Kobicii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ee Isdaba Joogay, Waxa Wiiqi Kara Jidkii Shalay. (Qaybtii 3-aad)

Kobicii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ee Isdaba Joogay, Waxa Wiiqi Kara Jidkii Shalay. (Qaybtii 3-aad)
“Qormo iftiiminaysa in Jidkii shalay, maanta ay ina tusinayso, Bari khasaaraha wiiqi kara kobocii isadaba joogay ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland”

(AHUN) Cusman Qaasim Qodax markii uu xilka la wareegayey waxa uu yidhi:” Anigu halkan umaan iman in aan ka hello dhaqaale xilka wasiirnimo ee la ii igmaday, waxaan halkan u imid in aan si daacad ah uga hawl-galo sidii umada loo gaadhsiin lahaa adeeg caafimaad oo hufan, maanta qiyaasta cabirka dhexdaydu way idiin muuqataa, marka aan xilka ka dego, haddii ay wax ku kordhaan cabirka dhexdeyda iyo haddii ay ku kordhi waayaanba, waxay idiin muujin doontaa in aan ku talax-tagay hantidii umada iyo kale.” (AHUN) Cusman Qaasim Qodax waxa uu ahaa shaqsi daacad ah, oo naxariis badan, cadaaliya, iskuna-kalsoon, balan-qaad iyo go’aan qaadasho wanaagsan.
(AHUN) Cusman Qaasim Qodax waxa xilka Wasiirnimo kala wareegay Mudane, Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ahaa Wasiirka Wasaaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, taariikhdu markay ahayd 6-dii bishii karan sannadkii 2006-dii illaa iyo 6-dii bishii karan sannadkii 2007-dii.
Wasiirkan oo ahaa wasiirkii labaad ee ugu muddada dheeraa wasiiraddii soo maray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ahaa Wasiirkii labaad ee ugu muddada gaabnaa 18-kii wasiir ee xil ka soo qabtay wasaaradda horumarinta caafimaadka, wasaaraddan oo hore loo odhan jiray wasaaradda caafimaadka iyo shaqada, ayaa haddana noqday Masuulkii ugu wax-qabadka badnaa Wasiiraddii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iskaga danbeeyey, wakhtigaas waxa uu hirgaliyey qorshaha shan sannadood oo lagu horumarinaayey caafimaadka dalka.
Wasiir walba wax-baa lagu xasuustaaye, Mar aan booqday Xarunta xafiiska hayadda Caruurta Aduunka ee UNICEF ku leedahay koonfurta magaalada Hargeysa, taasoo ah xarunta ugu weyn xafiisyadda hayaddu ku leedahay dalalka geeska Africa, intaanan galinba waxaan dib u xasuustay sidii ay ku suuro gashay xarun dhul intaa leeg ku fadhida in laga hir-galiyo caasimadda dalkeena ee Hargeysa, ka dibna, waxaan markiiba ku farxay midho dhalka hiigsigii wasiirka ay maskaxdiisa ka soo maaxatay in xarun intan leeg ay hayadda caruurta Aduunku ku yeelato Somaliland, waxaanay taasi suuro gashay markii uu ku dhiiraday inuu dhul uu sigaara u lahaa ugu deeqay hayaddaasi, in kastoo aanu nasiib u hellin isagoo xilka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada haya in la hir-galiyo.
Lamaan yaabin dhismaha, laakiin, waxa darreen gaar ah igaliyey hiigsiga iyo arragtida fog ee uu lahaa Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ahaa wasiirka caafimaadka iyo Shaqada, taariikhdu markay ahayd 6-dii bishii Karan sannadkii 2006-dii illaa iyo 6-dii bishii karan sannadkii 2007-dii.
Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) markii uu siiyey dhulka ay ka hirgalisay xarunta ugu weyn xafiisyaddeeda dalalka geeska Africa, kaliya wuxuu shuruud kaga dhigay in ay Wasaaradda Caafimaadka u dhisto gurriga labada dabaq ah ee hadda Wasaaraddu ku shaqeyso, inkastoo xilka wasiirnimo uu iska casilay haddana nasiib umuu hellin isagoo xil umadda u haya dhameystirka labaddaa dhisme ee aynu ka waranay, waxay taasi ka markhaati kacaysaa qiyamka iyo arragtidiisii suubaneyd, taasoo ay ku dheehnayd Wadaniyad iyo xilkasnimo.
Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) markii uu iska casilay xilkii wasiirnimo, waxa loo soo magacaabay Cabdi Haybe Maxamed oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaaka iyo Shaqada, taariikhdu markay ahayd 6-dii bishii karan sannadkii 2006-dii illaa iyo 23-kii, Diraacdii Sannadkii 2010-kiii.
Wakhtigaas hamsami u socodkii adeegyadii caafimaad ee la gaadhsiin lahaa bulshada, waxa curyaamiyey daruuro watay ceeryaamo badan oo dul hogonaayey Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, waxaana hoos u dhac weyni ku yimid Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ka dib, markii Wasiirka Caafimaadku ka caydhiyey dhakhaatiir ka hawl-gali jiray Cusbitaalkaas, isla markaana, waxa xilkii iska casilay Agaasimihii Cusbitaalka, ka dib, markii uu wasiirku ka dalbaday in uu ku soo wareejiyo gaadhi Land-crueser ah oo hayada SARC ay lahayd looguna shaqeynaayey xafiiska kufsiga ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Wasiirka Caafimaadka Md. Cabdi Haybe waxa uu mar kale soo saaray qoraal uu ku maroorsanayo maamulkii xidhiidhka hay’adaha wadashaqaynta la leh wasaaraddiisa, waxaanu wasiirku ku wargaliyey hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee maalgeliya mashruuca tallaalka carruurta (CHD) in isagu yahay meereeyaha keliya ee maamulaya mashruucaas oo qiimihiisu ku kacayey lacag ku dhow hal milyan oo dollar, ($1milyan dollar) sidaa darteedna aanay cid kale u gacan-dhaafi karin hawshaas, taasoo masuuliyadda fulinta iyo la xisaabtanka hawlaha mashaariicda caafimaadka ee hay’adauhu kala shaqeeyaan wasaaradda caafimaadka uu u xil-saaran yahay Agaasimaha Guud.

Agaasimaha Guud (AHUN) Dr. Anwar Maxamed Cige ayaa tallaabadaas Wasiirku ku weecsaday hawshiisii shaqo ee loo igmaday kaga falceliyey warqad qoraal ah oo uu u qoray hay’adaas, isagoo ku cadeeyey in aanay hay’adu kala xisaabtami karin wixii ka yimaadda fulinta mashruuca tallaalka carruurta, maadaama isaga laga wareejiyey, waxaanay sababtay arrintaas inay muddo aan la cayimin hay’adaha caalamiga ahi hakiyeen fulinta mashruucii ugu ballaadhnaa ee tallaalka carruurta Somaliland, kaasoo hore loogu qorsheyey in uu dalka ka bilaabmo dabayaaqada bishii March sannadkii 2010-kii. .” …………la soco…..
Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso