Boliiska Degmada, Ngombeni, ayaa Jimcaha Maanta ah weerar ku qaaday Guri ku yaalla degaanka , Kwale, halkaas oo ay tababar ku qaadan jireen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Guriga ay baadhitaanka ku sameeyeen Boliiska Kenya ayaa waxaa laga helay , waxyaabaha qarxa, Tuutaha Ciidamada, Mindiyo, Aaladaha lagu Feedhtamo, Sanaaddiiq ay ku jiraan Kitaabbo, qoraallo Diini ah iyo Calamada Madoow ee ay isticmaalaan, Daacish, Al-Shabaab iyo Boko Haram.
Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Kwale, Tom Odero, ayaa Jariiradda the Star u sheegay in ay goobtan ka mid ahayd meelaha wax lagu baro dhaq-dhaqaaqyada Argagixisada ah, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah qoraallada lagu turjumay Afka Sawaaxiliga, si ay u akhristaan.
Mr; Odero , ayaa tusaale usoo qaatay mid ka mid ah qoraallada la tarjumay oo ahaa ‘tuko tayari kwa vita’, oo uu macnaheedu yahay ‘diyaar ayaan u nahay dagaal.’ Taas oo u fududeynaysa in ay si sahlan u qaataan Afkaarta Xagjirnimada” ayuu yidhi.
Boliiska la dagaallanka Agragixisada Dalka Kenya ayaa sheegay in aysan Cidina ku sugnayn xilligii uu howl-galku dhacayay, balse ay tuhunsan yihiin in ay wax yar un ka hor ka baxeen Guriga Kooxihii halkaa ku sugnaa.