Akhriste,waa qaybtii 2aad ee Gefafka ku jira xeerka kufsiga.
Inaga oo ah dad Islam ah oo jecel sharciga ilaahay kana soo horjeedna wax kasta oo lidi ku ah caqiidada iyo axkaamta shareecadeena suuban, waxaan inaga qarsoonayn in uu ku socdo dagaal maskaxeed oo baaxad weyn oo ku wajahan bulshada muslimka ah ee Jamhuuriyada Somaliland.
10 – Xeerkani wuxuu ku soo koobay is qaawinta anshax darada ah ee ciqaab lagu mutaysanayo inuu dadka dhexdiisa si ula kaca isugu qaawiyo ( mudug iska dhigo ) ama uu ka faydo marada xubnihiisa taranka . ( eeg qodobka 14 aad ) .
Taasi oo macnaheedu noqonaya in hadii qofku muujiyo qaar ka mid ah xubnaha ay shareecadu cawro u taqaan marka laga reebo xubnaha taranka oo kali ah , in aanay ahayn anshax daro ciqaab lagu mutaysan karo , waana sida ku cad xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegatay dhaqana u ah gaalada manta joogta ee aynu aragno .
11 – Xeerkani wuxuu kala duwayaa ciqaabta kufsiyada iyo xadgudubyada jinsi ee ka dhaca qaybaha bulshada ee kala duwan sida madaxda dadka da’ada ah iyo kuwa meeqaamka bulshada dhexdeeda ku leh iyo kuwa kale ee bulshada ka mid ah ,si khilaafsan shareecada islaamka , iyada oo aynu ogsoonahay in shareecada islaamku aanay ku dhisin xadka sinada dabaqadaha bulshada ee qofku ka tirsanyahay marka laga reebo xornimada iyo adoon nimada . ( eeg qodobka 7 aad faqradiisa 1 aad ) ( qodobka 10 aad faqradihiis 1 aad 2 aad 3 aad) .
12 – Xeerkani wuxuu meesha ka saaray oo aanu soo hadal qaadinba dhamaan cadaymihii shareecadu u dhigtay sugida qofku inuu sinaysatay ama wax kufsaday sida qiraal iyo markhaatiyaal looga qaateen ah . ( eeg qodobada khuseeya cadaymaha ee ku hoos jira qodobka 32 aad ).
13 – xeerkani wuxuu dhigayaa si loo go’aansado xukun lagu rido danbiilaha in ay tix galiso, ama ku xisaabtanto xogta uu dhibanuhu afka ka sheego ama laga qoro ee tilmaamaysa dhaawaca ama dhibta kasoo gaadhay fal danbiyeedka loo gaystay . eeg (qodobka 37 aad faqradiisa 1 aad) .
Taas oo macnaheedu noqonayo in muduciga sheegashadiisa maxkamadu ku go’aan qaadan karto iyada oo aan qiraal iyo cadayn toona lahayn taasina waxay khilaafsantay xadiiskii nabiga ee ahaa: لو يعطى الناس بدعواهم لادعى رجال دماء رجال وأموالهم ولكن البينة على الطالب واليمين على المطلوب ) رواه البيهقي واصله في الصحيحن
14 – Xeerkani wuxuu sheegayaa in la ciqaabayo caruurta iyo dadka waalan haday gaystaan fal kufsi ama xadgudub jinsi hase ahaatee ciqaabka loo khafiifinayo eeg (qodobka 35 aad xarfihiisa b iyo j ).
Taasina waxay khilaafsantay shareecada islaamka oo sheegtay in qalinka laga qaaday qofka waalan iyo ka aan qaangaadhin wax ciqaab ahna aanay lahayn , wixii wax yeelo ah ee ay gaystaana waa la magdhabayaa .
15 – Xeerkani wuxuu laalay oo uu buriyay xeerkasta oo kale ama qodobkasta oo sharci oo kasoo horjeeda am aan waafaqsanayn xeerkan wuxuuna ku andacooday in lagu badalay qodobada xeerkan . eeg (qodobka 45 aad faqradiisa 2 aad)
Taas oo macnaheedu yahay in xeerkani buriyay laalayna axkaamtii shareecda ee ku saabsanayd xadka sinada,kufsiga, xadgudubyada jinsi cadaymahooda iyo dustuurka jsl ee dhigaya in xeerkasta oo shareecada ka hor imanayaa yahay waxba kama jiraan .
16 – Xeerkan waxa ku soo noqnoqday erayo aan lagu qeexin qaybta erey bixinta sida ( sharci )( ogolaansho ) sharcigu ma ka islaamkaa? mise waa ka gaalada?, ogolaanshaha maxaa astaan u ah oo uu ku sugmi karaa? .
17 – foolxumooyinka xeerkan :
1- Xeerkani wuxuu ka qayb qaadanayaa faafitaanka sinada marhadii aanu fal danbi u arag wax ciqaabana u sheegin marka laysla ogolyhay.
2- Wuxuu meesha ka saarayaa ciqaabyadii shareecadu u dajisay sinada iyo kufsiga .
3- Wuxuu ka qayb qaadanayaa duminta qoyska iyo iska horkeenkiisa .
4- Wuxuu sababayaa iska hor imaadka iyo isku dhaca bulshada.
5- Wuxuu meel kadhac ku yahay sharafta dadka .
6- Wuxuu fasaxayaa anshax xumada is qaawintu ka mid tahay .
7- Wuxuu luminayaa xuquuqda dadka qaaarkood sida waalidka iyo dad qaangaadh ah oo uu ula dhaqmayo sida caruurta .
8- Wuxuu dhigayaa ciqaabyo aan isu miisaanayn caqli iyo sharci midna aan ku salaysnayn .
9- Waxa ka muuqda is burin sida marka uu ka hadlayo qofka caruur loo aqoonsanayo .
10- Xeerkani wuxuu sheegay ciqaabyo kali ah mana sheegin fal danbiyeedyadaa wixii lagaga hor tagi lahaa gebi ahaan ba.
11- Xeerkani wuxuu meesha ka saaray wixii islaax ah ( heshiis ) ee dhex mara dhibgaystaha iyo qof ka dhibanha ah, iyadoo la ogsoon yahay in shariicadu ogoshahay in qofka dhibana ahi cafis iyo saamaxaad bixin karo.
Geba gebo iyo gunaanad :
Waxaanu ku talinaynaa oo soo jeedinaynaa in xeerkaa shariicada islaamka iyo dhaqankeena kasoo horjeeda meesha laga oo la laalo shariicadana lagu soo dabaalo.
Gabo-gabo,waxaan cod dheer ugu baaqayaa mdxw Muse Bixi in xeerkaa loo gudbiyo maxkamada sare oo dhakhso loo laalo.Xeerkani ma laha meel dib loo eego ama laga bedelo
gebi ahaantii wuu ka soo hor jeedaa axkaamta islaamka.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL