Xisbiga muxaafadka Bangladhesh ee Sheekh Hasina oo ku guuleystay doorashada

 Doorashadii ka dhacday dalka Bangladesh ayaa markale loo doortay Sheekh Hasina R/wasaaraha dalkaasi waana markii sedaxaad oo xilkaasi loo doorto.

Guddiga doorashada dalkaasi ayaa ku dhawaaqay guusha Sheekh Hasina,Xisbiga Sheekh Hasina ayaa helay 281 ka mid ah 350 kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalkaasiwaxaana taasi ay muujinaysaa in kuraasta xisbigu ay ka badan tahay tii uu heley dorashadii tan ka horeysay.

Waxaa jira rabshado khasaare dhaliyay 17 ruux  ayaa geeriyootay isku dhacyo dhexmaray taageerayaasha xisbiga haya talada dalka iyo kuwa mucaaradka,taasi oo ka dhalatay doorashada dalkaasi ka dhacday.

Dhanka kale kooxaha dhaliilsan siyaasadda dowladd aee Mucaaradka dalkaasi ayaa cambaareeyay doorashada,iyagoo ku tilmamaaya in ay tahay mid loo adeegsaday musuq iyo handadaad,kadib markii ay heleen 7 kuraas oo kaliya ayna codsanayaan ku celis markale sida uu sheegay Kamaal Xuseen oo mucaaradka hoggaamiya.

Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganaysaa Guddiga doorashooyinka Bangladesh ayaa sheegaysa ay jiraan dhaliilo doorashadaadi ku saabsan oo guddiga soo gaadhay baadhitaana lagu sameynayo.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso