DOWLAD DHISKA SOMALIA DANI UGUMA JIRTO FIKIRKA URURSAN EE FARMAAJO IYO KHAYRE

Sida aynu guud ahaanba ka dharagsanahay jabkii ku dhacay qaranimadii Somalia waxa ka dhashay burbur haleelay meel kasta oo maankaga kuso dhacda, haday tahay dal iyo dadba, mudo dheer oo baadigoob logu jiray sidii dowladnimada Somalia looso celin lahaana may suurta galin, balse markaynu kaso qaadno dhismaha dowladii Imbigaati waxa Somalia dhabaha saartay dowladnimo federal ah oo loo arkay xalka qudha ee dowlada Somalia kuso noqon kartaa inu kaa yahay.

Hadaba waa in la fahma sababta iyo waxa keenay in dalka Somalia loodoorbido in laga hirgaliyo hanaan federal iyadoo dadku yahay kuwa isku diin, midab iyo dhaqan ba ah, taaso ay ugu waynayd in dadku helaan maamul daadajin dhamays tiran iyo in cid kastaba xaq u yeelato inay isked isu maamusho, balse taa macnaheeduna aanu ahayn in aan dadka waxba ka dhaxayn ee la wadaagi doono dowlada dhexe oo qaab federal ah ula dhaqmi doonta maamul goboleedyada.

Sida daraadeed waxa dalka soo maray tiraba dhowr madaxwayne wixi ka danbeeyay dowladii Cabdilahi Yuusuf 2004, waxanay dhamaantood ku shaqaynayeen hab maamulka federal ee ku dhisan awoodaha is barbar socda iyado ay dowlada dhexena leedahay ixtiraamkeeda qaranka ay ku matalayso goloyaasha dunida, sidoo kale waxay dowlada dhexe mar walba ku dadaalaysay in aanay ka hor iman maamul goboleedyada ay xukunto.

Aan usoo daadagne haatan Maxa cusub maxaase isbadalay ayaa mudan inaynu is waydiino, haatan waxa is badalay hab maamulkii muqdisho yiilay waxa gacma kudhigay Madaxwayne aan xaalada dadkani soo mareen iyo qaabkay noloshu soo ahay 27 sanno ee u danbeeyay aan wax badan kala socon maadama uu dalka ka tagay xiligii burburkii ogaalkiisana hab maamulka qudha ee uu yaqaanay ahaa kii kacaankii oo uu badiya ku faano inuu ahaa ardaydii uu soo dhisay, taa waxa sii dheer in uu soo xushay Raysal wasaare laftiisu aan isaga uga xogogaal sanayn xaalada iyo duruufihii laso maray oo ahaa kuwo aad u qadhaadh oo an laysu talaabi jirin.

Farmaajo iyo Khayre waxay dhaxleen hanaan awoodo is barbar yaala ah oo runtii ay keentay duruufta ah in qof kasta iyo deegaan kastaba la siiyo xooga madax banaani is maamul hoosaad taasi waxay u arkeen iyaguna mid ah in awoodoodi dowladeed aanay haysan waxanay qaateen siyaasad ah mid urursan oo hanaanka dowladnimada Somalia kuso koobaysa guriga ay muqdisho kaga sugan yihiin ee Villa Somalia, waxay qaateen in ay mandaqada iyo guud ahaanba daneeyayaasha arimaha Somalia u diraan fariimo iyo qoraalo ay kaga codsanayaan in cida kaliya ee laso mari karo ama lala shaqayn kara ay noqoto dowlada dhexe ee Muqdisho, taaso runtii iyaduna keentay inay cid kasta u saxeexaan waxyaalo aanay aad u hubsan iyagoo dhaafsanaya hebel ha arkina anakana nala shaqeeya wixi ad rabtaana anaka fulin.

Tusaale ahaan waxay taariikhda marki koobad dhiibeen qof Somali ah oo ku sugan Somaliya iyago leh waa ajanabi ama waa Ethiopian taasina may ahayn mid ka suurta gashay wixi dowlad yabyab ah soo martay Somalia, arinta iyo arimo badano kale ilaa haatana aan cadayn oo ay ka mid yihiin heshiisyada ay qariyaan ee ay la galeen Ethiopia waxay dhaafsadeen inay ku dadaalan sidii ay cuna qabatayn ugu samayn lahaayeen maamul goboleedyada Somalia.

Sido kale waxa xusideeda mudan xiisada mandaqada oo dhinacyo badan isugu jirta runtiina ay dhex fadhiisteen dhiiqo balaadhan ka dib markay si dhuumasha ku taageereen dowlada Qatar oo isbahaysi dhowna haatan la leh Turkey-ga, iyado taasi keentay in maamul goboleedyada oo ay ugu horayso Puntland ay dhahaan anaka halkaa dani nooguma jirto maadama aanu xidhiidh ganacsi iyo mid taariikheedba anu la leenahay Imaaradka carabta iyo dowlada Sucuudiga oo runtiina xaqiiqa, taaso inoona muujinaysa sida Madaxda Muqdisho joogta aanay haba yaraate ula tashan dowlad goboleedyadeeda markay timi isku dhaca dowladaha bariga dhexe oo Somalida siyaabo badan xidhiidh dhow ula leh, dabadeedna markay keentay in layska daba hadlo waxay Farmaajo iyo Khayre awoodooda mar labaad isugu geeyeen siday u birayn lahaayeen dhamaanba inta ka hor timi maadama ay gali doonaan doorashooyin dhaw.

Waxana runtii taa tusaale u ah wixii ka dhacay Baydhabo oo aad ogaydeen in Musharaxii ugu saamaynta batay deegaanka ay soo afduubeen halka ay qasab iyo jujuub ku saareen Lafta-green oo ay dowlada dhexe dhisaysay, geesta kale waxan mesha ka maqnayn in ay damacsan yihiin sida si la mida in laga sameeyo Puntland walow ay ku duulayaan arinta Puntland joog hoose madama ay tahay dowlad goboleed ka yar xoogan kii Baydhabo, guud ahaana waa miday la damacsan yihiin labada Maamul ee Galmudug iyo Jubaland oo haatan iyaguna ah kuwa ka biyo diidsan siyaasada xamar taala.

Hadaba guntii iyo gunaanadkii markaynu iskuso xoorno ma tahay tani mid sii wadaysa hanaanki dowlad dhiska Somalia ee la ogaa shalay wuxu ku dumay, iyado in lasoo celiyaana ay qaadatay 27 sanno, walina aan wax guulo la taaban kara jirin.

Anigu shaqsiyan waxan qaba in Farmaajo iyo Khayre ay Somalia dib u celiyeen dhowr sanno halkii laga rabay inay qaab nasteex iyo walaalow ah kuso celiyaan dowladnimada Somalia, Somalina ma jiro manta nin ugu talin kara awood iyo caga juglayn ah tay horeba u eeday, kacaanki ba quwad dowladnimo Somali ku maamuli kari waayay.

Hadal iyo dhamaanti Farmaajo iyo Khayre waxay noqdeen layliyiin siyaasadeed markad eegto qoraaladi u danbeeyay ee kaso baxayay, markad eegto qaabkay u wajaheen kala qayb sanaanti umada carbeed, markaad eegto habdhaqankoda ku aadan maamul goboleedyada, markad eegto sida ay uga fal celiyaan talaabooyinka siyaasiyiinta mucaaradka, markaad eegto qaabka ay ula dhaqmaan madaxda iyo xubnaha baarlamanka federaalka oo ay albaabada ka xidhaan qaarna go-doomiyaan, marka aad eegto sida ay u jareen wada hadaladi Somaliland iyo Somalia, cajab tolow taasi Somalia ma wadaysa mase tahay mid dani ugu jirto Somali, jawaabta adaan ku daayay.

Mohamed Ahmed Mohamed

Hargeisa/Somaliland

0634246528.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso