Deg Deg: Al Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerar ay ku qaadeen Koonfurta Gaalkacayo kuna Dileen Sheekhii Nabiga inuu wax ka sheegay Lagu Eedeeyey.

Kooxda Al-shabaab ayaa Weerar ku qaaday ku bilowday qaraxyo Xarun uu Koonfurta Gaalkacyo ku leeyahay Wadaad lagu Magacaabo Sheekh Cabduweli Cilmi Yare.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Sheekh Cabduweli Cilmi Yare iyo qaar ka mid ah Dhalinyarada ka mid aheyd xertiisa ay weerarkaas iyo qaraxyada ay ku geeriyoodeen.

Ku dhowaad 20 ruux ayaa lagu soo waramayaa in qaraxyadaas iyo weerarkaas ay ku geeriyoodeen,waxaana mas’uuliyadda weerarka sheegtay Al-Shabaab.

Wararki u dambeeyay ee haatan nasoo gaadhaaya ayaa waxa ay sheegayaan in weli dagaal culus uu ka socdo gudaha Xarunta kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo raggii hubeysnaa ee galay Xarunta.

War rasmi ah oo kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegtay in ciidamadooda sida gaarka ah utababaran ay saaka aroortii weerar kula jarmaadeen Nin Gaal ah oo bilo ka hor Nabinimo sheegtay sida ay adalka u dhigeen.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa saaka camaliyad ballaadhan ku qaaday xarun uu Gaalkacyo ka deganaa Ninkii gaalka ahaa ee Nabinimada sheegtay, weerarka wuxuu ku bilaawday Canaliyad istish-haadi ah waxaana xigay ciidamo inqimaasiyiin ah oo xarunta Murtadiinta u daatay, howlgalku wali waa socdaa wixii kusoo kordha Muslimiinta dib ayaan ugasoo gudbin doono” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Al Shabaab.

Advertisement

Ku Xayeysiiso