Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Md Axmed Cabdi Dheere ayaa Xil ka qaadis ku Sameeyey Xubno ka Tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga oo kala Ah Cabdillahi Geeljire, Cabdi Cali Jaamac iyo Cismaan Axmed Maxamed .
Qoraalka Xisbiga ayaa u dhignaa Sidatan:-
Ref;XK/XG/00421/106/2018 Oate:24/12/2018
Ku:Cabdi Cali Jaamac
Ku:Cismaan Axmed Maxamed
Ku:Cabdilaahi Jaamac Cismaan(c/lahi GeelJire)
Ujeedo:Xil ka Qaadis Xubno Golaha Dhexe
Guddida anshaxa ee xisbiga kulmiye waxay u soo gudbiyeen Gudidda fulinta ee Xisbiga kulmiye in magacyada kor ku xusan ay baalmareen sharciyadii xisbiga, xeer hoosaadkii iyo kala danabayntii xisbiga .
Maadaama oo ay jabiyeen intaaba waxay gudidda fulintu go’aamisay, Inay xubinimadii xisbiga iyo xubinimadii Golaha Dhexeba ay waayaan maanta oo ay taariikhdu tahay 24/12/2018 aanay ka mid ahayn xisbiga kulmiye iyo Golihiisa Dhexeba.
Alla Mahad Leh
Axmed Cabadi Xuseen ( Axmed C Dheere)
Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye