Maqaalka qormadan waxaynu ka odhan doonaa kelmad koobansida loogu diyaargaroobo imtaxaanada.

Waxa laga yaabaa in meelaha qaar ay bulshada Soomaaliyeed imtaxaano ku jiraan ama ku soo fool leeyihiin. Sidaas awgeed waxaan jecleystay inaan maqaalkan idinla wadaago.
Diyaarinta imtaxaanada waa qeyb ka mid nolosha qof-kasta oo dugsi dhigta. Sidaas awgeed waxa dhab ah in qof-kastaaba uu wax ka yaqaaano sida loogu diyaar-garoobo imtaxaanada.
Ujeedada qoraalkanina waxay tahay in aynu wadaagno talooyin ku saabsan sida loogu diyaar-garoobo imtaxaanada.

Ugu horeyn u diyaar-garowga imtaxaanka iyo habka ugu wanaagsan ee aad ugu diyaar-garoobi karto , waxay ku xidhan tahay wakhtiga ka hadhay imtaxaanka. Tusaale ahaan haddii ay ka hadhay bil , iyo haddii ay ka hadhay todobbaad ; dedaalka iyo sida loogu diyaar-garoobeyaa wey kala duwan yihiin.
Sidaas darteed waxaynu qormadan diirada saareynaa sida loogu diyaargaroobo imtaxaano wakhti kooban ka hadhsan yihiin.

1- Inaad qiimeyso maadooyinka kuu fudud iyo kuwa kugu adag.
Ogaanshaha aad ogaaneyso arrintani waxay ka caawineysaa inaad dejiso qorshaha ugu haboon ee wax-akhris.Qiimeyn-taas kedib waa inaad dejisaa qorshe muhiimada siineya kuwaa kuu fudud ama aad xiiseyso , sidoo kalena kaa caawinaya inaad natiijo fiican keento kuwaas kugu adag.

2- Inaad isticmaasho qaacidada PARETO. .

WILFRIEDO PARETO ayaa hindisay aragti guud oo sheegeysay in 80% hantida taal dalka talyaanigu ay gacanta ugu jrto keliya %20 bulshada ka mid ah.

Sidaas awgeed waa inaad isku deydo , maadaama oo wakhtigu yar yahay inaad saadalisocutub-yada iyo caharada imtaxaanku u badnaan karo.

Tusaale ahaan maadada PHYSICS-KA waxaa lagaaga baahan yahay inaad soo akhrido soona diyaariso 5 cutub.
Balse wakhtiga oo yar darteed waxaad go’aansatay inaad cutub-yadaas oo dhan aad si kooban u wada akhrido , adiga oo calaamadinaya meelaha aad is leedahay imtaxaanka waa lagu soo dari karaa. Dabadeeto meelahaas akhris iyo diyaarin dheeraad ah ku samee.
Sidoo kale meelaha aad xasuusato inuu macalinku odhan jiray waa muhiim ee aad xasuusan kartana , waa inaad mudnaan gaara siisid.

Hab kale oo aad u isticmaali karto PARETO .
Ugu horeyn inta aanad bilaabin u diyaar-garowga imtaxaanada.
Maado kasta intaad soo qaado is weydii au’aashan:
Maadadan ( tusaale Physics ) intee cutub ama cashar ayay %80 su’aaluhu ka iman karaan ?
Dabadeeto adiga oo aan wada akhriyin cutub-yada oo dhan , keliya xooga saar meelahaas aad fileyso inay ka iman karan su’aalo.

3 – Mar-kasta oo aad meelahaas aad calaamadisay akhriyeyso , ku sawiro maskaxdaada su’aalaha ka iman kara cutub-kaas ; dabadeed meel ku qoro kana jawaab. Sidoo kalena isku dey inaad ka jawaabto su’aalaha buugga ku qoran ee aad filan karto inay imtaxaanka ku iman karaan.

4 Xilliyada aad wax-akhriyeyso isku dey inaad wax ku akhrido meel ku haboon wax-akhris. Iskana fogee waxyaabaha kaa mashquulin kara inaad si wanaagsan wax u akhridid. Sidoo kalena joogtee salaada iyo adkaartan marka aad wax-akhriyeyso iyo xilliga aad imtaxaanka ku jirto.

SALIGANABIGA , ISTIQFARTA
لا حول ولا قوة إلا بالله
اللهم لا سهل إلا ما جعلته سهلاً، وأنت تجعل الحزن إذا شئت سهلاً”

5- Habeenka imtaxaanka hurdo wanaagsan isku dey inaad hesho .
Subaxa imtaxaankana niyad-sami iyo rajo wanaagsan ku kaalay goobta imtaxaanka. Sidoo kalena asxaabtaada niyada u dhis , hana dhegeysan ama ka fogow kuwa ku hadlaya hadalada ay ka mid yihiin imtaxaanku waa adag yahay , IWM.

6- Xilliga aad imtaxaanka ku jirto akhriso adkaartaad akhrisan jirtey markaad diyaarin jirtay imtaxaanka. Adkaar-taas oo ay culimo badan mahadiyeen kuna tilmaameen qaar waxyaabo ku adkaa fudeyd uga dhigay.
Sidoo kalena waxaad ka heli doontaa xasilooni , degenaan iyo ajar xilli uu dadka cabsi iyo wer-wer hayo.

7. Inta aanad bilaabin imtaxaanka ka hor Bisinka ku bilaw. Duceyso ALLENA ka bari inuu kuu fudeeyo .
Kadib akhri su’aalaha oo dhan , adiga oo kana fiirinaya inay ku jiraan su’aalahaad fileysay. Sidoo kalena isku dey inaad ugu hor jawaabto su’aalaha aad jawaabahooda garanayso.

8. Imtaxaanka ka dib , dadka ha weydiin su’aalo ku saabsan imtaxaanka , hana dhegeysan ama ha u dhawaan meel lagaga sheekeysanayo imtaxaanka.
Balse isku dey inaad maskaxda ilaw-siiso imtaxaankan. Walibana sii wakhti ay ku qaadato waxay jeceshahay.
Taas oo ka caawin doonta inay ilawdo ka fikirtaanka imtaxaankaasi , walibana kaa caawineysaa inaad u diyaar garoowdo imtaxaanka xiga adiga oo ay kugu jirto fir-fircooni iyo niyad-sami.

9. Imtaxaan kasta oo aad gashaa cashar iyo khibrad ha kuu noqdo , Kuna dedaal inaad markay imtaxaanadu kaa dhamaadan ama natiijada la sheego kadib , aad kala soo baxdo casharo ku caawin kara mustaqbalka.

Xidhmada maqaalku waxay noqon doontaa inaynu is xasuusino imtaxaanka AAKHIROiyo inaynu ka dhigano imtaxaanada adduunyada sida kuwa waxbarashada, qaar sabab u noqda in aynu ku xasuusano imtaxaan-kaas.

XIGASHO
AFARTAN FAA’IDO IYO TALO OO KU SAABSAN IMTAXAANADA
(AL MUNAJID) AF-CARABI.

CIDII RABTA HALKAN HA KA DEJISATO:

كتيب ٤٠ فائدة ونصيحة في الاختبارات .. حمله مجانًا الآن

https://medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso