Myanmar oo qabatay 93 Rohingya ah oo ku sii jeeday Malaysia

Maamulka Myanmar ayaa qabtay doon sidday 93 ruux oo rohingya Muslimiin ah oo ka cararay xero ku taallay galbeedka gobolka Rakhine,isla markaana doonaayey in ay gaaraan dalka Malaysia,sida ay ku warameen saraakiil ka tirsan dalkaasi.

Markab ciidan ayaa maalinimadii shalay joojiyay doontaasi,waxayna qabteen 93-ruux oo la tilmaamay in ay ka yimaadeen xerada Thae Chaung ee gobolka Rakhine ,gaar ahaan caasimadda Sittwe .

Moe Zaw Latt, oo ah maamulaha dowladda ee deegaanka xeebta ah ee Dawei oo dhaca koonfurta Myanmar ayaa sheegay in maanta oo Talaado ah dadkaasi la qabtay dib loogu celin doono halkii ay ka yimaadeen ee Sittwe ,gaaar ahaan xeradii ay ku noolaayeen.

Doontaasi waa tii 3-aad ee u rareyd dalka Malaysia ,isla markaana lagu qabto biyaha badda Myanmar tan iyo bishaan oo ay jiraan dabeylaha monsoon-ka oo abuuray cabsi ku aadan safarka dadka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso