Talo Soo-Jeedinta Xarunta CPA ee Khilaafka Xisbiyada Somaliland

Xarunta Daraasaadka Siyaasadda (CPA) waxay si dhaw isha ugu haysay horusocodka iyo turaan turooyinka siyaasadda iyo dimuquraayidda wadanka iyo arrimaha ku gedaaman. Waxay si gaar ah ula socotay xaaladda imika taagan ee muranka Guddida Doorashooyinka iyo Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Dawladaha Hoose. Kuwaas oo dhinacyada ay khusaysaa aanay ka gaadhin xal. 

Xaruntu waxay daraasad iyo dhugasho xeel dheer ku haysay xaaladaha ku gadaaman wadankan is-koriska ah ee la tacaalaayay xaaladihiisa nololeed, ammaan iyo dhaqaale 27kii sanadood ee ugu danbeeyey. Waxaana u soo baxay xaaladahan hoos ku qoran oo u baahan in siyaasiyiinta, madaxda xisbiyada iyo hoggaanka Qarankuba niyadda ku hayaan kuna saleeyaan go’aamada siyaasiga ah ee ay ka qaadanayaan xaaladdan taagan ee muranka doorashooyinka.

Talo Soo-jeedinta CPA ee Khilaafka Xisbiyada Somaliland
January 2019
Xarunta Daraasaadka Siyaasadda (CPA) waxay si dhaw isha ugu haysay horusocodka iyo turaan turooyinka siyaasadda iyo dimuquraayidda wadanka iyo arrimaha ku gedaaman. Waxay si gaar ah ula socotay xaaladda imika taagan ee muranka Guddida Doorashooyinka iyo Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Dawladaha Hoose. Kuwaas oo dhinacyada ay khusaysaa aanay ka gaadhin xal.
Xaruntu waxay daraasad iyo dhugasho xeel dheer ku haysay xaaladaha ku gadaaman wadankan is-koriska ah ee la tacaalaayay xaaladihiisa nololeed, ammaan iyo dhaqaale 27kii sanadood ee ugu danbeeyey. Waxaana u soo baxay xaaladahan hoos ku qoran oo u baahan in siyaasiyiinta, madaxda xisbiyada iyo hoggaanka Qarankuba niyadda ku hayaan kuna saleeyaan go’aamada siyaasiga ah ee ay ka qaadanayaan xaaladdan taagan ee muranka doorashooyinka.
1. Wadanku wuxuu ahaa dimuquraadi 16kii sanadood ee ugu danbeeyey. Taas oo gacmaha shacabka gelisay awooddda hogaamineed ee wadanka, kuna noqotay hal-xidhaale iyo imtixaan wadamada gobolka ee aan hadana aqoonsanayn dalnimada Somaliland, bedelkeedana muujin karta hinaase siyaasadeed.
2. Isbedelka Gobolka ka dhacay ee uu daaray hogaanka cusub ee wadanka Itoobiya Dr. Abiy Axmed ee ku salaysan Afrikaannimo, isa saamax iyo iskaashi dhaqaale oo dhexmara wadamada Geeska iyo Qaaradda inteeda kale, taas oo taariikhda markii kowaad isu keentay talo horumarineedna ka dhexaysiisay hoggaanka Somalia, Itoobiya iyo Aritriya. Waxay Somaliland siinaysaa xisaabtan cusub oo u baahan siyaasaddii lagula macaamili lahaa iyo isku duubni xooggan oo gudaha ah.
3. Dimuquraadiyadda Somaliland waxay kasbatay saaxiibo caalami ah oo u debecsan qadiyadda Somaliland kuna xardhay qoraallo badan iyada oo ay jiraan wadamo si gaar ah uga caawiya Somaliland dhinaca doorashooyinka iyo mashaariicda horumarineed. Taasina waxay ahayd mid ka mida fursadaha dahabiga ah ee Wadankani ku guuleystay, kuna sii dul dhisaayay ka midho dhalinta aqoonsi caalami ah. Haddiise xisbiyadeenu tixgelinta iyo ixtiraamka ku haboon siin waayaan kobcinta siyaasadda iyo gaar ahaan dimuquraadiyadda waxay keeni kartaa in saaxiibadii Somaliland niyad jabaan, taasina ay wiiqdo siyaasaddii Somaliand ee arrimaha debedda, iyo dhaqaalihii iyo iskaashigii shacabka ee gudaha.
4. Xasilloonida iyo deganaanshaha amni iyo Siyaasadeed ee Somaliland waxay dhiirigelisay maalgashi caalami ah iyo dawlado ku soo dhiiraday inay maalgelin toosa ku samaystaan Somaliland sida shirkadda DP World, kuwa Shiidaalka baadhaaya iyo Sanduuqa Horumarinta ee Somaliland. Haddii la waayo xasilooni siyaasadeed oo ku salaysan dimuquraadiyad iyo amni la isku hallayn karo, waxay hor seedi kartaa dhaqaale xumo, liidasho maamulka dawliga ah iyo kala daadasho shacbi. Sidaas daraadeed waa in siyaasiyiinta, madaxda xisbiyada iyo hoggaanka qarankuba muhimmada siiyaan xasiloonida siyaasadeed iyo deganaanshaha amni, kuna saleeyaan go’aamadooda wixii xoojinaaya.
Xaruntu waxay u soo jeedinaysaa siyaasiyiinta, madaxda xisbiyada iyo hoggaanka Qaranka-ba inay durkiyaan fikarada ka go’aan qaadashada arrimahan hor yaalla ee ku aadan muranka Guddida Doorashooyinka iyo doorashada golayaasha Wakiilada iyo Dawladaha Hoose, ayna ugu dhug yeeshaan waxyaabaha taban ee ka dhalan kara ee ay ugu weyntahay, go’doon siyaasadeed, dhaqaale xumo, iyo debec ku yimaada wadajirka shacabka. Sidaas daraadeed Xaruntu waxay soo jeedinaysaa qodobadan hoos ku qoran:
1. In xisbiyadu si aan ka gabasho lahayn uga wada hadlaan arrinta Guddida Doorashooyinka, iyagoo eegaaya xaaladda guddida imika xilku kasii dhamaanaayo iyo ta iman doonta iyo saami qaybsigeedaba.
2. In arrinta xeerarka Doorashooyinka ee uu ugu horeeyo saami qaysiga Gobolada ee Aqalka Wakiilada uu hormuud iyo hogaamin toolmoon ka qaato madaxweynaha qaranku, isagoo ka eegaaya danta qaranka uu ku furdaamiyo talo loo dhan yahay oo lagaga bixi karo xilligan imika lagu jiro.
3. In xisbiyadu la yimaadaan bisayl siyaasadeed iyo hoggaamin uu shacabkani mahadiyo taariikhdana u gala oo ka koraan aragtida aan durugsanayn ee dhexdooda iyo isu muuqadka u badan.
4. In doorashada golayaasha Wakiilada iyo deegaanadu aanay dhaafin 2019ka, si taas loo helana waa lagu fardaamiyaa isu tanaasul iyo fiirinta danta guud ee qaranka;
5. In hay’adaha qaran ee xilka iyo waajibaadku saaran yahay ay shaqadooda dastuuriga ah u gutaan si xilkasnimo leh oo aan jiitan lahayn oo ku dhisan danta shacabkga iyo fogaan arag ku qotoma rabitaanka dadwaynaha Somaliland.

Kala xidhiidh CPA:
Address: Red Sea village, I/K district, Hargeisa, Somaliland.
Email:Contact@centerforpolicy.net.
Web: www.centerforpolicy.net

Advertisement

Ku Xayeysiiso