Saddexda Xisbi qaran waa wada muxaafid 

Saddexda Xisbi qaran waa wada muxaafid

Qormadan maanta waxaan kaga baaraan degayaa laba arrimood oo kala ah doorashayoonka is-barkan ee dib u dhacu ku yimi iyo siyaasada Abiy Ahmed(Ethoipian Prime Minister) ee ku wajahan Jamhuuriyada Somaliland.
Dib u dhaca doorashooyinka isku sidkan:
Ugu horayn waxaynu wada ognahay doorashooyinka wakiilada iyo degaanku inayna qabsoomayn goortii loo qoon deeyay oo ku beeg nayd 29.03.2019.Balse waxa mudan inaynu is-waydiino maxaa dib u riday doorashooyinka? Yaa se masuuliyada koobaad leh? Arrimo dhawr ah ayaa kuu muuqanaya markaad waydiimahaa is-tidhaa si dhab ah isu dul taag adigoo daacad ah,jecelna in horumar laga gaadho dib u dhaca doorashooyinka iyo kordhinta muddo xileedka madaxtooyada,wakiilada iyo degaanka mar walba inagu yimaada ee ilaa hadda aan xal loo helin.
Hadaan isku dayo gorfaynta iyo xal u helida caqabadan aynu ka gudbi kari waynay ee hoos u dhigtay habsocodka dimuqraadiyada,curyaami sayna ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka waxa hubaal ah masuuliyada koobaad ee dastuuriga ah inuu leeyahay madaxweynaha,kuxigeenka iyo xukuumada ay gadh-wadeenka ka yihiin.Waxay ahayd inay iyagu diyaariyaan qabsoomida doorashooyinka ayagoo ku dhaqmaya dastuurka,fulinaayana waajibaadka iyo masuuliyada dastuuriga ah.Masuuliyada labaad waxa leh Guddida doorashooyinka qaranka oo ah guddida farsamo ee xilku ka saaran yahay hawlaha suurta geliya qabsoomida doorashooyinka.Markaa xukuumada iyo komishanku haday fulin lahaayeen ama hadaba ay fuliyaan masuuliyada dastuuriga ah ee ka saaran qabsoomida doorashooyinkan isku sid-kan cid kastaaba way aqbali lahayd waana la soo dhowayn lahaa,xisbiga Waddani hadii uu markaa diido ka qayb galka doorashooyinka caqabad joojisa kumuu noqdeen waayo wakiilo iyo xildhibaano degaan ayaa la dooranayaa ee lama dooranayo madaxweyne iyo kuxigeen aduun kana way ka dhacdaa xisbi mucaarid qaadaca doorasho keliya 2da xisbi ee kale ayuun baa fursad siinaya muwaadiniyiin ta iska sharaxi lahayd xisbiga Waddani oo liisas kooda ayuun bay ku salay nayaan degaanada dalka.Sida haatan ba ka jirta G/wakiilada ee ay fadhiyaan xildhibaano ka soo jeeda 2da xisbi ee kulmiye iyo Waddani,halka aanu ucid ku lahayn wax xildhibaano ah.Hadaba qoladan kuraasta ka baxay sida dhirta waxa shacabka ku waajib ah inay wakiilo cusub soo doortaan oo ay inna dhaafiyaan wax ma tarayaasha xal u waayay saami qaybsiga,ansixina waayay xeerkii lagu soo dooran lahaa kuwa cusub.Caqli kuma hadhin kuwan maanta fadhiya golaha ee wakiilo aqoon leh oo dardar geliya xal u helida dhibaatooyinka dalka ka jira.
Isku soo wada duuboo waxaan jirin xisbiyo mucaarid adag ah oo waxay noqdeen muxaafid,xaalada taagani waxay i xasuusi say odhaah Somalilander ah oo ahayd Xaggan nin ma joogooy..Xaggana naagi ma joog tooy.
Siyaasada Abiy Ahmed
Hadaynu dib u jaleecno xidhiidhka soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyay Somaliland iyo itoobiya waxa jiray saaxiib timo qoto dheer waxuuse xumaaday 2ba jeer,mar waxa colaad dhaliyay Cabdirashiid C.Sharmarke dagaalna ku qaaday itoobiya,markii 2dna Siyaad barre ayaa dagaal iyo colaad xun ku qaaday itoobiya,labadaa jeerba siyaasiyiinta reer Somaliya ayaa colaad inoo geliyay itoobiya balse weligeed may dhicin colaad ka dhaxaysay Somaliland iyo itoobiya.Markii aynu go’aanka ka gaadhnay midnimadii Somaliya waxay itoobiya noqotay saaxiib keena koobaad ilaa maantana wuu sii xoogaystay xidhiidhka labada dal balse waxa  la yaab leh ninkan nalagu yidhi waxuu ka soo jeedaa qoomiyada Oromada oo ah gobolka itoobiya ee danta ugu wayn ku qaba Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxuu gebi ahaanba bedelay xidhiidh kii saaxiib timo ee labada dal ka dhaxaysay.Abiy waxuu noqday ninkii ugu horeeyay ee itoobiya ka soo jeeda ee la soo baxa seeftii colaada Jamhuuriyada Somaliland.Siyaadiisa uu inagula dhaqmayo waxa si cad uga muuqata cadaawad iyo colaad hor leh,isagoo og dhaqaalaha balaadhan ee qoomiyadiisu ka hesho Jamhuuriyada Somaliland,waxaanu qaaday talaabo cad oo uu ku soo dhoway sanayo Somaliya kuna fogay nayo Somaliland.Hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha kilalka Somalida itoobiya waxuu ahaa uun oo uu ku hadlaayay siyaasada Abiy.Taasina waxay sababi doontaa inay Jamhuuriyada Somaliland ka qaado talaabo dhaqaalaha iyo xidhiidhka siyaasadeed ee labada dal ka dhaxeeya.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso