3. Xarrumaha saddexda xisbi halka ay ku yaalaan ayaa ah tusaalaha ugu yare e arrintaas cadaynaya, waayo saddexda xarumoodba ku yaalaan degsiimadda Koodbuur oo ku taalaa geeska Waqooyi Galbeed ee magaaladda Hargeysa, halkaasoo ay xarumaha saddexa xisbiba isu jiraan fogaan aan ka badnayn 200 talaabo. Bal la eeg saamiga cod ee ay saddexda xisbi ka kala heleen lixda goobood ee ugu dhaw xarumaha saddexda xisbi doorashaddii 2017. Codadkaasoo dhamaa 8,219 cod (eeg shaxda hoose); xisbiga UCID wuxuu helay 103 cod oo keliya oo u dhiganta 1%; xisbiga Waddanina 665 cod oo keliya ama 8%; iyadoo 7,451 cod ee kale ama 91% uu helay xisbiga tallo-wadaagga ku astaystay xaruntiisa ee Kulmiye.
Magaca Goobta
|
Tirada Codka |
UCID |
KULMIYE |
WADDANI |
Dugsiga A. Dhagax |
2,126 |
26 |
1,965 |
135 |
Dugsiga Sh. Madar |
857 |
10 |
739 |
108 |
Istaanka Jigjiga Yar |
1,155 |
7 |
1,096 |
52 |
MCH ka Saxardiid |
1,456 |
29 |
1,268 |
159 |
Bada Cas |
1,105 |
13 |
979 |
113 |
Suuqa Jamac Gunti |
1,520 |
18 |
1,404 |
98 |
Wadar |
8,219 |
103 |
7,451 |
665 |
Sidoo kalena, waxaa degsiimadda Koodbuur ku yaala hoyga Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud, iyo Madaxweyne Ku-xigeenkooda Saylici.
4. Shirweynaha xisbi siyaasadeed, badiba waxaa lagu qabtaa magaaladda ama deegaanka uu xisbigaasi kal helo teegaradda ugu badan ama taageero mustaqbalka ah laga shukaaminayaan. Bali la eega go’aan qaadashadda biyo-kama-dhibcaanka ah ee xisbiga Kulmiye, oo shirweynihiisii ugu dambeeyay (2019) ku qabsaday degmadda Boorama oo uu xisbigaasi ka helay 20,817 cod oo wadarta codka degmaddaa laga dhiibtay doorashaddii 2017 oo dhamaa 52,074 cod ka noqonaya 40%. Sidoo kalena, degmadda Boorama waxay kaalinta 5aad ka gashay baaxadda codka uu ku soo baxay Masaxweyne Biixi; iyadoo ay ka horreeyeen Hargeysa, Burco, Gabiley, iyo Berbera. Waxaa kale oo ay xeel-dheerayaasha doorashadda beelaysan ee Somaliland sii odorasayaan inuu Madaxweyne Biixi qormaynayo jeegaan siyaasdeed cusub oo ka hanaqaadda deegaamadda u dhaxeeya Hargeysa ilaa Lawyacado.
Halka shirweynaha xisbiga UCID ee la filayo inuu August 2019 ku qabsoomo degmadda Burco, oo uu xisbigani doorashaddii 2017 ka helay 973 cod oo keliya, oo u dhiganta 1% wadarta codadka degmadda Burco laga dhiibtay oo dhamaa 95,242. Ma is-tidhi UCID wuxuu aad u jecel yahay degmooyinka uu helo 1% codkooda ka mid ah. Waayo, doorahsaddii madaxtooyadda ee 2017, Faysal Cali Waraabe waxaa 83.6% codkii uu helay siiyay codbixiyeyaasha degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley; isla markaana Sallaxley waxay ahayd degmadda keliya ee uu kaalintaa 1aad galay xisbiga UCID.
Dadka qaarbaa qiyaasaya sababta UCID shirkiisa ugu qabanayo Burco inaanay ka fogayn laba ujeedo oo Madaxweyne Biixii loogu gogol xaadhayo inuu mar kale ku guulaysto doorashadda madaxtooyadda. Kow, in xisbiga UCID laga soo saaro musharaxa ka soo jeeda Barriga Burco, si doorashadda dambe codka saddexda gobol ee bariga Somaliland uu ugu qaybsamo labadda musharax ee UCID iyo WADDANI; halka xisbiga KULMIYENA laga yaabo inuu isku dubba rito codka saddexda gobol ee galbeedka Somaliland. Ujeedada labaadna, waxay noqon kartaa inuu xisbiga UCID xafiiltan iyo xangaruufo kala kulmo magaaladda Burco, gaar ahaan dhinaceeda galbeed, si ay u sii kala fagmaan taageerayaasha WADDANI (Walaah yaclam).