Cilmiga xiddigaha
Cilmigan waa cilmi soo taxnaa ilaa bilowgii dunida , dadkuna waxa ay ku kala baran jireen xidigha iyo jihooyinka , sidoo kale waxa ay soomaalidu kamid ahayd qoomiyaha calanka u wada cilmiga xidigaha ka hor inteyna soo bixin ,qalabka lagu eego cirka , dadkuna ku koobnaayeen inta ay ishu aragto .
Xiddigiska
Ma jecleyn inaan ka hadlo mawduucan, hadana way ka fursan weydey inaan laba erey ka idhaahdo.
Cilmiga lagaga hadlo xidigaha waa laba, midna waa xaran, midna waa uu banana yahay.
Waana sida qabiil iyo qabyaalad oo kale midna waa uu banana yahay midna waa mamnuuc,
Xidigiska waa ka aan banaaney, waxa uu ku sal leeyahay kuna qotomaa, hab faal ah oo laga faashanayo xidigaha oo la leeyahay, hadii uu xidigaasi halkaa tago, waxaasaa dhacaya, ama haddii la arko xigidigaa oo la fadhiya godkaa reerku ma guurayo mana hayaamayo oo waxa dhacaya dhib, ama haddii dagaal ay beeshu galayso waxa ay eegi jireen xidig hablaayo oo hadii xidig hablaayo uu la joogo dagaalka waynu ku guul daraysaneynaa, Ee dagaalami mayno.
Habkaasi waa habka aan banaaneyn kuna habooneyn shareecada islaamka iyo umadda Muslim ka ah ba,
Markaa si daba raaci mayo waxay samayn jireen dadkeeni hore ee cilmi yaraantu haysey, laakiin waxan isku dayi doonaa inaan sheego qorana inyar oon wax ku jirin, sida godadka iyo meelaha dayuxu dago.