Dimuqraadiyadii Somaliland Jihadee ayey u socotaa? mar hadii 3-dii gole maandheytkoodii dhamaaday Doorashooyinkiina rajo beeleen. qalinkii A/rahman fidhinle UK

Dimuqraadiyadii dawladnimada JSL way fasaqantay oo way liinbaxady mar hadii 3-dii gole ee kala ahaa Golaha Baarlamaanka, Golaha Guurtida iyo Golaha Degaanku ay sadexdooduba waqtigii la doortay iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan. Boowe ! Hadii goleyaasha xeerdejintu ay noqdaan Goleyaal ku fadhiya mudo kordhin go’aanada masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ? Xeerarka iyo Xeegaanada ay curiyaan side loo aaminayaa ?
Golihii Guurtidu iyana waxay noqdeen dhaxaltooyo markaa – kuraas dhaxaltooyo ah iyo Dimuqraadiyada aynu sheeganaynaa sidey isu qabanayaan ?? Cajiib !!

Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005 si ay 5 sanadood oo keliya kuraasta ugu fadhiyaan waxaana ay mudo dhaafeen 8 sanadood iyo badh.Golaha Guurtida Soomalilaan waxaa la doortay 1997 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 21 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Noofember 2012 in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 2 sandood oo wax yar dhiman.

Somalilaan waxay soo jirtay 28 sanadood. Mudadaana waxaa ku qabsoomay in ka badan saddex doorasho madaxweyne, laba gole deegaan iyo mid baarlamaan oo dhamaantood ku qabsoomay si dimuqraadi ah marka la barbar dhigo dalalka jaarka aynu nahay sida Kenya. doorashooyinkaasi waxay Somalilaan u soo jiideen sumcad iyo maamuus uu caalamku ku tixgeliyo inay Somalilaan tahay dal dimuqraadi ah oo soo koraaya. Sideedaba Doorashooyinku ama doorashadu waa xuquuq aasaasi ah, caalamka oo dhana doorashooyinka mudooyinka loo cayimay ayaa lagu qabtaa, si xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka loo ilaaliyo waayo muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la doorto isna wax doorto markaa waa in la ilaaliyaa xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka wax dooranaaya ama la dooranaayo.

Saadaasha tabani waxay u muuqataa in doorashooyinku mar kale dib u dhacayaan oo Goleyaasha mudo kale loo sii kordhinaayo taas oo dhiig bax ku noqonaysa Dimuqraadiyada curdinka ee Somalilaan. Hadii Doorashooyinka Somalilaan ay sanadkan 13/12/ 2019 dib uga dhacaan Sumacadii Somalilaan god madow ayey ku shalwan doontaa caalamkuma dhaqaalihii uu doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta ku bixin jiray wuu la noqon doonaa. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen ay tahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheer ay curin waayeen golaha baarlamaanku, waa in madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oo go’aan adag ka qaataa si doorashadu u qabsoonto mudadii loo cayimay oo ah dhamaadka sanadkan 2019.

Guntii iyo Gebagebo – Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay Doorasho ku dhacayn 13-ka maalmood ee u dhaxeeya mudada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah 29/11/2019 iyo mudada loo asteeyey in Doorashada lagu qabto oo ah 13/12/2019 Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada laga rabaa in ay iswaafajiso Siyaasada casriga ah iyo dhaqanka Somalilaan oo doorashada waqtigeeda ku qabato. Waa in xukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed ee maanta taagan, taana waxaa u fududeynaaya iyada oo Dastuurka furta si wixii xeerar iyo xeegaano qabyo ah kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo oo loo kobciyo loona koolkooliyo qaangaadhnimada Dimuqraadiyada curdinka ah ee Jamhuuriyada Somalilaan.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso