Inta uu labada jilib dhulka dhigay ayuu haddana kambadhuudhsi iyo kuududsi waxaan loo kale garaynayn u fadhiistay. Labada dhafoorna wuu qabsaday isaga oo niyad jabsan ayuu hoos eegay. Waxa uu isku qabtay labada indhood qalbigiisiina waxa uu ilbidhiqsiyo gudahood ka fekeray oo uu muuqaalkooda isu keenay waxaanu sannado arkeen. Samada waxa kaga soo degay humaag sida heeryada fuulay uu qalbigiisa u diiday in uu kor u ruqaansado. Waxaa is tusay in uu meel madhan taaganyahay. Waxa uu arkay fooqyo dhaadheer oo hareerihiisa ka yagleelan. Waxa soo hormaray dad nolosha heer ka gaadhay oo maalin walba uga sheekeeya sida ay ku gaadheen.
Waxa sida shilinka hor wareegay hayntiisa yar ee uu maanta haysto. Waxa uu is barbardhigu ka sameeyey boqolaal hayntoodu fiicantahay oo sida libaaxa u nool iyo isaga oo qaadaa-ma-dherge ah, laakiin waxbartay.
Waxa ka soo mudhtidhi ilmo waaweyn oo sida mudaca isha gubaysa. Waxay qoysay labadiisa indhood. Waxay ka gashay afka. Waxa ku abuurmay xanuun aanu garaynayn oo layidhaahdo “Alle waadka quusatay, balse, ma ogsoonid adigu”. Shaydaankuna waxa uu dhegta ugu tuuray, “Adduunyadan nasiib kuma lihide tolow Alle muxuu kuu keenay arladan?. Kama danbaystii waa uu tahriibay. Waxaanu ku dhintay badweyntii.
Haseyeeshee, waxa uu garanwaayey bar cidla ah u bax oo tusbaxaagana qaado. Muuqaalkan Alle-keen-ka ahna daalaco. Deegaan dabiiciya oo cagaaran. Dhulkuna uu mugdiyahay. Xiddigaha samada ku xardhanina si’ toosa u muuqanayaan. Bar kasta oo cirka ahna kaaha ka soo baxayaa kale geddisanyahay. Si’ kale jaadana uu u kale weynyahay xiddigaha kaahoodu. Mid baa sii dhacaysa. Qaar baa kaaya oo kolba naaqusmaaya. Qaar baa dhaw. Qaarkale ayaad dirqi ku arkaysaa.
Dhammaan cirka iyo xiddigu waxay kuu bixinayaan deegaan qurxoon oo bilaa xasarada. Intaad tusbaxaagii la soo baxday ma ka fekertay booqashada sagaalka meere ee la sheego!. Ugu horrayn, intaad indhaha isku qabatay ma gaadhay meeraha Saateen(Saxal). Markiiba ma aragtay sawir sida kubbada oo kale ah. Laakiinse, leh giraamo si’ xarrago ah u wareegaya. Ma ku soo dhowaatay oo ma dhugatay deegaankiisa ka kooban qabawga, barafka, iyo hawdiisa teenne ka geddisan. Judhiiba ma la tacajubtay giraamaha ku wareegsan ee qurxinaaya sida gabadh maxajabada oo faraatiyo isku qurxisay. Giraanka kamid ma dul fadhiisatay adoo faraxsan. Ma kula wareegtay oo ma xasuusatay awoodda Allahii sidan quruxsan u abuuray. Hareerta bari ma ka istaagtay oo ma daawatahay dayaxyada duldawaafaya ee sida bilaa dhibta ah ku wareegaya. Adoo heehaabaya ma ragtay wax dhagax u eeg oo geeska sare kaa xiga. Intaad duushay ma is-tidhi bal waxan eeg oo ma isu beddelay muuqaal aanad weliga arag. Ma dul is-taagtay. Isla bartii ma sii dhugatay. Wardigii intaanad dhammayn cadceeda kaaheedu geeskaas ma ka soo muuqday oo ma aragtay. Deegaan qurxoon, arlo aanad weliga ku fekerin in ay jirto. Allaha intaas oo deegana lihi in uu qalbigaaga daalacanaayo ma ogaatay. Haa!. Ma xasishay oo qalbigaagu Alle si’ toosa ma ugu xidhmay.
Ugu danbayn, nolosha haka quusan Allahii intaas oo duniya iyo inta aynaan malaysan karin abuuray ayaa inoo noole. Isaga ayaa ku nooleeyey adiga oo aan wax la sheego ahayn.
Sadam Osman kaabash
Hargeisa, Somaliland.
Biomedical Scientist.
—
Name: Sadam Osman Mohamed
Phone : 063 4010419
Email: Sadamkabash99@gmail.com
Address : mohamed moge village
Tittle: Biomedical Scientist / Writer