Ethiopia iyo siyaasada cusub ee midowga
Sida aynu wada ogsoonahay Ethiopia iyo soomaaliya waxa ka dhexeeysa utun siyaasadeed, oo soo taxneyd sanado dheer, taas oo ku salaysneeyd dhinacyo farabadan, sidaa dhanka diinta, deegaanka, iyo siyaasada taas oo noqotay ta ugu mihiimsan sanadahan danbe.
Ethiopia maxay dooneysaa…?
Se Ethiopia ma isbadashay….?
Ethiopia ma lala midoobikaraa…?
Loolanka siyaasada bariga africa yaa wada….?
Halkeese ayuu u socdaa……..?
Waxaan taxliil kasamayn doonaa ariimaha soo xusay ee ku saabsan Ethiopia……
Ethiopia waxay rabtaa isbadal dhaqaale, deegaan iyo mid siyaasadeed oo ka dhaca arlada soomaalida, isbadalku maaha mid ku fadhiya horumarka umadda soomaalida, markaan ku leeyahay isbadal maaha isbadal laakiin waa qabsasho ay Ethiopia qabsaneyso dhamaan umadda soomaalida, taas oo ah waxay dooneysey sannado dheer.
Ethiopia ma isabadashay …… dad badan ayaa u malaynaya Ethiopia iney isbadashay laakiin ismaba badalin waana Caynkii hore aynu ku naqaanay Ethiopia , ee waxa isbadalay maqaarkii sare ee Ethiopia ama madaxdii hore uun laakiin xisbigu waa xisbigii, nidaamkuna waa kii hore ee u dhignaa Ethiopia, waxa kuu cadaynkara ineyna waxba isbadalin, siyaasada ethiopia ee ku wajahan umadda soomaaliyeed, oo halkeedii taagan iyo damaca dhulka soomaalida ee Ethiopia taas oo sii xoojisey damacii ay ku dooneysey qabsashada, dhulkeena, taas oo ah siyaasada cusub ee nabadeed Ethiopia ay wado, leedahayna waxa midoobaya geeska afrika,
Ethiopia ma lala midoobi kara
Maya marka lagahadlayo dhul iyo dawlad ahaanba , maxaa yeelay Ethiopia waa dawlad (liqikarta) umadda soomaaliyeed oo dhan tiro ahaan, mida kale Ethiopia waxyaabaha loola midoobikarin waxa kamida guumeysiga ay ku hayso qaybka mida umadda soomaaliyeed, sidoo kale waxaa jira farqi u dhexeeya dhanka diinta oo ah shay saldhig u ah midowga umadaha adduunka,
Intaaba waxaka mihiimsan in umadda soomaaliyeed, ay u aragto Ethiopia cadowga kaliyee ay leeyihiin in ay tahay Ethiopia….. sababahaa awadeed ayaan Ethiopia loola midoobikarin iyo qaarkalaba
Loolanka siyaasadeed ee bariga africa yaa wada..? Halkee se u socdaaa taas na waa mihiim marka laga hadlayo siyaasada bariga africa
Ethiopiayada weyn ee bariga africa maaha siyaasad lala gabaday ama laqarinayo, waana mid cad oo ay ka shaqeynayaan wadamada khaliijka, iyo dawladaha waa weyn qaarkood taasna waxa cadeynkugu filan ninka ka tirsan sirdoonka sucuudiga kuwooda ugu sareeya, (Anwar Alcishqi) oo yidhi mar uu lahadlayey sir doonka yuhuuda waxaanu dhiseynaa Ethiopiayada weyn waxaanu kafaaideysaneynaa shidaalka iyo hantida umadahaas sidoo kale waxaanu hooskeeni doonaa soomaliya iyo djaboutiba Ethiopia hadal sidaas macnihiisu yahay ayuu lahaa lakiin u hirgelimayso haday midoobaan umadda soomaaliyeed,