Trump oo si ku meel gaadh ah u fasaxay shaqooyinkii Dowladda

Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donald Jey Trump ayaa ka tanaasulay go’aankiisu ahaa cadaadiskii siyaasadeed uu waday,si loo soo afjaro hakadkii ku yimid howlihii shaqo ee hay’adaha dowladda oo waqtigii ugu dheeraa abid taariikhda soo mara noqday.

Madaxweyne Trump ayaa 35 casho kadib taageeray qorshaha lagu fasaxayo isticmaalka miisaaniyadda dowladda muddo labo todobaad aan ka badneyn,mana kujirto lacagtii uu dalbaday in lagu dhiso derbiga xadka Mareykanka iyo Mexico.

Madaxweynaha ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriaga ayaa goor hore diiday in uu saxiixo miisaaniyadda dowladda,ilaa lagu daro 5.7 Billiyen oo lagu dhisayo derbigaasi,balse taasi waxaa durba diiday congresska Mareykanka oo ay ku badan yihiin xisbiga Dimuqradiga.

Gelinkii dambe ee jimcihii ayaa labada aqal ee Mareykanka ayaa ansixiyay in si KMG ah loo fasaxo shaqooyinka hay’adaha dowladda,intaasi ka dib ayuu madaxweyne Trump saxiixay si loo adeegsado miisaaniyadda.

Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in go’aankiisu uu meel u yaalo balse uu ka damqaday malaayiinta shacabka Mareykanka ah oo saameynta ku yeelatay arrintaasi.

“Waxaan rajeynayaa in shacabku ay akhrinayaan ama ay dhageysanayaan ereyadeydi ee ku waajahan arrinta derbiga xuduudda,arrintani waa mid aan laga gorgortamaynin,waxaa daryeel helayay malaayiin qof,kuwaasi oo xanibaadu ay saasmeyn ku yeelatay,muddo maalmo ah,hadii wax heshiis ah aan la gaadhin waxba ma soconayaan”. Ayuu yidhi madaxweyne Trump

Advertisement

Ku Xayeysiiso