Dugsiga Boodhinka Ah Ee Xaaxi Oo Munaasibad Sagootina U Qabtay Ardaydii Sannadkan Ka Qalin Jebisay.

Dugsiga Boodhinka ah ee magaalada Xaaxi ee gobolka Daad-madheedh ayaa xaflada sagootin ah u qabtay Ardaydii sannadkan ka qalin jabisay dugsigaas.

Sida uu ku soo waramay wariye Sayid Maxamed oo wakaalada Solna uga soo warama gobolka Daad-madheedh, Waxana munaasibadaas ka qayb galay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, maamulka gobolka Daad-madheedh, gudoonka waxbarashada gobolka, masuuliyiinta ururka Sunbul ee gacanta ku haya Dugsigaas, maamulka iyo macalimiinta Dugsigaas, aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo lugu marti qaaday xafladaas.

Ugu horayn maamulaha dugsiga Boodhnka ah ee Xaaxi Garaad Cali Aadan oo halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey xaalada dugsigaas oo uu sheegay inay wanaagsan tahay, wuxuuna sheegay in Ardayda dhigata dugsigaasi ay ka kala yimaadeen guud ahaan gobollada dalka oo dhan iyo waliba gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Geesta kale, guddoomiyaha waxbarashada gobolka Axmed Cismaan Maxamed iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka ahna ku simaha guddoomiyaha Maxamuud Cali Axmed (Jubba) oo xafladaas ka hadlay ayaa u mahad naqay cid kasta oo gacan ka geysatay dugsigaas, waxayna ballan qaadeen inay gacan ka geysanayaa dhisme deyr ah oo loo samaynayo dugsigaas.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay dhakhaatiir, culimo awdiin iyo aqoonyahano bogaadiyey horumarka ballaadhan ee dugsiga Boodhnka ah ee Xaaxi ku talaabsaday, isla markaana waxay hambalyo iyo bogaadin u direen Ardaydii sannadkan ka qalin jabisay dugsigaas Boodhanka ah.

Dhankoodana waxa madashaas ka hadlay wasiirka wasaaradda deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Jaamac Ibraahin (Baqdaadi) waxayna hadalo isugu jira hambalyo, duco iyo dardaaran u jeediyeen Ardayda ka baxday Boodhanka Xaaxi iyo macalimiinta wax ka dhigta dugsigaas, iyagoo sidoo kalena bogaadiyey Aasaasihii dugsigaas Boodhanka ah Sheekh Yuusuf Aadan Guray oo lahaa fikirkii dugsigaas lagu yagleelay.

Gabagabadiina waxa shahaadooyin iyo abaalmarino lagu gudoon siiyey Ardaydii kaalmaha hore ka gashay Imtixaankii sannadkan ee dugsigaas iyo waliba qaar ka mid ah macalimiinta.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso