Muddo laba bilood ah waxa uu buuq ka taagan yahay deyrka dugsiga Maxamuud Axmed Cali, oo ay Wasaaradda Waxbarashadu ugu deeqday in laga dhiso dab-damiska Koonfurta Hargeysa, waxay ahayd tallaabo habboon oo la soo dhaweeyay. Laakiin waxa caddaan ah in Dawladda Hoose ee Hargeysa ay waraaqo u samaysatay qayb ka mid ah dhulkaas, iyada oo maaggan in laga dhigo bakhaarro ganacsi ama meherado ay dad gaar ahi leeyihiin.
Qoondahaas waxa lagu hakiyay warqad Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) uu soo saaray 16kii Ogos 2018ka, taas oo uu ku caddeeyay in aan sifo kale loo adeegsan karin dhulkaas ay wasaaraddu bixisay. Laakiin waxa muuqata in la iska indha-tirayo digreetada wasiirka, welina la dhoob-dhoobayo fal baalmarsan xeerka dalka. Weliba waxa amarkaas la ogeysiiyay Duqa Caasimadda, Taliyaha Dabdamiska, Taliyaha Booliska, Xeer ilaaliyaha Guud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Madaxweynaha Somaliland. Ma aha sadarro meel mugdi ah lagu malluuqay.
Waxa aad ka mid tahay masuuliyiinta lagu eedaynayo in ay rabaan maroorsiga dhulkaas danta guud ah. Weliba waxa la-yaab nagu ah in aanu maqalno odhaahda ah “Beel gaar ah ayaa i hortaagan”. Anigu ardaydii ka baxday dugsigu, kuguma taageeri karo wax booli iyo bililiqo ah, baaqaagaasina waa bar-kuma-taal. Waxa aan kaaga digayaa in aanad maamuuska iskaga qaadin damac aan hirgeli karin.
Ugu dambayntii Mudane Maayar-ku-xigeen, waxa kula gudboon:
1. Inaad iska barraxdo eedaha laguu jeedinayo ee ah inaad sharci u samaysatay dhulkaas danta guud ah ee ay bixisay Wasaaradda Waxbarashadu
2. In aad ummadda u caddayso kaalinta aad ku leedahay dhul-weecsiga dhabarka laguu saaray iyo
3. In aad ka aammusto gebi ahaan hadallada saxaafadda la marinayo, taas oo caddayn u noqon doonta kaalintaada iyo ku-adkaysiga in aad sii waddo muraadkaaga.
Waxa aad bulshada ka heli doontaa falcelin u dhiganta sida aad uga jawaabto dhambaallada kugu socda ee lagu cabbirayo aragtida dadweynaha.
Maxamed Axmed Jaamac