Qabyaaladdii Iyo Dwladnimadii Way Is-Qabanwaayeen . Qabyaaladdii Iyo Dimuqraadiyaddii Way Is-Qabanwaayeen

Waxa ummadda somaliland iyo jiritaankeedaba khatar ku haysa , haddii aan wax laga qaban , CUDURKA la yidhaahdo QABYAALADDA .

Qabiilku waa wax soo jireen ah  oo dadku isku garto , laakinn QABYAALADDA ku dhaqankeedu iyo ku adeegsigeedu waxa uu burburiyay DAWLADDII soomaaliya , waxaanay qabyaaladdu hore u burburisay dawlado badan oo dunida ka soo jiray , sida khilaafadii islaamka oo ay burburisay qabyaaladi , dad badan oo wanaag sanaana waxa loo dilay qabyaalad iyo aargoosi awgood , sidii cali bin abii dhaalib , xuseen iyo xasan oo la suneeyayba ( illaahay raali haka wada noqdee ) , waxaana lagaga aar goosanaayay dagaalkii BEDER ee ay iskaga horyimaadeen muslimiinta iyo qurayshtii gaalada ahayd ,waxaana lagu dilay niman badan oo reer banii umaya ah , oo weliba ahaa kuwii ugu magaca roonaa ( cutba bin rabiicah – walaalkii sheyba bin rabiicah iyo waliid bin cutbah oo ahaa hinda bintu cutbah oo uu walaalkeed ahaa , xaaskii abuu sufyaan ) dagaalkaana waxa qayb weyn ka qaatay dhinaca muslimiinta (cali + xamza +iyo xaaris) oo ka soo jeeday reer cabdi almudhalib , xamzena waynu wada ognahay aargoosigii foosha xumaa ee lagu dilay dagaalkii uxud ., kabacdina dawladii reer banii umayah waxa loo riday QABYAALAD awgeed markii ay ummadda muslimka kula dhaqmeen qabyaalad xun , tii ka danbaysay dawladdii cabaasiyiintana waxay u jabtay qabyaalad iyo kala qaybsanaan awgoog . dagaalka soomaaliyada koonfureed ilaa maanta ka socdaana waxa sababay qabyaalad , dagaalka yaman ka socdaana waa dagaal qabyaaladi u sabab tahay , ka ciraaq – suuriya – liibiya iyo afgaanistaanba na waxa weeye dagaalo qabyaaladeed siday yihiina waynu aragnaa iyo xaalkooduba halkuu maraayo (burbur -shimasho – baaba – iwm .
Hadaba QABYAALADDU khasaare mooyaane , wax faa’iido ah kuma laha dunidan iminka la joogo ,
sidaa daraadeed waxa weeye in reer somaliland ku dhaqanka qabyaaladda ee xun meel iska dhigaan , oo ay qaataan nidaamka dawladnimo ee ay ummadda dunida maanta joogaa haystaan ,    WAAYO ? DAWLADNIMADU iyo QABYAALADDU ISMA QABANAYAAN , midda kale somaliland waxay qaadatay nidaam DIMUQRAADI la yidhaahdo oo ku dhisan axsaab , laakiin waxaynu wada ognahay inaanay AXSAABTA somaliland ku disnayn mabaadii la isku raaco  , wax ay axsaabtuna ku kala duwan yihiin ma jirto oo aan QABYAALAD ahayn , waxaanay ku wada suntan yihiin reer (xisbigaa reer hebe lbaa iska leh iyo kaana reer hebel baa iska leh ) .
waxaanay wada gashan yihiin shaadh maqaar saar ah , oo aan sii socon doonin muddo dheer .
Waxaana iminka cadaatay inaan somaliland ku dhaqmi karin nidaamka DIMUQRAADIYADDA la yidhaahdo , WAAYO ? QABYAALADDII iyo DIMUQRAADIYADDII way is-qaban waayeen .
Natiijadda iyo dhaxalka ka soo baxayna ilaa iminka waxa weeye , eerunta ah ee ina horyaalla  , ee aan indha laga lalin karayn : waxa weeye qabyaaladdii iyo dawladnimadii ma wada noolaan karaan , midda kale qabyaaladdii iyo dimuqraadiyadiina isma waafaqayaan .
Haddii ay somaliland doorashooyin ka qabsoomaan iyo haddii kaleba (doorashooyin dawladaha hoose ah ama doorashooyinkii baarlamaanka ama doorasho madaxweynaba ) midday doonto ha noqotee cid kasta oo la soo doortoba , waxa lagu soo doortaa QABYAALAD ee laguma soo xulo muxuu barnaamijkiisa wax qabad yahay ama shaqadan ma garanayaa ama shaqadan ma qaban karaa , sidaa daraadeed waxa meelo badan xilal ka haya , dad aan aqoon iyo xirfad toona u lahayn wixii loo doortay , taasuna waxay keentay dibudhac iyo wax qabad la’aan .
Waxa jirta arin kale oo aad u fool xun oo shaqadii iyo maamulkii dalka curyaamisay oo iyana QABYAAALAD xun ku sal leh , taas oo ah haddii QOLODAYDU doorashada weydo , inaguna (qoladayaduna) xukuumadda cagaha ayaanu iskaga duubaynaa oo curyaaminaynaa , si aanay waxba u fulin karin , haddii kale oo xukuumaddu shaqayso ama xoogaysato  , dee reer hebel ayaa nagu xoogaysanaaya ,hadday tahay  dhinac ciidan ama dhinac dhaqaalaba , key doontoba ha noqotee , arintaasuna waa ta dalka iyo dadkaba dib u dhac weyn ku ridday .
QABYAALAD ku dhaqankii wuxuu keenay in wixii la wada lahaa , in koox gaar ahi ku tagri fasho oo isa siiso , waxa halkaana ka dhashay in wada shaqayntii meesha ka baxdo . waxaana timi in sharcigii laysu adeegsado , oo ay xoriyaddii -caddaaladii- sinaantii la waayo , oo ay abuuranto caddaalad daro – musuqmaasuq- xadhig- hanjabaad – caga juglayn – iyo dil ba  , waxyaabahaasuna waxay abuureen nacayn muwaadiniintii isu galay – kala fogaanshona bulshadii ku kala dhex riday   iyo colaad .
Hadaba somaliland waxay u baahan tahay in cilmi baadhis qoto dheer la sameeyo , oo ku salaysan , XAGGAY WAX KA KHALDAN YIHIIN ? iyo sidee wax looga qaban karaa arimahan ? iyo SIDEE XAL LOOGU HELI KARAA ? WAXNA LOOGA BEDELI KARAA KU DHAQANKA QABYAALADDAN FOOSHA XUN ?
Waa in FIKIR ( ra’yi -xal ) la keeno , oo caqliga wax lagaga bedelaayo siday ummaddu u fekerayso una dhaqmayso , waana in ummadda wacyi gelin iyo cobcin lagu sameeyo caqligooda iyo garaad koodaba .
Waa in tartanka ummadda ka dhexeeyaa noqdo mid horumar iyo rajo wanaagsan dalka iyo dadkaba u horseeda .
Waa in la helo fikir falsafad – aqoon – garaad sareeya , oo dalka iyo dadkaba lagu hoggaamiyo . haddii kale QABYAALADDU dalka iyo dadkaba way burburin doontaa , taasuna waa iga digniin .
Waxaanaynu wada ognahay maanta , kuna wada qanacsan nahay in QABYAALADDII iyo DAWLADNIMADII is-qabsan waayeen , waxaynuna wada aragna in QABYAALADDII iyo DIMUQRAADIYADDII aynu qaadanay ay is-qabsan la yihiin .
Hadaba waxa loo baahan yahay xal iyo sidii laysu waafajin lahaa , dhaqankeena iyo dawladnimada iyo sidii aynu  ugu dhaqmi lahayn dimuqraadiyad ina anfacda oo aynu isku maamuli karno ,
DIMUQRAADIYADUNA maaha wax debedda laga soo waarito , ee waa halgan ummadeed oo joogto ah .
allahayaw na garansii dariiqa toosan
CALI MAXAMED BIIXI

Advertisement

Ku Xayeysiiso