Wasaaradda Deegaanka oo Tababar u furtay 15 Farsamo yaqaan oo Girgirayaasha sameeya

Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa tababar u furtay 15 Farsamo yaqaan oo ka mid ah kuwa sameeya Girgirayaasha Dhuxusha.

Sida ay ku waramayso Wakaaladda wararka Solna 15-kan farsamo yaqaan ayaa lagu tababari doono sidii ay u samayn lahaayeen Girgirayaasha dhuxusha Madhxiya,Waxaanu tababarkani socon doonaa mudo shan cisho ah kaas oo qayb ka ah qorshe lagu yaraynayo isticimaalka dhuxusha isla markaana ay si wada jir ah isaga kaashanayaan wasaaradda horumarinta miyiga iyo hay’ada UNDP.

Maxamed Yuusuf Nuur oo ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Deegaanka iyo Cabdi Abokor oo ka socday hay’adda UNDP oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in farsamo yaqaanada tababarka loo furay ay kaalin weyn ka qaadan doonaan yaraynta isticimaalka dhuxusha iyadoo la horumarinayo Girgirayaasha dhuxusha beekhaamiya oo ay hal abuurkiisa leeyihiin farsamo yaqaanada Somaliland.

Cabdikariin Aadan Cumar Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga oo si rasmi ah Tababarkaasi u furay ayaa ka waramay dhibaatada ay deegaanka ku hayso isticimaalka dhuxusha oo ah Tamarta ugu badan ee ay bulshadu adeegsato waxaanu intaas ku daray inay ku rajo weyn yihiin in Girgirayaasha dhuxusha madhxiyaa ay kaalin fiican ka qaadan doonaan yaraynta isticimaalka dhuxusha.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso