waxa hoog u sugnaaday cidda dulmi xambaarta.
maanta aynu ka nasano dhankii siyaasada taa badalkeedana aynu isdu taagno dulmiga iyo xumaanta uu leeyahay.waxyar kusoo dhawaada qisada yar Waxa ji…
maanta aynu ka nasano dhankii siyaasada taa badalkeedana aynu isdu taagno dulmiga iyo xumaanta uu leeyahay.waxyar kusoo dhawaada qisada yar
Waxa jiri jirey boqor daalima oo dhulka isku weyney jirey,wuxuuna ahaan jirrey mid awood badan ku leh wadanka,isaga dabadiina aan laga daba hadli jirrin.
waxana la jaar ahaan jirtey islaan yar oo aad u miskiina,taasi daganaan jirtay buulyar oo boqorka ku ag nabnaan jirey,maalin maalmaha ka mida ayuu boqorkii amar ku bixinayaa,in la burburiyo buulkii yaraa,kaasi oo uu arkaayay inuu ka fool xumaynaayo wajahadiisa,wuxuuna u dirayaa ciidamo,ciidamadiina way burburinayaan islaanta oo maqan kana war hayn waxa ku dhacay buulkeedii yaraa!!!.
goortay gaadhay galabtii cadceeduna sii galbanayso ayay islaantii yarayd oo tabaacanii imanaysaa meesheedii waxayse arkaysaa buulkeedii yaraa oo bubursan la baabiyay!! waxay guda galaysaa sidii ay u ogaan lahayd waxa ku dhacay buulkeedii yaraa ,waxase loo sheegayaa in buulkeedii yaraa uu burburiyay boqorkii magaaladu.
Islaanta ma qaylinayso mana warwarayso,waxayse markiiba bilaabmaysaa siday gacmaha sarre ugu taagi lahayd, ,ilaahna ugu ashkatoon lahayd,waxay odhanaysaa illaahoow anigoo maqanbaa buulkaygii yaraa la burburiyey,haddaan anigu maqnaana adigu xageed joogtay??!!,isla markiiba wuxuu ilaah amrayaa,mallagul jibriil mallagul jibriilna wuxuu leeyahay lixboqol oo baal,oo baalstaaba leegyahay cadceed ka dhaca iyo cad kasoo baxa,ilaahbaa amar kusiinaya inuu burburiyo qasriga boqortooyada malagu jibriilbaa ku dhufanaya garabkiisa qasrigii boqorku lahaa dabadeedna wuxuu noqonayaa baab waxay la simayaa dhulka.
Waxba ha dulmiyin haddaad awood leedahay,dulmigu cidhibtiisu waa shanlayn ,indhahaagu way seexan,kii la dulmiyeyna wuu is ciili isagoo kusoo habaari isha illaahna ma seexato dhamaad,
Hamse riraash