Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadiyay Mr James Mattis wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dalkaasi Mareykanka oo dhawaan is casilay in uu dhaqsi xafiiska u baneeyo,iyadoo ujeedka uu yahay in la buuxiyo jagadaasi uu ka tagay.
James Mattis Xoghayihii Difaaca Mareykanka oo 68 jir ahaa ayaa Jimcihii la soo dhaafay xilka ka degey kadib markii uu sii fogaaday khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay labada dhinaca,madaxweynaha iyo isaga,kaasi oo salka ku hayay arrimo ay kamidka yihiin miisaaniyadda dhinaca Difaaca dalkaasi.
Mr James Mattis oo la filayay in uu xilka wareejiyo bisha February ee sanadka cusub ayaa lagu qasbay in uu banneeyo xafiiska gebi ahaanba bisha January ee sanadka soo socda,iyadoo xilkaasi si Ku meel gaadh ah uu u qaban doono kuxigeenkii xoghayihii Difaaca ee Dalkaasi Mareykanka oo uu magacaabay madaxweyne Trump.
War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu madaxweyne Trump kaga waramay isbedelkaasi lagu sameynayo hoggaanka sare ee wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka.
“Waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in xoghaye kuxigeenkeeni ee Difaaca oo aad u Khibradda badan Patrick Shanahan uu xilka wasaaradda Gaashaandhiga ula wareegi doono si Kumeel gaadh ah,laga bilaabao bisha January 1-deeda, Patrick Shanahan wuxuu leeyahay Khibrada ku filan oo horey ugu soo shaqeeyay sida xukigeenka Difaaca,wuxuu noqon doonaan qof wanaagsan”. Ayuu yidhi madaxweyne Trump.
Patrick Shanahan oo 56 jir ah ayaa ku so biiray wasaaradd a Gaashaandhiga dalkaasi,sanadkii 2017 kadib markii kuxigeen ahaan uu u magacaabay madaxweyne Donalda Jey Trump,oo horey uga mid ahaa saraakiisha fulinta howlaha ciidanka cirka ee dalkaasi ayaa ku soo biiray xarunta.