Madaxweyne Farmaajo wuxuu metelaa waddan burbursanaa muddo ku dhow soddon sannadood, dadkiisii kala aammin baxay. Waddan colaado qabiil, colaado sumad diimeed wata, iyo colaado dabada ku haya dano shisheeyaba ay la degeen. Wuxuu madax ka yahay waddan aanu dadkiisa ka haysan kalsooni, waddan aanu ku haysan awood ama cudud militari oo aan taladiisu gacanta ugu jirin. Waddan iska daa gobollada fogfoge aanu caasimaddiisii gacanta ku wada hayn.
Madaxweyne Farmaajo sharciyad wuu haystaa laakiin awood iyo kalsooni midna kuma haysto waddanka, amarkiisuna meel uu ka socdaa ma jirto marka laga reebo sida loo maamulo dakhliga ka soo gala dekedda Xamar, gegida dayuuradaha Xamar iyo macaawimada dibedda intii gacantiisa soo gaadha.
Haddaba madaxweynaha waddanka noocaas ah xukuma maxay noqonaysaa muhiimaddiisa koowaad? Caqliga caadiga ahi wuxuu inuu farayaa in wax yaalahan hoose ay muhiimaddiisa koowaad noqon lahaayeen
1) Sidii loo abuuri lahaa kalsooni ummadda Soomaaliyeed iyadoo laga bilaabayo maamul-goboleedyada dawladda ka tirsan iyo dawladda dhexe sidii la’isugu toli lahaa.
2) Dib u heshiisiin dhaba sidii loogu hawlgeli lahaa xag dhaqan iyo xag siyaasadeedba.
3) Sidii loo midayn lahaa cududda ciidammada gobollada xorta ah, loona diyaarin lahaa qaab ay wadajir ama isgarabsi ugu hawl galaan markii iyo meeshii looga baahdo si amni iskuxidhan oo iskaaba loo helo, khatarahana looga midoobo sidii si wadajira ama iskaashiya loogu wajihi lahaa. Aakhirkana ciidan qaran oo mida loo dhisi lahaa iyadoo laga bilaabayo midaynta xooggaga gobollada.
4) Sidii loogu hawlgeli lahaa si wadajira in xal loo helo degaannada gacnta argagaixisada ku jiro, xalkaasoo ah mid siyaasadeed ama mid ciidan oo qorshe midaysan leh.
5)Sidii xal walaaltinnimo loogu heli lahaa walaalaha gobollada Waqooyi, xalkaasoo ah mid laga eegayo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed ee koonfur iyo waqooyi, dhan walbana loo tixgelinayo duruufaha u khaaska ah laysuna garaabayo, mustaqbalkana loo qaabaynayo qaab siyaasadeed oo cid waliba xaqeeda iyo waajibaadkeedu u cadyihiin kaasoo dhinacna aan dhinaca kale la hoosgeyneynin lana gufaynayo meelaha laga filan karo in khatar burbur horseedi kartaa ka imaan karto, iyadoo wax laga baranayo taariikhdii hore.
6) Intaa dabadeed iyadoo wadajirkii ummadda la dhammaystiray, kalsoonina la abuuray, in ciddii aynu wax la qabsan karno innagoo wadajirna hoggaankeenuna kalsoonida ummaddiisa haysto, xukunkiisuna ka fuli karo waddankeenna dacalladiisa, uu heshiisyo la galo ciddi ay suurto gal tahay inaynu wax wada qabsan karno iyadoo la eegayo maslaxaddeena.
Isbeddelkii Geeska Afrika ka bilowday sannadkan horraantiisii oo la kowsaday Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo soo afjaridii colaaddii Itoobiya iyo Eretriya iyo isku soo dhowaanshihii labadaas waddan ee “Ilmaadeerka” amaba “isku bahda” ah wax badanna wadaaga horena dawladnimadu uga dhexeysay, wuxuu la beryey waa cusub oo siyaasadeed. Waagaa cusubi duruufaha maanta dalkeenna haysta waa xaqiiq inuu saamayn hor leh ku yeelanayo, waxayna u baahnayd in talo waafiya oo qaran laga yeesho si loo miisaamo saamaynaha togan iyo tan taban ee inagaga imaan kara mid walbana loo toog hayo. Hayeeshee sida muuqata iyadoo aan la baxnaanin meesha iyo majaraha ay qabsan doonaan labadan dal ee aan deriska nahay ayaa Madaxweyne Farmaajo labadii dhexdooda galay.
Abiy iyo Afawergi labadooduba amarkoodu waddammadooda gees-ka-gees buu ka socdaa ballantay galaanna meeshay rabaan bay ka fulin karaan. Innana tamarteenna waynu ognahay. Teeda kale walaalaheennii aynu isku bahda ahayn ee Jabuuti ee Geeska inagula noolaa sida muuqata gacan bidixayn baa lagu wadaa oo waxay ahayd inaynu innagu iyo Jabuuti iswadannaa. Iswadashadadeennu waxay inoo yeeli lahayd miisaan. Weliba Jabuuti maanta waa waddan dhisan oo hay’adihii dawliga ahaa u dhisan yihiin, saaxiibbo kale oo xagga farsamada ka saacidana wadata wixii heshiisyo la gelayona xagga farsamada maanta way inagu dhaamaan.
Waxa kale oo intaa dheer casrigan cusub waa inaynu maanka ku haynaa inaynu iskaashi, wadatashi iyo talo joogta ah la yeelannaa Shantii Soomaaliyeed si qawmiyad ahaan aynu Geeska Afrika talo midaysan uga yeelanno oo danaheenna qawmiyad ahaan uwada adeegaya.
Waxa ii muuqda in Madaxweyne Farmaajo degdeg badani ku jiro, arrimihii ugu danbayn lahaana uu ugu horraysiinayo, taasina waxay inagu keenaysaa fashil hor leh iyo inay sii durugto rajadii soonoqoshada dawladnimada Soomaaliyeed.
Waxa ii muuqata meelihii dawladnimadeennu ku tiirsanaan lahayd ee wadajirka gobollada iyo Xamar in madaxweynuhu iyo xukuumadiisu ay ka qayb qaadanayaan kala dhantaaliddooda. Burburka ku yimaadda Maamul-goboleedyadu waa burbur ku imaanaya amaanka waddanka, waa burbur ki imaanaya dib udhac ku yimaadda adeegyada hadda gobollada qaar ka jira, waa burbur ku imaanaya kalsoonidii ummada Soomaaliyeed. Hadday sidaa ku sii socotona waxa ka faa’iidaya xoogagga nabad-diidka iyo in degaammo hadda dawladda taabacsani ay gacanta u galaan Al-Shabaab iyo wax la mid ah.
Maxaa dhici karaya markaa? Waxaa dhacaya markaa in loo baahdo in Itoobiya iyo Eretriya ay soo buuxiyaan meelahaas hadda maamullada Soomaaliyeed amnigooda gacanta ku hayaan. Maxaa xigaya markaas? Waxa xigaya in amnigeennu si toosa gacanta ugu galo Itoobiya iyo Eretriya? Maxaa xigi karaya? Waxaa xigi karaya in aynu aqbalno innagoo jilicsan rabitaanka Itoobiya iyo Eretriya, mar hadday amnigeenna gacanta ku qabtaan.
Maxaa talo ah? Waxay aniga iila muuqataa in Madaxweynuhu kelya adaygo oo iska daayo xinka iyo xafiiltanka Maamul-goboleedyada, ka daayo faragelinta lagu eedaynayo inuu ku hayo iyo hantida uu isticmaalayo burburka iyo wiiqidda maamullada gobolada. Madaxweynuhu ha ogaado marka awoodda gobolladu wiiqanto waxa wiiqmaya amniga iyo wadajirka ummada, markaasna waxa wiiqmaya awooddiisa lafteeda, waxaana xoogaysanaya cadowga ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynu fiiro dheer ha u yeesho ganacsatada, ka macaashtay burburka Soomaaliya ee Xamar xarunta u tahay. Fiiro dheer ha u yeesho kuwa siyaasadda ka ganacsada ee raba inaan dawladdu Xamar dhaafin. Kuwaasi waxay danahooda u arkaan haddii gobollada iyo dawladdu isku xidhmaan inay saamayntoodu meesha ka baxayso. Sidaa daraaddeed waxay xoogga saaraan inay Villa Somalia gacanta ku dhigaan siyaasiyiinta joogta una tusaan in gobolladu awooddoodda khatar ku yihiin. Khatarta ugu weyni waa labadaa qolo oo raba in dawladdu Xamar la hayste ugu ahaato wixii nacfiyana ay iyagu ka macaashaan, gobolladana xumaantooda ka shaqeeya iyo inay dawladda ka horkeenaan.
Madaxda gobollada waxa la gudboon inay iimaansadaan in dawladdoodu tahay tan Soomaaliyeed ee Xamar fadhigeedu yaha. Haddii aan la helin wadashaqayn dhex martana inay waxooduba aakhirka isla dumayaan, waddankana belo kale u hadhayso (Ilaahay kama dhigee).
Masuuliyadda weyni waxay saaran tahay madaxweynaha qaranka wixii wanaagsanaada iyo wixii xumaadaba isaga ayaa loo nisbaynayaa, markaa waa inuu sidaa u’ogaadaa kana madaxbannaanaadaa kuwa khtaraha beenta ah u sawiraya oo ka horkeenaya gobollada. Madaxweynuhu ha ogaado hadduu gobollada la dagaalammo inuusan cid kale la dagaallamayn balse uu isagu naftiisa iyo sumcaddiisa la dagaallamayo.
Xukuumadda Soomaaliya waa nasiib darro inay horumar siyaasadeed u aragto oo ku faanto Addis Ababa iyo Nairobi ayaan ka soo xidhay Maamul-goboleedyadii, waxa guul iyo siyaasad dawladeed u noqon lahayd inay xukuumaddu keento xal ay kuwada shaqayn karaan gobollada iyo Villa Somalia iyogoo labada dhinacba sharciga ixtiraamayaan una adeegayaan maslaxada ummada Soomaaliyeed.
Gebagebadii waxa wax aad loola yaabo ah in Madaxweyne Farmaajo uu ummadda Soomaaliyeed isku dayo inuu saddex daqiiqo oo aan nuxur lahayn isku dayo inuu ku qanciyo. Taasi waxay cay ku tahay caqliga waxgaradka Soomaaliyeed, madaxweynuhuna isagaa naftiisa wax u dhimay. Runtii Itoobiya iyo Eritrea labaduba ishay ku hayaan dhaqanka Madaxweynaha waanna hubaa inay daawanayaan hadalkan Farmaajo aadna ugu qoslayaan. Hadalkan Farmaajo wuxuu u dirayaa farriin Addis Ababa iyo Casmara, farriintaasoo ah in Soomaalida iyo hogaankeedaba loo arko dad daciif ah oo aan faham siyaasadeed lahayn. Waayo ummadda Madaxweyneheedu sidaa ula hadlayo yaa ixtiraamaya. Yaase ixtiraamaya madaxweyne ummaddiisa sidaa ula hadlaya!
Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa inuu Baarlamaanka hor yimaaddo oo wixii ay ka wada hadleen iyo wixii ay wada saxeexdeen isaga iyo Abiy Axmed iyo Isias Afewergi oo dhamamystiran lala eego oo laga doodo go’aanna laga gaadho. Waxa u yaalla madaxweynaha inuu saxaafadda hor fadhiisto oo su’aalo laga weydiiyo ummadda Soomaaliyeedna u sharraxo heshiisyada la sheegayo inuu ku soo galay Casmara, iyo Baxardaar.
Waxa muuqata in Madaxweyne Farmaajo uu cidla keligii gaardinayo, labada nin ee kalese waa isla haystaan.
Mohamoud Ibrahim (Xaaji)