Bismillaahi Arramanirraxeem.
Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh
Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdmbeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kaas khuseeya milil dushii lama dhayo
Awr aan la dheellitirin wuu dheelliya
Cadho nin qarsady way dhaawcda
Waxaa amakaag iyo fajac nagu noqotay xaaladda dalka jamhuuriyadda somalilland ku sugantahay muwaaddiniinti dalku ka dhexeeyey oo la kala fogeeyey isna arki Karin
Waxaanu ugu baqayna shacabka reer Somaliland nimaan dhulmarini dhaayo la, waxaa ragannimo iyo dumarba ku tihiin dalkiina hooyo waxa haysataan diintiinni waxa dhex mushaaxaysaan ciiddiini waxa dareemi lahaydeen marka nin ciiddi uu dhashay jooga ku yidhaahdo ka dhaqaaq dhulkayga
Bulshawaliba marka dalkooda aamminaan ayey wax noqdaan lana tix geliya beelaha reer Somaliland waa beelo dal wada leh oo walaalo ah .
Talo soo jeedin
- In hooggaan dalku aan aahkiradisa ka fikiro cid kalena u habran Sharaf iyo maamuus kala tago inta uu hoggaan gacanta ku hayo.
- In golaha guurtida ay ku daydaan qaabkii uu xaaji cabdul kariim (cabdi waraabe) wax u maamuli jiray eexna ka dheeraadan.
- In xeerka kufsiga kaas xaalaynaya kufsiga laftiisa Meesha la saaro diintana dalka lagu soo celiyo.
Ha la colloobin qamuwaadin aad dalka wada leedihiin
Ogsoonow haddii aad dhimato adiga cid neceb in aad cadaab mutasanayso sababta oo ah maalinta isniinta iyo maalinta khamiista Allah ay nafaheennu gacantsa ku jiraan wuxuu malaa,igktiisa ka dalbada in ay camalka addoomadiisa u soo gudbiyaan si ugu dambi dhaafo qofkii cid caloosha ku haya
Dambigana logama dhaafo waxaa lagu xujeyey inta caloosha layska daynaayo haddii muddaas dhimato waxaad mutasan cadaab aduunka aakhiroba waxaa lala simay shirigga qabiilna hadalkiiba daa
Allaah aya mahad iska leh innaga dhigay dadka wanaagsan oo muslimiin ah
Deeq Cabdi Digale