Mudanayaasha Baarlamaanka Dawladaasi Somalia oo cod caqlabiyad leh ku ansixiyay xukuumada iyo qorshaheeda

Muqdisho, Maarso 29.2017——-Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod caqlabiyad leh ku ansixiyay magacaabista Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ee Golaha Wasiirada iyo qorshaha xukuumada ee ay ku howlgeli doonto.

Kalfadhigan ayaa waxaa guddoominayay guddoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana soo xaadiray mudanayaal gaaraya 241, waxaana kulankan sidoo kale fadhiyay Ra’iisal Wasaaraha iyo dhamaamba golihiisa Wasiirada.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la hadlay mudanayaasha Baarlamaanka ayaa horgeeyey qorshihiisa xukuumada ay ku howlgeli doonto, waxaana qorhahan oo aad u dheeraa uu ku xusay in muhiimada koobaad ay tahay la dagaalanka Musuq maasuqa, ayna sidoo kale joogteyn doonto isla xisaabtan.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in xubnahan golaha Wasiirada ee cusub oo ku soo xushay karti, aqoon, iyo inuu hubiyay inay u adeegi karaan shacabka sida ugu wanaagsan.

“Waxaan Mudanayaasha Baarlamaanka uga mahadcelinayaa codkii ay I siiyeen markii la I soo magacaabay, waxaana maanta idiinkaga fadhiyaa inaad codka kalsoonida ah siisaan xukuumadeyda oo aan rabo in sida ugu dhaqsaha badan ay uga howlgasho, gaar ahaana qeyb muuqata uga qaadato gargaarka shacabka abaaraha ku dhufteen” ayuu yiri mar uu khudbad u jeedinayay Baarlamaanka.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa khudbadiisa ku xusay in xukuumadiisu ay xooga saari doonto tayeynta hay’addaha Cadaalada iyo sharciga, si muwaadin kasta uu u helo garsoor uu ku kalsoonaado, loona helo amni iyo aaminaada bulshada, si looga hortago si wada jir ah falalka ku dhisan argagixisinta iyo dhiig daadinta ee kooxaha nabadiidka Al Shabaab.

Mar uu ka hadlayay arrinta Wadahadalka Gobolada Waqooyi ee maamulka Somaliland ayuu carabka ku adkeeyey inuu awooda isugu geyn doono sidii xal waara looga gaari lahaa wadahadalkaasi walaalaha Waqooyi, isaga oo ballan qaaday inuu tabashada jirta kala hadli doono.

Gabagabadii kalfadhiga Baarlamaanka ayaa cod u qaaday golaha Wasiirada, waxaana codka kalsoonida ah siiyay mudanayaal tiradoodu gaareysay 224, waxaana isla goobta lagu dhaariyay golaha Wasiirada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso