“DAMAANSHAADKII XISAAB-XIDHKA MAAL-GELINTII MASKAXDAYDA!” Cabdinaasir Axmed Abraham

Waxa la soo gaadhay xilligii aan u dabaal-degi jiray shaqadii sannadka oo dhan aan qabanayay ee aan rumaysnaa in horumarkaygu ku jiro, gu’ kasta labadiisa caano-maal ee ugu dambeeya ayaan dib u jalleecaa hawshii akhris ee sannadkaas oo dhan ii hirgashay fadliga Alle marka aan warbixintan qorayo waxa aan dareemaa farxad weyn. Sidii caadadu ahayd raali ahaanshaha Rabbi dartii waxa aan dhammaadka gu’ga akhyaarta aan baraha bulshada rafiiqa ka nahay kula wadaagaa qoraal sannad le ah dulucdiisu tahay “Dhiiri-gelinta Akhriska” qoraalkan waxa aan ku baraarujiyaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna inta aanu si uun isku gaadhi karno kobta ay doonaan ba carro-edeg ha kaga noolaadeene, kuwaas oo aan samo-helis iyo xog-ogaalnimo la jeclahay. Sida oo kale idil ahaan ba dheefaha kala geddisan ee akhriska haddii ay tayda ahaan lahayd waan u qaraabo-kiili lahaa ummaddayda.Wax lagu baratamo waxa ugu quman akhriska. Hasa yeeshee, waxa Iyana dhaygag leh in geeska jaantuska lagu hal-beegayo heerka akhris-qoraalka ee Soomaalidu weli uu meel aad u hoosaysa farta ku fiiqayo. Dunidan casriga ah ee horumarkeedu xawliga aad ka ah ku socdo badhaadhaha iyo sareedada ummaddeed waxa gadh-wadeen u ah cilmiga. Sidaa darteed, ayuu akhriskuna u yahay jidka ugu toobiyaysan ee lagu gaadho warta biyaha macaanka badan ee cilmiga.

Akhriskaygu gu’gii tagay”2017” wuxu u badnaa culuumta Falsafadda wuxuu ahaa mawduuc aan aad ugu raaxaystay oo haddaan farta ku fiiqo dheeftii ugu weynayd ee aan ka helayna waxa aan ku koobi karaa ereygan MAANFUR. Gu’gan”2018” ee hadda jeestay walaw aan wax badan oo kala geddisan akhriyay haddana mawduuca aan xoogga saaray wuxuu ahaa ammaanka iyo qoraallada mukhaabaraadku qoraan.  Dhab ahaantii mawduucani waa mid aad u xiiso badan waxa aanu ku dhex geynayaa “DUNIDA INDHEER GARADKA” The world of Intelligence. Akhriskii qoraallada ma-hadhooyinkii mukhaabaraadka Iyana isku-geyn BARAARUG baan ka faa’iiday. 

Halkii aan ”2017” ka akhriyay 84 buug iyo 18 warbixinood “2018” wax sannadkan igu dhacay hoos-u-dhac waxa aanan soo akhriyay 52 buug, 10 Warqad cilmi-baadhiseed iyo 6 warbixinood.  

Sannadkan waxa aan tijaabiyay labadan hababka akhris ee kala ah; 

SCANNING: Oo ah in aad meelo gaar ah qoraalka ama xogo gaar ah bartilmaameedsato oo aanad qoraalka si tartiib ah u wada akhrin isla markaa si degdeg ah aad Isha u mariso oo aanad wakhti badan siin oo aad kaga bogato, si kale haddii aan u dhigno waa akhriska kor-ka-xaadiska ah. 

CLOSE READING: Oo ah in aad si tartiib ah u akhrido isla markaa dhuuxdo xogta aad akhriyayso adiga oo ka baaraan-degaya oo kala shaandhaynaya runnimada iyo aragtiyaha qorahu mararka ay isku milmaan.  

Duuduub ahaan saacadahii aan wax akhriyay sannadkii 2018 waxa ay ahaayeen 1095 saacadood, wax la qabatimo waxa ugu hagaagsan akhriska oo inta ogaalkayga ah laga helo faa’iidooyin door ah aan se ugu horreysiin karo kuwan; 

I. Wuxuu keenaa xasilooni qalbi iyo degganaansho maskaxeed iyo warwar la’aan.

II. Wuxuu dhisaa hanka iyo qofnimada dhawrsan. 

III. Wuxuu kobciyaa hab fekerka qofka. 

IV. Wuxuu soo dadejiyaa baaluqnimada maskaxeed. 

V. Wuxuu laf-dhabar u yahay koboca garaadka iyo garashada.

VI. Wuxuu sare u qaadaa heerka xog-ogaalnimo ee qofka. 

VII. Wuxuu laylyaa awoodda dulqaad ee qofka.

VIII. Wuxuu soofeeyaa garashada.      

IX. Wuxuu yareeyaa yaabka kala feker duwanaanshaha. 

X. Wuxuu ku baraa hilinnada dood wadaagga iyo qancinta dadka.   

XI. Wuxuu ku tusaa in cilmigu deeq Rabbaani ah yahay, wax kasta na akhris u baahan yahay maaha keliya wixii qorane in dhacdooyinka maalinle ee nololeed laga dhex akhriyo awoodaha Alle wax na laga barto iyo u kuur-gelista guud ahaan abuurriinka” Nature-ka”

Waxba yaanan ku dheeraane aan sannadkan akhriskaygu sidii kal hore uma badnayn sababtuna waa in aan safarro badan galay, sida oo kale waxa I xagal-daaciyay Tab (4800) oo buug igaga gubteen buugtaas oo iskugu jiray kuwa aan hore u akhriyay iyo qaar sannadkan aan qorsheeyay in aan akhriyo, hadda ba halkan hoose ayaan idil kula wadaagi ciwaanadii buugtii, warqadihii cilmi-baadhiseed iyo warbixinihii aan soo akhriyay qaar ka mid ah si intiina xiisaynaysa ay u raadin karaan.  Waa kuwan; 

1. THE METAPHYSICS OF PHYSICS  

2. PSYCHOLOGY OF INTELLEGENCE ANALAYSIS. 

3. THE ROAD TO ZERO.

4. IAM THAT.

5. ORIENTALISM.

6. THE BODY OF SECTRET. 

7. TERRORISM: ITS PAST, PRESENT AND FUTURE PROSPECTS

8. COUNTRY REPORTS ON TERRORISM 2017. 

9. TRANSNATIONAL ORGANIZED CRIME. RERRORISM AND CRIMINALIZED STATES IN LATIN AMERICA: AN EMERGING TIER-ONE NATIONAL SECURITY PRIORITY. 

10. THE CONCEPT OF SECURITY. 

11. BETTER OFF STATELESS:  SOMALIA BEFORE AND AFTER GOVERNMENT COLLAPSE. 

12. POLITICAL ECONOMICS OF WAR AND PEACE IN SOMALIA. 

13. CONFLICT IN SOMALIA: DRIVERS AND DYNAMICS. 

14. DJIBOUTI INTRODUCTORY NOTE. 

15. SOMALIA A GOVERNMENT AT WAR WITH ITS OWN PEOPLE.

16. THE DEFINITIVE BOOK OF BODY LANGUAGE.      

17. INTERNAL AND EXTERNAL ASPECTS OF SECURITY.   

18. THE SEARCH FOR PEACE.    

19. REFLECTIONS ON THE SOMALI PEACE PROCESS.  

20. FUNDAMENTALS OF  CRPTOLOGY .   

21. ENDLESS WAR.    

22. TURKEY’S ASSISTANCE MODEL IN SOMALIA. 

23. CLAN AND STATE POLITICS.   

24. WARLORDS OF SOMALI CIVIL WAR (1988-1995)

25. REPORT OF SOMALILAND PROTECTORATE CONSTITIONAL CONFERENCE. 

26. YOUTH MIGRATION IN SOMALIA.    

27. TWENTY YEARS CRISIS 1919-1939. 

28. THINKING CRITICAL. 

29. THE SECRET WORLD GOVERNMENT Or the Hidden Hand

30.  HOW TO CONTROL YOUR MIND?

31.  BUDHISM AND DEEP ECOLOGY 

32.   IN THE EARLY HOURS. 

33.   ISLAMIC SPIRTUALITY 

34.    CULTURE OF POLITCS THE SOMALI EXPERIENCE 

35.   IN THE LINE OF THE FIRE 

36. WAAR TOLOOW COLKA JOOJA: 

37. HILIMADA MAANSADA SOOMAALIDA 1AAD: 

38. HILIMADA MAANSADA SOOMAALIDA 2AAD:

39. MIYI ILAA MADAXTOONYO.   

40.  AF-DHAAB   

  

Gunaanadkii Mahad idilkeed Rabbi baa leh, anna waxa aan ahay addoonkiisii dhacdhaca badnaa ee caajiska badnaa. Cabdinaasir Axmed Abraham.

Advertisement

Ku Xayeysiiso