Aan wada Hadalo
Qaybtii 3aad 02.10.2018
(Aan wada hadalo —- waa aan heshiino).(Dadku waxay isku Afgartaan wada-hadalka—- Xayawaankuna urta)
Nooc kasta oo wada hadal,oo dunida ka jira, cidkasta oo wada hadlaysa ,haddii ay yihiin Dowlado—Ururo iwm,iyo haddii wada hadalku ku saabsan yihiin Siyaasad,dhaqaale iyo dhaqan intaba waxaa loo qaybiyaa 3 qaybood oo kala :-Wada hadal laba geesood ah:-Noocan wada hadalka laba geesoodka ah,waxa wada hadlaya oo keliya ,labadii dhinaca ee ishaystay,amase arimuhu ka dhexeyeen,iyagaa si toos ah isu hor fadhiista,una wada hadla ,mana jirto cid ku wehelisa amase u dhacaysa,amase u garnaqaysaa.
Wada hadal saddex geesood ah:-Wada hadalka saddex geesoodka ah,inta badan waxa wada hadlaya labadii dhinac ee arimuhu ka dhexeeyeen iyo qolo kale oo u garnaqaysa,dhex dhexaadinaysa. Wada hadalka saddex geesoodka ah, marmarna waxaa wada hadla saddex dhinac oo ay ka dhexeyaan arimo u gaar ah ,siyaasad,dhaqan iyo dhaqaale noocii ay doonaanba ha noqdeene.
Wada hadal dhinacyo badan ah:- Wada hadalka noocan ah,inta badan waxaa lagaga hadlaa amase lagu xaliyaa arimo waaweyn oo soo wajaha Dunida aynu ku nool nahay,kuwo u gaar ah Qaaradaha dunida iyo qaar u gaar ah gobolada Aduunka. Wada hadalka noocan ahi,waxay inta badan ka dhacaan Golayaasha Urururada Caalamka sida UN-AU- iwm. Wada hadalka saddex geesoodka ah,mar mar waa lagaga hadlaa arimo dal- dad amase Dowlad u gaar ah,laakiin halka lagaga hadlayaa waa Gole weyne caalami ah,waxana ka qayb qaata Ururo iyo Dowlado fara bada..
ALLAA. MAHAD LEH
La soco qaybta 4aad iyo Talaabooyinka loo baahan yahay wada hadalka ka hor.
Danjire. Abdi M Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
facebook. Abdi Saleiman