Shirkii Barlamaanadda Wadamada Barwaaqo Sooranka Oo Dalka Uganda Ka Furmay Iyo Wafti Somaliland Ka Socda Oo Ka Qayb Galay.

Shirkii Barlamaanadda wadamada Barwaaqo Sooranka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaaladda Kambaala ee caasimadda dalka Uganda , waxaana shirkaasi ka qaybgalay wafti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hogaaminaayo Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha wakiiladda Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle .

Shirkan maanta u furmay Barlamaanada wadamada Barwaaqo Sooranka ayaa waxa furay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musefeni , waxaana kasoo qaybgalay dawladdo badan oo ku jira wadamada Barwaaqo Sooranka.

Waxaana Somaliland shirkaasi uga qayb gelaaya wafti xildhibaano ah oo uu hogaaminaayo Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha wakiiladda Somaliland Md Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle , sidoo kalena ay xubno ka yihiin .

1:  xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye)

2: Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe.

3: Cabdicasiis Ismaaciil.

4:  Xamse Xaaji Dool

5: iyo xoghayaha  Golaha wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle .

Iyada oo ay maalintii Shalay gurigiisa kulan kula qaateen xubnahan ka socday Barlamaanka Somaliland wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Uganda  Hon Sam Kuteesa.

Waftigan Somaliland ka socda ee ka qayb gelaaya shirkaasi Barlamaanadda wadamada Barwaaqo Sooranka uga furmay magalaadda Kampala  ayaa marti qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musafeni.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso