Afrika galayo is beddel siyaasaddeed, dhaqaale iyo bulsho. In uu noqdo mid taban ama togan waxa ay ku xidhan tahay had ba xirfadaha siyaasaddeed ee ay ciyaarraan dawladaha ka jiraa.
Haddaad dib u akhridid gobolladii hore ee awoodaha dunidu ku kulmeen, waxa aad arkaysaa in dalalkoodu mashaakil iyo manfac ba ka la kulmeen, se dhanka ay u badataa waxa ay ku xidhan tahay had ba duruufaha xilligaa dunida ka taagan.
In kasta oo tan geeska afrika ku dhisan tahay tartan dhaqaale oo u baahan xasillooni siyaasaddeed, ayaa waxa la odorosi karaa in gudaha wax badani ku xidhan yihiin, heshiiska dhex maray Itoobiya iyo Carateriya ayaa ba tusaale u ah isku xidhnaanta xasilloonida siyaasaddeed iyo danaha laga leeyahay geeska afrika.
Hodoba, waxa geeska afrika bar muhiim ah kaga taalla Somaliland oo ah Jamhuuriyad 1991 kii dib uga noqotay midow ay Soomaaliya la gashay 1960 kii oo ay xilligaa la wada baxeen “Jamhuuriyadda Soomaaliya”.
Hadda, dalalkan danaha ka leh geesku uma aqoonsana Somaliland dal gaar ah!, is la markaa na waxa ay ogyihiin in dhulkeeda ay iyadu gaar u xukunto oo ay leedahay hannaan dawladnimo. Qaar ka mid ah hirgelinta danahooda arrintaasi waxa ay ku noqon doontaa caqabad hor taalla!, taas oo keeni doonta in isbedellada siyaasaddeed ee geeska afrika taabtaan arrinta dhextaalla Somaliland iyo Soomaaliya.
Somaliland maxaa hor yaalla?!
In kasta oo ay jiraan dalal badan oo danaynaya bugcadda Somaliland, kana leh dano ashyaa’i ah, se hadana danta ay iyadu leedahay ayaa ka weyn oo ah in dunidu u qirto jiritaankeeda (recognition).
Imaaraadka oo hirgelinaya qorshihiisa Badda Cas ee “Dubai World” is la markaa na ay Sucuudiga iyo Maraykanku ka soo hor jeeddaan joogitaanka Turkiga ee Muqdisho, ayey Somaliland dan muhiim ahi kaga xidhan tahay.
Dalka Shiinaha oo aad u quud daraynaya nooc macaadin ah oo ay Somaliland qani ku tahay ayaa raadinaya fursad uu kaga hawl geli karo, sida oo kale, Ruushka oo damac kaga jiro in uu bariga Bab-Al-Mandab sal dhig ciidan ka helo ayaa qoollaali ku haya aagga Somaliland.
Itoobiya oo xidhiidhka xagga dhaqaalaha badda ay Barbari u fududahay, Imaaraadka na ay is la qaateen siyaasad dhaqaale, lug na ku leh qorshihiisa dekedda Berbera ayaa hal bowle u ah meelaha ay ka dhaqdhaqaaqayso siyaasadda geeska afrika, sida oo kale, Shirkadda “ConocoPhilips” ee dalka Maraykanka ayaa sahan shidaal oo ay dhulka Somaliland mar ka samaysay aan weli ka rajo dhigin.
Dano badan oo kuwaasi ay ka mid yihiin ayaa loo qabaa bugcaddan Somaliland is la markaa na u baahan firfircoonidooda iyo taxadirkooda, laakiin waxa jira qufullo siyaasaddeed oo si kala heer ah ugu xidhan danaha laga leeyahay iyo kuwa ay iyadu ka yeelan lahayd ba, bal se u baahan in ay Somaliland la timaaddo xirfaddii iyo furayaashii mid ba inta uu jiro ay ku furi lahayd, iyada oo digtooni qabta.
Somaliland 27 kii sanno ee tegay fursadaha ay lumisay ee maanta miisaan u noqon lahaa in ay kaalin fiican ka ciyaarto hawlaha geeska ayaa;
Waxa ay ahayd, in ay noqoto marinka Soomaaliya laga xasilin karo si ay isteerinka ugu qabato, una dhiraandhirsan karto waxa ay rabto, In ay abuurto xarun cilmi baadhis iyo kayd (Research & Archive Centre) oo ka jawaabta saddexdan su’aallood; Maxay nu Somaliland ku noqonnay?! Maxay nu uga noqonnay midowgii?! Iyo Maxay nu dal dunida laga aqoonsan yahay ku noqonnaa?!, xaruntaas oo leh maalkeeda (Budget), aqoonteeda iyo khibraddeeda (Knowledge & Experience) iyo dadkeeda (Personnel), si ay u xoojiso cadaymaha qadiyadda ee ay ku garnaqsanayso, In ay xidhiidh is kaashi la samaysato dalalkii ka go’ay ama kala noqday kuwii ay ka tirsanaayeen ama isku biirreen ee aqoonsiga helay, si ay wax badan uga korodhsato iyo ugu danbayn, In farriinteedu si fiican u gaadho, saamayn na ku yeelato dalalka gobolka iyo kuwa dunida ee danaha bugcaddeed ka leh.
Inkasta oo la odhan karo qaarkood ayey weli u haysataa fursad, bal se, hadana waxa ay u baahan yihiin qorshe si dhaw iyo dheer ba indhasha looga guray.
Dhanka kale, waxa aan la hilmaami Karin xaalado ay Somaliland imika la deris tahay, kuwaas oo saamayn taban ku yeelan kara marka loo eego xaaladaha uu gobolku galay;
Waxa saamayn taban ku reebay hannaankii loogu tartamay doorashaddii u danbaysay, waxa la warreegay hoggaan cusub oo habdhiska xukuumaddiisa ku saleeyey qaabka “khibrad yar, firfircooni badan” (less Experience, more Energetic), waxa dhacay daggaallo qabaliya oo saamayn koraysa leh, in kasta oo haddeer uun wax ku ool hordhac ah laga gaadhay, waxa jira saraakiil sar sare oo ciidamo kala goostay ciidanka difaaca, kuna sababeeyey caddaalad darro ku aaddan wada lahaanshaha Somaliland, waxa jira tashiyo beelaysan oo lagaga arrinsanayo sinnaan la’aan xagga khayraadka dhaqaale (Economic resources) iyo maamulka dawliga ah (admin Authorities), waxa jira dagaal muran xuddeed ah oo dhex yaalla Somaliland iyo maamul gobolleedka Puntland oo goor wal ba la filan karo, waxa jira dagaal go’doomin siyaasaddeed (Political Isolation) iyo go’doomin dhaqaale (Economic Isolation) ah oo ay madaxda Soomaaliya ku hayaan Somaliland, waxa jira nidaamka Khaatumo oo ka rajo dhigsan heshiiskii ay xukuumaddaha is dhaxlay la galeen iyo ugu danbayntii, waxa socda isbedello siyaasaddeed, dhaqaale iyo awooddeed oo saamayn weyn ku leh Somaliland kuwaas oo dhib iyo dheef ba u leh.
Gun iyo gunnaanadkii, isku xidhantaa aynu sida kooban u soo falanqaynay ee ku kala aaddan heer guud gobol iyo gudaha ba, ayaa ifinaya in reer Somaliland uu horyaallo “hal xidhaale culus” oo in la furfuraa ay u baahan tahay qiraalkiisa, fahamkiisa, khibraddiisa, kartidiisa iyo ummaddiisa!!!
Dhammaad
Khadar Abshir Yusuf
Taariikh yahan, Dhaqaale yahan iyo Falanqeeye Siyaasaddeed
(Historian, Economist & Political Analyst)
Cawad77@gmail.com
Hargeisa

Advertisement

Ku Xayeysiiso