War ka soo baxay Wasaaradda Cadaaladda ee Dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu dacwado dhowr ah ka gudbiyay madaxa dhaqaalaha shirkadda tiknoolajiyadda ee Huawei ee laga leeyahay dalka Shiinaha Meng Wanzhou,kaasi oo lagu eedeynayo sharci jebin iyo xatooyo kadib markii la xaday shirkadda T mobile ee Mareykanka uu leeyahay.
Mas’uulkan dacwadda lagu soo oogay ee Ms Meng iyo shirkadda Huawei ayaa iska fogeeyeen eedeeymahaasi loo soo jeediyay,dhawaana Washington waxaa ay ku eedeysay ku xad gudubka xayiraadii saarneyd Iiraan,taasi oo sababtay in lagu xidho dalka Canada.
Saraakiil sar-sare oo ka socota dalka Shiinaha ayaa lagu wadaa in toddobaadkan gudihiisa ay tagayaan Washington si ay Mareykanka ugala xaajoodaan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ganacsi ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha,islamarkaana wax la isla meel dhigo.
Dhanka kale war uu soo saaray Wasiirka Ganacsiga ee dalka Mareykanka Wilbur Ross ayaa xusay in aan xidhiidh ka dhexeynin dacwada shirkadaasi loo hayto, iyo wadahadalka ganacsi ee labada dal.
Mareykanka ayaa dalka Shiinaha ku soo rogay cashuur dhan 250 Bilyan badeecadaha laga keeno dalka Mareykanka,taasi oo keentay in khilaaf uu soo kala dhexgalo labada dal.
Meng Wanzhou ayaa dhawaan lagu xidhay dalka Canada kadib markii uu Mareykanka ka codsaday in la xidho Meng, taasi oo xilligaasi lagu soo edeeyay in ay baalmartay sharcigii cuna qabataynta lagu soo rogay Iiran,waxaana taasi ay sababtay in uu xumaado xidhiidhka Shiinaha,Mareykanka iyo Canada u dhexeeya.