Ururka Midowga Afrikan ayaa taliye cusub u soo magacaabay ciidamada AMISOM ee hawlgalka ka wada Somalia
Markii ugu horraysay ayay noqonaysaa ee dowladda Itoobiya ay hoggaanka u qabato maamulidda dhammaan ciidamada Jinsiyadaha kala duwan leh ee ka hawgalaya Dalkaasi Soomaaliya
Francisco Madeira oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa munaasabada ka dhacday Xerada Xalane ku sheegay in Jenaraal Tigabu Yilma Wondimhunegn oo Itoobiyaan ah uu noqday taliyaha cusub ee AMISOM.
Wuxuu bedelay Jeneraal u dhashay wadanka Uganda oo sanaddi 2018 hayay taliska ugu sarreeya ciidamada Amisom, Jeneraal Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan.