HASHIISKA SALDHIGGA BERBERA CIDDII ARAGTAAY-NOOGA BAADHA QODOBADAN KOOBAN.
(RASHEED ALI MEIGAG SAMATER)
Horta nin neceb iyo nin jecelba Heshiiska in ciidammo shisheeye Isticmaalaan Xeebta Berbera waa waa arrin lagu kala hagaagay, una hirgeli doonta sida Xukuumadda maantaa jirtaa ay ku gunaanadday, waa xataa iyadoo sifooyin sharcigeenna ka baxsan loo maray meel-marintiisa, sida Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo hoggaamiyay ansixinta Nuxurka Heshiiska (Memorundum Of Understanding) ee Golaha Barlamaanka la hor keenay, iyadoo Guddoomiyihii Golaha Barlamaankuna Xay yahay kuna sugan yahay madasha-Golihiisii dhexdiisii. Ta kalena waa iyadoo aan wax la tashi ah lala samayn madxda Xisbiyada Qaranka, Haydaha ay khusayso ee Qaranka iyo tix-gelin/war-gelin Bulshada ah (Public Consultations) loona dhaqmay sidii oo aan waddanka la wada lahayn. Waxa Iyana la yaab kale ah oo aan marnaba dhici doonin in Heshiiskii saxa ahaa (Actual Agreament) ee ka dhashay Nuxurkii Golaha la keenay (Memorundum Of Understanding) dib loogu soo celiyo barlamaanka, si loo ansixiyo is-oggolaanshaha Heshiiska kama-damaysta ah iyo Nuxurkii la ansixiyay.
Haddaba Heshiiskan oo illaa maanta dad kooban oo Xukuumadda ka ag dhow oo keliyihi ogtahay ama arkagtay, ayaa haddana bulsho weynta Somaliland yihiiin kuwo aan wax badan ka ogayn waxay kala mudan karaan iyaga iyo Ciidammada shisheeye ee dhulkoodii soo degey, joogi doonana muddada aad u dheer. Akhriste fikrad ka qaado in qodobadani yihiin kuwo ay is-dul-taageen madaxdeenni ajnabiga u soo oggolaatay dalkeenna..
BIXINTA SALDHIGGA (GRANTING THE BASE).
Horta heshiiska yaa wada gelaya? Waa in heshiisku si cad u xusayo inuu dhexmarayo Xukuumadda Somaliland iyo Quwadda shisheeye – sida Imaaraadka Carbeed.
Waa in xuduudda Saldhiggu dhul ahaan si cad u qeexan tahay oon madmadow ku jirin, isla markaana Calanki qaranka S/L si cad uga dhex babbanayo, muddada heshiisku jirana dhulka saldhiggu waa mid kiro ah oo ay leedahay S/L . Waa in la qeexo in Xukuumaddu heshiisyo kan la mid ah cid kale la geli karto iyo inkale.
Lacagaha caddanka ah ee heshiiska, Bangiyada iyo muddooyinka wax bixintuna waa inay qeexan yihiin.
XUQUUQ CAYIMAN (DISCRIPTION OF RIGHTS).
Waa in la cayimo xuquuqda askarta saldhiggu u leedahay maamulka xeryohooda iyo dariiqyada ka baxa ama soo gala, isticmaalkooda laydhka iyo aaladaha hagidda elktronigga ah, raadarrada, mawjadaha hawada, badda cirka ee S/L. Duulimaadyada Saldhiga iyo magaalada korkeeda mara, iyo isticmaalka shacbiga ee badaha ku harreraysan saldhigga waa in laga heshiiyay.
Ciidamada Saldhigga ee ilaashanaya danohooda ciidan waa in laga heshiiyay dhaqdhaqaaqooda ciidan hadday bad tahay, berri iyo cirba, maraakiibtooda iyo dayuuradohoodu intay fasax u haystaan dhul, bad,iyo dekedaha kale ee S/L. Doonyaha ama maraakiibta waddaniga ah qudhoodu intay ka gaadhi/geli karaan xuduudaha Saldhigga.
Weerar dibadeed Alle ma keenee oo inagu yimaadda maxaa laga filayaa ciidammada innala soo degey?
WADA-SHAQAYNTA IYO MASHAARIICDA (COOPERATION AND DEVELOPMENTAL PROGRAMS).
Qorshayaasha iyo mashaariicda waxqabad waa inay qeexan yihiin, qiimaysan yihiin oo weliba muddaysan yihiin.
Iskaashiga Ciidamada saldhigga iyo Ciidamada Qaranka waa in la qeexo xidhiidhkooda sida tababarrada, dhoollatuska iwm.
Inta labada ciidan is-dhex geli karaan/siro isweydaarsan karaan oo la isla meel dhigao.
SHARCIGA (JURISDICTION) ama SUGNAANTA CIIDANKA (STATUS OF FORCES AGREAMENTS – S.O.F.A.S).
Fal dembiyeedyada culus/fudud (Civil/Criminal) ee ciidamada Saldhigu xuduuddooda dhexdeeda ama dibadeedaba ka geystaan, iyo Kuwa Muwaadiniinta S/L xuduuddooda ama dibaddeedaba Ciidamada Saldhiga ugu geystaan, yaa xaq u leh xukunkooda iyo maxkamadayntooda. Waa in la sharxo inta la wadaago iyo inta la kala leeyahaba. Mise waa jaantaa rogan oo falka ay bulshadeenna askarta cusubi u geystaan waddankooday kula noqonayaan, falkii iyaga loo geystose ciqaabteennaa la marinayaa?
CASHUUR DHAAF (TAX EXEMPTION).
Xukuumadda Somaliland ma cashuuri kartaa agabka Saldhiggu la soo degayo, Shirkadaha kale ee u adeeggaya Saldhigga iyo agabkoodase cashuur ma lagu leeyahay?.Wax kast oo Ciidamada Saldhiggu kula soo degaan cashuur la’aan, waa inay ku ekaato isicmaalkooda oo keliya oo aan iib iyo faaiido doonis bulshada S/L loo dhex keenin, si loo tix-geliyo muwadinka ganacsiga dalka kaga jira ee agabkiisa la cashuuray.
MAGDHAWGA (LIABILITIES AND COMPENSATION).
Haddii cid cadow ku ah ama lid ku ah ciidammada Kiraystay Saldhigga ay khasaare nafeed ama maal ama adduunyo gaadhsiiyaan dadka, maalka iyo guud ahaan dalka Somaliland waa in laga heshiiyay magdhawgooda, muddo cayimana loo qabto dalbashada iyo bixinta magdhawgaasi.
Waxyeellooyinka aaladaha, sida mashiinada, baabuurtu iwm ay u geystaan shacabka Somaliland, ee keena dhaawac, dhimasho amase burbur maal – waa in laga heshiiyay magdhawga lana muddeeyo waqtiga la dalbanayo iyo waqiga la bixinayoba.
DHAQDHAQAAQA/IS-DHEX-GALKA (MANUEVERS).
Askarta Ciidamada cusub, shaqaalaha shirkadaha la socda, xaasaskooda iyo carruutoodu dhaqdhaaq intee le’eg baa loo oggol yahay, Ma soo geli karaan suuqyada, miyi, magaaloyinka kale ee Somaliland. Maxay xor u yihiin maxaase ka xaaransan.Waa in seminarro iyo wacyi-gelin la siiyo dadka iyo askarta cusub ku saabsan ilaalinta, Diinta,Dhaqanka iyo Anshaxa reer Somaliland.
Adeegyada Bulshada ee Qaranka S/L, ma isticmaali doonaan Ciidamada cusub iyo shaqaalaha shirkadaha la socda iyo xaasaskoodu.
SAFARKA (IMMIGRATION).
Saldhigga oo leh ciidan lebbisan iyo kuwo dhar caadiya lehba, iyo shaqaalaha shirkadaha qandaraasyada ka haysta iyo dadkoodu sifo noocee ah bay dalka ku soo geli karaan , si looga warqabo tirooyinkooda iyo meelahay dalka kaga sugan yihiin. Dadka Reer S/Land ee u safra, shaqo doonta dalalka askarta cusub (Imaraadka), xaalad noocee ah bay ku sugnaan doonaan.
NAQSHADAYNTA IYO KHAYRAADKA (SURVEYS AND MINERAL RESOURCES). Wax kasta oo khayraad ah oo laga helo badda dhulka iyo xataa xuduuddaha saldhiggu ku fadhiyo waxa leh degaanka iyo shacabka Somaliland oo keliya.
Xogo ama daraasaad kasta oo la sameeyo sida dhulka oo qaabkiisa la dhalan rogo (Tobographic), Xaradhka badaha hoostooda (Hydrographic), Sawirrada Hawada sare lagu qaado (Aerial photographs), iyo Naqshadaynta Sugidda Xeebaha( Coastal Geodetic Surveys, waa in marka hore oggolaansho looga haysto Xukuumadda S/L , Xogahana lala qaybsado mar walba.
AMNIGA IYO XIDHISTA (SECURITY & ARREST POLICY).
Ciidamada Amniga Qaranku S/L masuuliyad intee le’eg bay ku leeyihiin nabad-gelyada Saldhigga, qalabka dhismaayaasha iyo habsami u socodka shaqada saldhigga.Haddii fal-dembiyeed dhaco xadhigga iyo qabashada bilayska waa in laga heshiiyay.
BOOSTA IYO ISGAADDSIINTA (COMUNICATIONS).
Isticmaalka adeegyada is-gaadhsiinta sida telefoonada, Internetka iyo Boosaha waa in laga heshiiyay isticmaalkooda iyo xogaha la isu marin karo.
KHILAAFADKA IYO SOO AFJARIDDA HESHIISKA (DISPUTES AND TERMINATION)
Waa in tirooyin heshiis ay ku yihiin labada dhinacba loo magacaabo xallinta khilaafaadka isla markaana sharci caalamiya oo dhexdhexaadiya la isla qaatay, kaasoo hore loogu wada qancay.
AASKA IYO XABAALAHA (BURIAL AND CEMETARIES)
Muddada Heshiisku jirayo oo dheer darted, waa in la isla meel dhigo aaska ciidamada cusub, xabaalo ma ku yeelan karaan dalka Somaliland.
Guntii iyo gebogebodii, qormadani waa kooban tahay lakin heshiiska dhabta ihi waa ka balladhan yahay, waxanse uga jeedaa in muwaadiniintu fikrad ka dhex arkaan waxay Saldhig Milatari ka rajayn karaan.
Wa Billahi Tawfiiq
Rasheed Ali Meigag Samater
(Hoggaamiyaha Jaaliyadda W.London)