“Dedaal Maamul Oo Daammur La Marinayo”. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr.

Aragtidayda: Mashruucii Haayadda Shaqaalaha iyo Bangiga Dunida

 

“Dedaal Maamul Oo Daammur La Marinayo”. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr.

Somaliland waxa ay marar kala duwan heshaa kaalmo uga timaadda dunida, taas oo kabta aqoonta, dhismaha iyo baahiyaha kala geddisan ee la xidhiidha horumarka dawladnimada iyo koboca nolosha dadka. Haddii si wanaagsan loo maamulo, waxa kordha kalsoonida lagu qabo, waxaana maangal ah in iskaashigu hore u socdo. Haddii la adhax-wareemana waxa hakada xidhiidhka labada dhinac.

Bangiga adduunku waa xarun banyaal (transparent) ah, oo leh xeer iyo habraac uu ku bilaabo taageeradiisa, kula socdo hannaanka hawshaasi u socoto, cidda hawl-wadeen ka noqonaysa iyo xaddiga lacagta ee ku baxaysa tallaabo kasta oo ka mid ah mashruuca uu maalgelinayo. Ma aha meel keenta joonyado lacag ah oo gacanta la isaga dhiibo, kaddibna loogu tagri falo si kasta oo la doono. Waa ta keenaysa in uu warbixin muuqata ka soo saaro barnaamijyada uu ka hirgeliyo ama ka fuliyo dunida.

Maalmahan waxa warbaahinta marayay buunbuunin xad-dhaaf ah oo lagu sameeyay Mashruuc ku saabsanaa Shaqaalaha Somaliland oo uu maalgeliyay Bangiga Dunidu. Qof ahaan waan ka gaabsaday in aan ka hadlo, waayo xog ka timi dhinac qudha, lana sii dhalan-rogay, lama adeegsan karo.

Waxa aan sugayay warcelin ka timaadda Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ha ahaadaan masuuliyiinta xilka haya ama madaxdii xilka ku wareejisay. Waxa dhacdadan si waafi ah uga hadlay Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Farxaan Aadan Haybe iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi.

Bangiga Adduunka: Banyaal La Buunbuuniyay
Xog-warranka labadan masuul iyo ogaalkaygii qofnimo, waxa uu ku ururayaa:

1. Haayadda shaqaaluhu waxa ay baahin jirtay shaqaalaha ka qayb-qaadanaya tira-koobka shaqaalaha dawladda, waxaana laga qaadi jiray imtixaanno lagu tartamo

2. In ka badan 200 qof muwaaddiniin ah ayaa mid noqday dadka ka shaqaynaya mashruuca horumarinta shaqaalaha. Wuxuu ahaa fursad lagu meeleeyay dad u qalma in ay qaranka u adeegaan.

3. Waxa ay xulatay aqoonyahanno la-taliyeyaal ah oo muwaaddiniin ah. Marka ay qof qorato waxa ansixinayay bangiga dunida

4. Mushaharka la-taliyeyaasha waxa jaangooya Baanka Adduunka, iyaga oo eegaya nooca shaqada uu qabanayo, maalmaha uu shaqaynayo iyo khibradda la-taliyaha.

5. Haddii loo baahdo waayo-arag xeeldheere ah, waxa ay Haayaddu ka bixinaysay nooca cilmiga iyo khibradda uu leeyahay qofka la naadinayaa, waxaana xayaysiin jiray bangiga dunida, xafiiskiisa Nayroobi. Sidaas ayaana lagu qori jiray.

6. Xukuumadda Somaliland ayaa sii bixin jirtay Mushaharka Hawl-wadeennada Caalamiga ah ee la shaqaynaya Haayadda Shaqaaaha, waxaana dib ka bixin jiray Bangiga Dunida

7. Mahsruuca dib u habanynta shaqaalaha waxa ka wada shaqeeya Guddida wasiirrada ee maamula mashruuca, Haayadda Shaqaalaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dunidu oo aanu hal qof ku tagri-fali karin maamulka barnaamijka, kuna hagi karin aragtidiisa.

8. Waxa uu lahaa hanti-dhawreyaal caalami ah oo hubiya hannaanka dhaqaalaha loo maamulo.

Haddii aan ogahay in lagu xulanayo hawl-wadeennada dhabar-taabasho, qof-jeclaysi iyo laab-la-kac, aniga ayaa doonan lahaa ama olole u geli lahaa in qofka aan wato la hawl-geliyo. Laakiin waxa aan ogaa in ay jiraan sharciyad la raacayo, taas oo meesha ka saaraysa in qof garab helaya la qaato. Galaangal kasta oo aan leeyahay waxa ka gu’ weyn xaqdhawrka qofka iyo in aanan noqonnin caqabad burisa geeddiga u socda sida togan.

Tusaale ahaan marka la qalloociyo heshiishka lala galay la taliyaha oo ahaa %52,000 (laba iyo konton kun oo dollar) ee laga dhigo $520,000 (shan boqol iyo labaatan kun oo dollar), waxa aad arkaysaa in laga badheedhay tebinta war aan jirin. Hal eber oo dheeraad ah ayaa kiciyay muuqa iyo sawaxanka lala oogsaday. Waxa aan u arkaa inay tahay “Ka ciidee, dhan walba ha lagu qado’e dheglay ku shub. Anba dhamay qadhaadhkee, waa inaad dhadhamisaa”. Warbaahin kasta ama qof kasta oo adeegsaday xogtaas la dhalan-geddiyay, waxa lagu oogi karaa la-xisaabtan iyo dacwad ka dhan ah been-abuurka la faafiyay.

Gefka noocaas ah waxa u badheedhi kara qof aan rabin in Somaliland iskaashi la samayso dunida, qof shaambad madaw ku sii dhufanaya madaxda shaqaalaha iyo qof waayay dano uu lahaa. Waxa iyaduna la-yaab leh in la yidhaahdo “Qof reer Somaliland ah ayaa magac Kiiniyaati ah mushahar ku qaatay”. Waxa haayadda shaqaalaha yaalla heshiisyadii ay saxeexeen hawl-wadeennada dhaladka ah iyo kuwa shisheeyaha ahi. Buunbuuninta warkan waxa kaalin weyn ku leh bulshada oo ku kala fog taageerada xukuumadda iyo diidmada xukuumadda, sidaas awgeedna tibaax kasta oo la maqlo cirka ayaa lagu shareerayaa.

Qiimaynta rasmiga ah ee in mashruucaasi guulaystay waxa aynu ka garan karnaa illaa hadda waxyaabaha qabsoomay, sida togan ee uu halkiisii uga sii socdo iyo guud ahaan hawl-qabadyadii midha-dhalka ahaa ee uu horseedka u noqday barnaamijka dib-u-habaynta shaqaalaha dawladdu.

Milicsi Kooban: Guddoomiyihii Hore Ee Haayadda Shaqaalaha!

Waxa aan Guddoomiyihii Hore ee Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Sharmaarke Axmed Muxumed, ka tebin doonaa intii aan ka ogaa xil-gudashadiisa. Ma aha qof aan xilka ku bartay. 2011kii ayaannu bareyaal ka wada noqonnay dugsiga sare ee Nuuraddiin. Markii dambe ee uu ka shaqayn jiray madaxtooyada sida xafiiska isgaadhsiinta, xoghayaha wasiirka madaxtooyada iyo xoghyaha golaha wasiirradaba is-aqoon iyo xidhiidh ayaannu lahay. Waxa Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland loo magacaabay 14kii Ogos 2016ka.

Hiir iyo habeen-badhba wuu hawl-galay. Hawlkarnimo, hoggaamin iyo hufnaan ayuu muujiyay. Hal-adaygga iyo habsamaanta uu sameeyay waxa marar badan ku soo hal-qabsaday madaxda Somaliland oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Engineer Faysal Cali-Waraabe iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac). Wuxuu muujiyay haybadda xarunta uu madaxda ka yahay, waxaan filayaa in muddadaasi ay ahayd tii magaca haayaddaasi uu isku shareeray.

Maalintii uu xilka wareejiyay Guddoomiye Sharmaarke Axmed Muxumed (Sharmaarke Geelle) waxa uu yidhi “Xilo iyo xoolo gaar ah kama samaysan”. Walaw aynu xukumi karno inta aynu ognahay, waxa aan qof ahaan qirayaa in aragtida Sharmaarke ku dhisnayd waxqabad, fulin, horu-socod iyo hufnaan shaqo. Waxa lagu qanci karaa marag-furka Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ee xilka haya Mudane Farxaan Aadan Haybe shaqadii fiicnayd ee illaa imaka qabsoontay.

Siciid Maxamuud Gahayr

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso