Yemen: 85-Kun oo Halis ugu jira in ay u dhintaan Nafaqo daro.

Hay’adda Save The Children ayaa sheegtay in ku dhowaad 85 Kun oo ah caruurta reer Yemen  oo  da’dooda ay ka yar tahay 5 sano ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan nafaqo daro baahsan.

Bishii October Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 14 Milyan oo Yemen ay u dhintaan gaajo haddii aysan heli kaalmo degdeg ah.

Qaramada Midoobay waxa ay wadaa wadahadallo xal loogu raadinayo dagaalka muddada saddexda sano ka soconaya dalkaasi kaasi oo sababay xaalad bini’aadanimo tii ugu xumeyd abid.

Waxaa sii kordhayay hardanka tan iyo sanadkii 2015-tii markaasi oo Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ay bilaabeen duqeynta ka dhanka ah Xuutiyiinta oo ku qasbay Madaxweyne Cabdi Rabah Mansuur in Dalka uu ka baxo.

Waxaa adag in la xadido dhimashada, sababo la xidhiidha iyada oo ay meesha ka baxeen kala badh goobaha Caafimaadka ee Dadka lagula tacaali lahaa sida ay sheegayaan Shaqaalaha gargaarka.

Hay’adda badbaadinta Caruurta Save The Children waxa ay intaasi ku dartay in in tirada Caruurta u dhimaneysa nafaqo darada aysan helin wax daweyn ah, sida ay sheegeyso warbixinada uruurisay QM oo ay soo xigatay Hay’adda.

Qiimaha sicirka oo sare u kacay iyo hoos u dhaca lacagta Yemen, ayaa la rumeysan yahay in kaalin weyn ay ka qaateen dagaalada Sokeeye ee Yemen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso