Aan ku bilaabe guud ahaan ba bulshada Somaliland ku dhaqani waxay baadidoon dheer usoo martay wakhtiyo iyo xaalado kala gadisan siday u heli lahaayeen dowladnimo buuxda oo ka hanaqaada dalkan Alle ku beeray ee Somaliland.
Xaaladaha iyo marxaladaha nololeed ee laso maray oo kala gadisanaa hadaan ka imaado oo aan dul istaago dowladnimadan casriga ah ee ku dhisan qofka iyo codka waxa bulshada Somaliland marar badan aad arkaysa in fahamka qaab siyaasadeedkan doorasho ay ka qabaan uu aad u hooseeyo madama sida xaqiiqada uu ka hor imanayo dhaqanka guunka ee Somaliga oo saldhigiisu yahay mid ku salaysan “Ana Markayga”, taasi waa mid bil xaqiiqatan ka hor imanaysa qaababkan casriga ee hada aadmaha badankiisu isu maamulo oo laga yaabo inay mudo dheer hal dhinac uun guushu raacdo hadiiba tartan jiro.
Hadii aan usoo dhaadhaco waxa haatan dalka Somaliland ka taliya Xisbiga KULMIYE oo guushii aynu ogayn inay ku raacday in ka badan 80-kun oo cod, taasina waxay si buuxda Madaxwayne dalka uga dhigtay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo haatan talada dalka haya, waxaana hubaala in shaqsi kasta oo dalka hogaamiyaa uu la iman doono hogaamin dowladeed oo cusub iyo sidoo kale shaqsiyaad la wada dowladnimada oo laga yaabo inay noqdaan kuwo cusub ama kuwo hore ugaso mid noqon jiray dowladihii tan ka horeeyay, taasi mar walba waxay keenta in laga tago shaqsiyaad iyagu sii fishay ama maankooduba siiyay inay qayb ka noqon doonaan hanaanka soo socda iyagoo ka duulaya halganka iyo howsha ay usoo galeen hadba cida guulaysata.
Hadaba run ahaantii arimaha fahamka balaadhan u baahan waxa ka mida “Shaqsiyaadka xisbiyada tacabka soo galiyaa danta qudha ee ay leeyihiin ma in kuraasta ay qayb ka noqdaanba mise waa inay wax saxmaan oo dalka iyo qaabka loo maamulaya ay ula eekoonaatay in hogaanka ama xisbiga ay wadaan uu ku fiicnaan doono”, hadaba hadii filashada ama taageerista xisbi inaad raacda ay ku dhisan tahay waa inaan xil qabtaa alaylahe taasi waa midaan dadka ka wada farxin doonin waayo xisbi dadka u codeeya ama tacabka u galaa waa kumanaan iyo boqolaal kun kuraasta wax laga xukumaana waa in aan gaadhin boqol kursi taasina marnaba ma saamixi doonto in dadka laga wada qayb galiyo dowladnimada maamulkeeda, hadiise hadafku yahay aan wax saxno waxan qabaa in qaabab kala duwan oo kumanaan qof oo xisbigii qayb ka noqon karto in loo mari karo wadada wax lagu saxayo.
Aan usoo noqdee waxa baryahan danbe caado noqotay in laysku baqo galiyo hadii doorkan xisbigayga laga helay bal car doorarka soo socda ha layga helo oo runtii ah taan xaga sare kuso sheegay oo qaabka dhaqankeena ayaa ku dhisnaa in biyaha iyo ceelka oo kal tirsado oo aan laysugu iman hadaanay kalkaagii ahayn, balse qaab siyaasadedkan aynu qaadanay ee halka qof iyo codkiisii waxa laga yaaba inuu suurta galiyo in sodonka ama labaatanka sanne soo socda uu dalka ka taliyo xisbiga Kulmiye iyo hogaanka hadba taladiisa hayaa.
Arinta waxa labeeya oo soo raaca dadyow iyagu ahaa kuwii tacabka soo gashaday xisbiga Kulmiye oo fahamka iyo itijaaha ka danbeeyay tacabkoodu uu ahaa inay qayb ka noqdaan hanaanka maamul ee dalka ka hir gali doona dabadeedna markii Madaxwaynuhu soobaxay ee uu soo xushay qolyaha la howl galaya ka cadhooday oo haatan bilaabay qaab u eeg hadaanan qayb ka noqon waxba ma jirayaan ama jiri doonaan, iyagoo dhaliil iyo mucaaradad gudaha ah ka bilaabay xisbiga gudihiisa iyo dibadiisaba, dadka waxa tusaale buuxa idinkaga filan kuwii dhawaan xisbiga laga saaray iyo kuwo wali is dhowraya balse fahamkoodu u eegyahay mid la itijaaha qolyaha hore.
Guntii iyo gunaanadkii waxan kuso xidhi lahaa dowladeenu waa inay ka faaidaysa awoodeeda wacyigalineed ee bulshada iyo fahamsiinta hanaanka hayaan ee dalkani ku jiro oo laga yaabo in wakhtigiisu uu saacido in laba walaali inoo taliyaan laba kal oo si xiga, waxan qaba in wacyigalinta umada iyo fahamka dowladnimadaba kor loo qaado si aan bulshada mid danaystii si qaldan uga faaidaysan, waana in ka shaqaynta kobcinta garaadka muwaadinku muhiimada koobad ka noqotaa wasaarada warfaafinta iyo wacyi galinta oo aan haatan kaalinteedii bulshadu si wanaagsan uga dharagsanayn.
Mohamed Ahmed Mohamed
Hargeisa/Somaliland
0634246528 / 0654436369.